Sacaadatul wasiir
Ninkii tiisaba daryeelaa
Ileen walaalkiina tiirshee
Maxaad tari nin taag daran
Wasiir waxaad ka hadashay bisha july lacagteeda macalimiinta mushaharka looga dhigaayo bisha fasaxa ah. Hadii aad wax ka hadlayso oo uu wadankan lexejeclo kaa hayso maxaad uga hadli weydey oo aad uga dhiidhiyi weydey Qishka iyo Musuqmaasuqa ka socda goobaha waxbarashada ee dalka.
Wasiiraddii kaa horeeyey ee wasaaraddan rubuc cqarniga jirta dhidibada u taagey ee ka dhigay wasaaradda ugu shaqada badan waxoodii ma waxaad ka dhigtay hal-bacaad lagu lisey iyo dumaamo lagu ganacsado .
Sacaadatul wasiir goโaamada aad qaadato ma gambada dumarkaa ka dambaysa ileen wax ku oolba maahee.
Layaabku wuxuu yahay darajo wasiirnimo ninka nin aqoontiisu BB tahay u dhiibay.
Wasiir aayahii carruurteena iyo tii wasaaraddeenuba waxay maraysaa meel aan la qiyaasi karin waxaasna waxaa masuul ka ah bahda imtixaanaadka oo hawshii qaranka ay u hayeen ku doorsanaaya shilimaad.
Mudane wasiir wasaaraddu way fashilantee hore u dhaaf. Halka ugu muhbiimsan ee wax laga saxaa waa dhallinta, bal haddaba haddii dhallintii la baro musuqmaaduqa maxaa hagaagaaya.
Qaybtii 1aad
Qalinkii Cabdi Caawiye