Waxa jira dad hore u daawaday filim documentary ahaa oo hal-ku-dhiggiisu ahaa “HALKII AAN KA IMI: Xanuunka iyo Xusuusta Waxbarasho La’aanta Miyiga.” Wuxu filimkaasi ku saabsanaa dhibaato guud ahaan ka jirta miyiga oo aan tusaale ugu soo qaatay meeshii aan ku dhashay ee aan ku barbaaray. Waana Dhooboweyne oo ah mashruuc wax-soo-saar iyo deegaan lagu nool yahay oo ka tirsan gobolka Daadmadheedh. Wuxu dhexayaa afar tuulo oo afarta jiho ka kala xiga; Haro-sheekh (Galbeed), Mureec (Hawd/Koonfur), Xaaxi (Bari) iyo Galoolley (Waqooyi). Marka Hargeysa laga tago ee jihadaa bari ka xigta looga baxo-na waxa loo socdaa ku dhawaad boqol iyo dhawr iyo toban kiiloo mitir.
Waqtigaa aan ka soo sameeyey filimka waxay ahayd badhtamihii bishii Jeeniweri ee sannadkan 2016. Wuxuu ahaa muqaal si dhab ah uga hadlay baahida waxbarasho ee deegaanka ka jirta iyo iskuday ay dadka deegaanku sameeyeen oo joogsaday.
Sida oo kale xilligaasi aanu tagnay wuxuu deegaanku ahaa abaar, hadda se waa barwaaqo oo roobabkii gu’ga ayaa si fiican uga da’ay.
Ujeedka ugu weyn ee aanu halkaa u tagnay waxay ahayd in aanu wax ka qabanno baahida waxbarasho ee deegaanka ka jirta. Tan iyo wixii ka dambeeyey waqtigaa aan soo saaray filimka baahida waxbarashada ka hadlayay, waxa bilaabmay dhaqdhaaq qoys oo baahida wax lagaga qabanayo. Kulanno kala duwan oo Hargeysa aanu ku yeelannay waxa ka soo baxday in deegaankii lagu noqdo oo waxbarashadii dib loo hirgeliyo. Waxaana na dhiirrigeliyey annaga oo isku qancinnay in aanu wax qaban karaynno iyo talooyin dhiirrigelin ah oo aan ka helay dadkii daawaday filimkii aan hore u sameeyey.
Waxaana aanu guddoonsannay si baahidaa wax looga qabto in aanu ku dhaqaaqno dhawr qodob oo kala ah:
1- In annagu aanu diyaarinno macallinkii wax dhigi lahaa iyo mushaharkiisiiba.
2- In aanu kulan ballaadhan oo dadka deegaanka lagu dhiirrigeliyo aanu ku qabanno Dhooboweyne.
3- In inta laga helayo dhisme ama la dayac-tirayo cariishkii hore wax loogu dhigan jiray in ardayna la helo, waxbarashadiina geed hoostii laga bilaabo.
Ilaahay mahadi ha u sugnaatee dhammaan qodobadaasi way noo hirgaleen. Haddii alle ka dhigo-na waxaa guushaa ka faa’idaysan doona carruur badan oo ku nool Dhooboweyne iyo deegaannada ku xeeran. Gudaha Dhooboye oo ah halka aanu goobta waxbarashada ka soo yagleelnay waxa ku nool ku dhawaad soddon carruur ah oo isugu jira kuwo jooga xilligii waxbarashada ay bilaabi lahaayeen iyo kuwo dhaafay xilligii bilowga, balse weli ku jira da’dii waxbarashada.
Carruurta aanu filaynno inay fursaddaa waxbarasho ka faa’idaysan doonaa waxay ku siman yihiin boqol (100) carruur ah. Ilmaha yar ee deegaankaa ku nooli haddii la isyidhaahdo tulooyinka dhinacyada ka xiga ha u waxbarasho doonto, waxay ku qaadanaysaa masaafad u dhexaysa laba saacadood illaa saddex saacadood. Markaa sidaas ayay carruurtu u dhibbanaayeen.
Haddii aan hore u idhi:
“Halkii Aan Ka Imi: Xanuunka iyo Xusuusta Waxbarasho La’aanta Miyiga.”
Hadda waxa aan leeyahay:
“Halkii Aan Ka Imi: Xalka Waxbarasho La’aanta Miyiga.”
Waxaana mudan in markasta dadku isku tashadaan inta aanay cid kale wax u doonan. Qoys ahaanna dadaalkan taabbogelintiisa way naga go’an tahay in hirgelinno. Ciddii wax ku darsanaysana waanu soo dhawaynaynaa. Waxaana baahida xigtaa tahay in la helo masaajid iyo dhisme malcaamadeed.
Sawirradan soo socdaa waa cariishkii ay hore Maddariisaddu u ahayd oo Dayar-tir u baahan. Laguna jiro in la dayac-tiro.
Qalinkii: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare)
Hargeysa, Somaliland.
Tel: 0633466600