Noocyada saldhigyada ciidan iyo danta imaaraadka ee saldhigga Berbera (WQ: Mohamed O. Hagi Mohamoud)

Saldhigyada ciidan ee duwalku ku yeeshaan dalalka shisheeye waxa inta badan loo qaybiyaa afar; waxa la ga dhigi karaa waxa loo yaqaan ”War Room” ama ”Command Centre” oo noqonaysa goob hawl-gal ciidan lagu naqshadeeyo. Saldhigga noocan ahi waa mid loo farsameeyey marka horeba difaac iyo weerar. Tusaale waxa u ah saldhigga ciidan ee Imaaraadku ku leeyahay Assab, Eritrea.

Sida labaad ee saldhig ciidan goob ka baxsan dalkiisa loo ga yagleeli karaa waa in la ga dhigo goob la gu tobabaro ciidan ”Training Facility”. Saldhigyada noocan ahi inta badan waxa duwalku u sameystaan in ay iskaashi ciidan oo kale kula sameeyaan dalal iyo dawlado kale. Tusaale waxa u ah saldhigyada ciidan ee Maraykanku ku leeyahay Yurub.

Sida saddexaad ee saldhig ciidan waddan goob dalkiisa ka baxsan ugu sameysan karaa waa tan ugu khatarsan ee loo yaqaan ”Proving Ground” waana in loo dan leeyahay yeelasho goob hubka cusub ee la soo iibsado ama la sameysto waxyeelladiisa iyo sida uu wax u gumaadi karo la gu tijaabsado. Tusaale waxa u ah saldhigga ciidan ee Maraykanku ku leeyahay Japan oo ah kan suntiisa cabashadu ka taagan tahay.

Sida afraad ee waddan saldhig ciiddiisa ka baxsan ku dhisan karaa waa waxa loo yaqaan ”Forward Operating Base” waana in dal rabo in uu ku ilaashado danihiisa gaarka ah (support Strategic Goals on National Interest). Tusaalaha ugu fiicani waa kan Berbera ka dhismaya oo ujeeddada Imaaraadku ka lahaa ahayd in uu ku ilaashado maalgashiga Dekedda Berbera iyo danaha mandaqadda ee fog.

Saldhigga Ciidan ee dawladda Imaaraadka Carabtu ay Berbera ku leedahay marnaba ma ahayn ujeeddadiisu in Yemen la ga weeraro. Imaaraadku waxa uu adduunyada ku leeyahay afar saldhig: –

1. Saldhigga Assab oo ku talo-galkiisu yahay in Yemen la ga weeraro.
2. Saldhigga AL-Khadim ee Libya oo ku talo-galkiisu yahay in lagu ilaaliyo Haftar iyo Benghazi iyo weliba golaha kacdoonka ee Libya (Revolutionary Council).
3. Saldhigga Yemen ee jasiiradda Suqaddara oo ujeeddadiisu tahay danta UAE ee Koonfurta Yemen.
4. Iyo ugu dambayn saldhigga ciidan ee Berbera oo sida aan hore u soo sheegnay ujeeddadiisu tahay danta dekedda iyo tan mandaqadda.

Weerarka Yemen Imaaraadku waxa uu ugu talo-galay in uu Assab ka weeraro sida ku cad heshiiska labada dhinac. Halka saldhigga suqaddara danta uu ka leeyahay tahay in uu ku ilaaliyo Caddan isaga oo ka gaar yeelaya Sanca. Ugu dambayn, mar haddii saldhigga Berberi yahay mid dan waddan iyo mid maalgashi, oo aan la ga lahayn ujeeddooyinka aan kor ku soo xusnay waxa uu noqon karaa saldhig ciidan iyo mid shacab oo ganacsi ah.

Mohamed O. Hagi Mohamoud