Qarax ka dhacay qunsuliyadda Maraykanka ee Jidda agteeda

 

Qof is miidaamiyey ayaa goor dhawayd isku qarxiyey meel u dhaw qunsuliyadda Maraykanku ku leeyahay Sucuudi Carabiya.

Wararku waxay tibaaxayaan in laba sarkaal oo amniga ahi ay ka shakiyeen nin meel wax ku rakibaya, markii ay u tageen si ay u waraystaana uu is qarxiyey halkaas oo labadii sarkaal iyo qofkii is qarxinayey ku qudh baxeen.

Meesha uu isku qarxiyey waxay barxad baabuurta la dhigto u tahay cusbitaal dadka lagu daweeyo.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka oo goor dhawayd war soo saartay ayaa sheegtay in aanay jirin cid shaqaalaheeda ah oo qaraxa wax ku noqotay isla markaana ay xukuumadda Sucuudiga kala shaqaynayaan sidii ay dhacdadan baadhitaan ugu samayn lahaayeen.

2004-tii ayaa weerar kan oo kale ah lagu soo qaaday qunsuliyadda Maraykanku ku leeyahay Jidda. Waxa weerarkaas ku naf waayey shan ka mid ah ilaaladdii qunsuliyadda iyo 4 shaqaale ah oo ay gudaha ku dileen dablaydii weerarka gaysatay.

Intaas wixii ka dambeeyey amniga qunsuliyadda aad baa loo adkeeyey wax weerar ah oo kan maanta ka horreeyeyna kama dhicin.

Saudi explosion

Bandhige@gmail.com