Saddex Xagalka Baahiyaha Aadanaha (WQ: Mukhtaar Axmed)

Abraham maaslaw (Abraham Harold Malow 1908-1970)  oo ahaa nin Maraykan ah, ayaa waxa uu daah qaaday mid ka mid ah aragtiyaha waxyaabaha bani aadamka dhiiri geliya amma ay ku salaysan yihiin baahiyiisa iyo doonitaankiisu oo afka qalaad loo yaqaan (Hierarchy of needs or Thoeries of motivation) Abrahman aragtidiisa waxa uu ku muujiyay jaantuska loo yaqaan saddex galka(Pyramid) oo u kala sarraysiiyay qaabka ay u kala mudan yihiin baahiyaha aadanahuhu. Ugu horrayntii waxa aad laysugu khaldaa qaab adeegsiga labada eray ee Baahi iyo Doonis amma rabitaan. Marka aynu adeegsanaynaynno waxaas baan u baahanay iyo waxaas baan doonayaa, waxa ay kala sheegayaan laba macne oo kala geddisan.

Dood iyo muran ayaa ka dhalanaya qaab adeegsiga erayada baahi, rabitaan iyo doonis, Mukhtaar ahaan aragtidayda gaaban waxa aan qabaa in erayga Baahi loo adeegsado wax aan laga maarmi karin adeegsigooda, halka labada eray ee kale ee doonis iyo rabitaan loo adeegsado wax laga maarmi karo adeegsigooda. Tusaale ahaan, waxa aan u baahanay biyo, waxa aan rabaa inaan gaadhi yeesho, sida laga dhadhansan karo erayga baahi waxa uu tilmaamaaya muhiimad wayn kuu leh oo abdaynayso inaad hesho halka erayada kalena laga dareemaya shan aad muddo badan ka maarmi karto amma aanad waxba u noqonayn haysashadooda. Hasa yeeshe dadku waa ay ku kal duwan yihiin adeegsigooda. Nuxurka waa ogaanshaha iyo garashada waxa naftu u hamuun qabto.

Haddaba, ninkan baahiya aadana waxa u qaybiyay shan qaybood oo kale sarreeya, oo kale ah

  • Physiological needs(Baahiyaha jidheed)
  • Security and savety needs (Baahiyaha nabad gelyo)
  • Social needs (Baahiyaha bulsheed)
  • Steem Needs (Baahiyaha Qaddarinta)
  • Self Actualization( Baahiya Kor ahaanshiyaha)

Abrahan waxa uu leeyahay si qofka bani aadamka uu u gaadho dhammaystirnaan buuxda oo dhanka nolosha waxa khasab ah inuu haysto dhammaan baahiyahan kor ku xusan. Abraham waxa uu ugu horraysiiay baahiya jidheed ee bani aadamka ah waxa ugu horreeya ee guud ahaan noolayaashu ka wada siman yihiin. Oo kale ah cuntada, cabbitaanka, Hawada, hoyga, hurdada, galmada, dharka iyo guud ahaan wax kasta oo oo aynu adeegsanno nolol maalmeedkeenna. Aadanaha iyo noolayaasha kaleba baahiyahan la’aantood ma noolan karaan karaan. Dhinace kale aadanuhu baahiyahan waxa uu kala siman yahay xayawaanka, haddii aadanuhu intan ku meeraysto ma jiro wax uu kaga duwan yahay xayawaanka. Badanaa waxa aynu maqalnaa halhays aynu ugu yeedhno dadka u shaqaysta baahiyahooda nafeed waxa aynu nidhaahnaa “Dhuuni raac” oo ah inuu qofku sharaftiisa ka doorbido baahiyihiisha jeedh oo ah quud iyo xoogaa shilimaad ah.

Baahiyaha nabad gelyada iyo bedqabka( Security Needs)

Qofka bani aadanka ah markuu uu cunto uun u baahan yahay, ma dareemayo baahi uu u qabo ammaan iyo nabad gelyo, maxaa yeelay baahidiisa ayaa ku salaysan baahi jidheed, saas awgeed haddii qofkaas u u helo badi baahiyiisa jidheed waxa hubaal ah inuu uga gudbbayo marxalad kale oo ah inuu helo badqab iyo nabad gelyo. Halkan waxa ku kala leexday xayawaanka iyo aadanaha, xayawaanka kuwa duggaagga ah iyo kuwo kaleba uma baahna ammaan, keliya waxa ay yaqaannnaan sida looga bad baado khataraha deegaanka. Aadanuhu ma noolaan karo nidaam la’aan saas awgeed waxa khasab ah inay heelaan nidaam iyo sharci kala celinaya dadka, waana sababta dadku uga baqaan sharciga. Qofka bani aadamka ah waxa uu u baahan yahay inuu ammaan u helo, dhaqaalaha, shaqada, hantidiisa, naftiisa, caafimaadkiisa, xorriyaddiisa, iyo niyad ahaanba.

Baahiyaha bulsheed( Social Needs)

Sida uu qabo dabeecad yahankii Jaarles Daarwin ( Charles Robert Darwin 1809-1882) noolayaasha qaarkood ayaa u wada nool raxan amma kooxo ahaan, libaaxa ayaa badanaa u nool koox ahaan oo ka koobaan ugu badnaan ilaa 8 libaax. Halka dacawada badanaa u nooshahay keli amma 2 dacawo oo qudha. Saas awgeed aadanuhu ma noolaan karo, qoys la,aan amma bulsho la’aan. Aadanahu marka u kasoo gudbo marxaladda badqabka iyo nabadgelyada, waxa uu rabaa inuu u helo baahi bulsheed oo ah in uu helo, asxaab, xidhiidh jacayl, qoys, kooxaha bulshada, goobaha dadwaynuhu isugu yimaaddaan iyo goobaha cibaadada. Kelinimada, asxaab iy bulsho la’aanta ayaa qofka ku keenaysa, werwar, isku buuq iyo xanuunno nafsaani ah. Dadka aqoonta u leh arrimaha nafta ayaa waxa ay xaqiijiyeen in qofba qofka ka ded dhex gal iyo asxaab badan yahay ayuu ka caafimad badan yahay nafsad ahaan kan kelidii nool.

Baahiyada qaddarinta( Steem Needs)

Ixtiraam, qaddarin, sharfid, maamuus, wanaajin, ammaanid, mahad naq iyo wax kasta oo nafta bani aadamka ay jeceshay in loo sameeyo ayaa iyaguna ah mid ka mid ah baahiyaha seeska u ah dhammaystirnaanta baahiyaha aadana. Qof aan ixtiraam iyo qaddarin mudnayn maba uu jiro karo, waxa hubaal ah inuu waasho oo ay cidhibtiisu xumaato. Baahidan qaddarinta waxa ka horraysay baahida bulshada, saas awgeed qofku markuu u helo bulshada uu rabay waxa uu rabaa inuu bulshada ka helo ixtiraam iyo xushmad siin. Diinta islaamku aad bay u dhiirri gelinayaa wanaajinta iyo iyo ixtiraamka qaddarinta dadka. In qofka uu helo iyo xumshad iyo maamuus waa mid ka mid ah xuquuqaha aas-aasiga ah ee qofka bani aadamka ah.

Baahida kor-ahaanshiya ( Self Actualization)

Soomaalidu waxa ay yidhaahdaan baahida qofka xabaal ayaa buuxin karta, aadanahu marka  uu kasoo dhammaan marxaladaha kala geddisan waxa uu doonayaa inuu magac, mansab iyo maamuusba uu ka helo bulshada uu la nool yahay, waana marxaladda ugu sarraysa ee qofku gaadho, meesha ugu sarraysa ee uu bani aadam ilaahay sharaf ka gaadhsiiyay waa nebinimo, booskaas oo aan dib dambe loo furayna eebbe bani aadamka waxa uu ugu naxariistay inay helaan ixtiraam iyo qaddarin aan ka dhicin ta nebinimada. Marlxaddan afka suuqa waxa aynu nidhaahdaa hebel amma heblaayo duco iyo habaar midna uma baahna, tusaale Sheekh Mustafe waxa uu kulansaday aqoonta, maal iyo magacba saas awgeed haddii la ammaano waxba usoo kordhin mayso, haddii la ceebeeya waxba yeeli mayso maxaa yeelay waa uu kasoo gudbbay dhammaan xalaadahaas.

Aadanaha waxyaabaha uu ugu jecel yahay inuu gaadho ayaa ah darajo amma kor ahaanshiyo, tusaale ninka askriga ah hammiggisa ugu wayni waa inuu taliye noqdo, waxa uuna jecel yahay isagoo dable ah in taliye loogu waco, qof kasta meesha uu darajada uu rabo inuu gaadho ayaa uu jecel yahay in magaciisa laga horraysiiyo, sida, xildhibaan, wasiir, taliye, maayir, maalqabeen, iyo qaar kale oo badan.

Waxa habboon in lagu baraarugsanaado sida ay u kala mudan yihiin baahiyaha qofku, tusaale ahaan qof keliya u baahan in laga taageero nolol maalmeedkiisa wax kaleba uma baahna ilaa baahidisaasi ay buuxsamayso. Waxa aad loogu tusaale qaataa qof bilaa shaqo ah oo goob shaqo usoo doontay, marka ugu horraysa waxa uu u baahan yahay ayaa ah inuu helo xoogaa lacag ah oo u nolol maalmeedkiisa ku dabbaro waana sababta uu ugu dulqaato wax kasta oo dhib ah oo shaqada kasoo wajaha sida cay, shaqo culus iyo lacag yar maxaa yeelay baahidiisa ayaa kala muhiimsan waxa ku dhacaya.

Ugu dambeyntii, qof kasta waxa looga baahan yahay inu fahmo baahidiisa iyo baahida dadka kale, waxaana muhiim ah in la garto in qof kasta marlaxadda uu ku jiro, tani ayaa innaga caawinaysa in aynaan qofka ku gefin amma xumayn ammaba aynaan dayicin. Guud ahaan baahiyaha waxa ugu muhiimsan baahida qaddarinta iyo xushmaynta, qofku keliya waa dadnimadiisa iyo sharaftiisa, si aynu dhammaan u helno ixtiraam iyo qaddarin waa in aynu innaguna dadka ixtiraamnaa. Baahidaadu si kasta oo ay u badan tahay marna ha ka tanaansulin dadnimada iyo sharafta.

W/Q: Mukhtaar Axmed.