Sida runta ah xiliga dhallinyaranimadu waa xilli aad u qaali ah, isla markaana qofka dhallinyarada ah waxa ku jira tamar iyo firfircooni dheerada taasi oo u baahan in looga faa’iidaysto dhinaca wanaaga iyo Alle ka cabsiga.
Waxa jiray nin dhallinyara ah oo aan waligii Guursan, tamar iyo xoogna isu gaystay, malaha joogana xiliguu uu gayaankiisa Gabdhaha mid ka mida uu guursan lahaa.
Wiilkaasi waxa uu ahaa dadka had iyo goor ay ku badan yihiin xiliga hurdada riyooyinku, gaar ahaan Riyooyinka ku saabsan wada sheekaysiga ama haasaawaha ragga iyo dumarka.
Habeenkii Illaahay keenaba waxa ay u ahayd riyo in uu ku arko isaga oo gabadh qurux badan la sheekaysanaya, balse hadana madaama ay riyo tahay waxa ay ku danbaysaa hal bacaad lagu lisay.
Ninkii dhallinyarada ahaa wax uu riyooyinkaasi isdaba jooga ku jiraba, wax ay habeenba riyo nooc kale ah sida filimka soo martaba, habeen habeenada ka mid ah ayaa sidii caadadu u ahayd waxa uu ku riyooday isaga oo gabadh aad u qurux badan la sheekaysanaya, riyada gudaheediina uu ku qancay muuqeeda iyo quruxdeeda.
Riyada gudaheedi ayaynu ku jirnaaye wiilkii iyo gabadhii waxa ay isku barteen si fiican, ilaa heer ay isla gadheen in ay is guursadaan, waa isla riyada gudaheediye kala qorteen talafoonadii waxaanay ku balameen in ay soo wada hadlaan.
Riyo wax kasoo qaad malaha badankeeduye, waxa baryay waagii, kadibna wiilkii dhallinyarada ahaa waxa uu furaashkiisii ka kacay isaga oo kaliya, iyada oo sheekadii, mala’awaalka ahayd ee xalay riyada u ku dhisayna ay dhammaatay markii uu hurdada ka kacay, iska jiifba lahaydaa.
Balse markii uu suuqa u soo baxay ayaa waxa maskaxdiisa kusoo dhacday in uu gabadhii uu xalay ku riyooday uu la hadlo, madama uu wali xasuusan yahay talafoonkii ay riyada ugu qortay.
Waa mid subxaanalee waxa uu garacay talafoonkii, nasiib wanaag waxa ka qabatay gabadh uu ilaa xad codkeeda riyadii ku xasuusto, waaba iyadii oo aan biyo ismarin.
Markii uu dareemay in codkani uu yahay gabadhii xalay riyada uu kula kulmay, heshiiska guurkana uu la galay, ayaa waxa la is dhaafsaday hadaladan:-
Wiilkii: Walaal waxa aan ku waydiiyay ma waxa aad tahay inanta layidhaa ……?
Gabadhii: Haa walal waa, adigu kumaad tahay ?
Wiilkii: Walaal aniga magacayga waxaa la yidhaa …… ee barasho wanaagsan.
Gabadhii: Barasho wanaagsan balse isu kay sheeg ku garan maayee, waxaase ku waydiiyay talefoonkayga halkee ayaad ka heshay, yaa ku siiyay?
Wiilkii: Walaal talafoonka adiga ayaa i siyay oo ii qoray Xalay.
Gabadhii: Yaa ma anigaa kuu qoray xalay, oo halkeen xalay isku aragnay?
Halkaa marka ay sheekadu marayso ayaa wiilkii uu gabadhii waxa uu uga sheekeyay in isbarashadoodu ay ka bilabantay riyo uu xalay ku arkay iyada.
Halkaasi waxa ka bilabantay isbarasho aad u layaab badan, waxa ay noqdeen inankii iyo inantii kuwo barashadoodu ay aad u sii siyaado, waxa ay noqdeen dad kalgacal iyo jacay dhab ahi uu ka dhex dhacay kadibna waxa ay aakhirkii ku balameen in ay is guursadaan.
Balantii iyo heshiiskii guurka markii muddo laga joogay, ayaa waxa la go’aansaday in la guda-galo hawshii guurka, waxa ay labadii dhinacba ogaysiiyeen hawshoodii Waalidiintii dhalay, waxa la galay tabaabushii Meherka, kadibna waxa halkaasi ka dhacay Meher aad u layaable.
Muddo yar ka bacdi ayaa haddana waxa lagu heshiiyay in guri-galkii iyo Arooskii la dhameeyo. Waxaana la qabsaday in wiigan soo socda laga dhigo aqal-galka.
Muddadii aqal-galka lagu balamay marka ay hal maalin ka hadhay ayaa wiilkii sidii u cadaada ahayd habeen habeenada ka mida ayaa haddana waxa uu ku riyooday, iyada oo mindi afwayn galinaysa gabadhii uu guursaday, isla markaana dilaysa qoortana ka goynaysa.
Markii waagii uu baryay ee uu hurdadii ka toosay ayaa waxa uu la shawray lana tashaday naftiisa, kadibna waxa uu iswaydiiyay su’aalo ay ka mid yihiin:
Madamaa gabadhan aad riyo ku guursatay isla markaana ay riyadii rumoowday gabadhiina aad meherisay, malaga yaaba haddana madaama aad ku riyootay iyada oo ku dilaysa in riyadan danbana ay rumowda oo ay ku dishaba naftana kaa qaado?
Alaylaha haa ayuu isku qanciyay, kadibna waxa uu go’aansaday in uu guurka gabadhan halkaasi kaga hadho, waxa uu waalidkiina ku qanciyay in gabadhan aanu guursan ee uu waliba furi doono.
Maalintii danbe ayaa sida Soomaalida u cadaada ah ayaa waxa arrintii ka xanaaqay odayaashii ay kasoo jeeday inantu waxaanay ka codsadeen in warcad laga siiyo sababta gabadhan guurka loogala noqday.
Waxaa gole laysugu keenay Odayaashii labada dhinac, waxa kale oo iyana goobta lasoo fadhiisiyay inankii iyo inantii guurku ka dhexeeyay, waxa su’aal la waydiiyay wiilkii dhallinyarada ahaa waxaana laga codsaday in uu sheego isla markaana uu cadeeyo sababta keentay in uu heshiiskii guurka gabi ahaantiiba uu ka baxo.
Waa arrin afkala qaad iyo amakaag lehe wiilkii inta uu istaagay shirka dhexdiisii ayaa waxa uu ka yidhi hadaladan:-
โMartida sharafta leh aniga oo Salaamaya waxaan idiin sheegayaa in gabadhan aan markii hore riyo ku bartay kuna mehersaday, haddana aan riyo ku arkay iyada oo i dilaysa taasaa keentay in aan guurka iyo balantiiba ka baxo.โ
Riyadii xalay baan rumaystoo raxaan moodoo waan riyaaqee!!
https://twitter.com/khadar_aar
Waxa Qoray: Qareen Khadar Ibraahim Aar