Siyaasaddu waa hoogaamin, in umadda ama bulshada lagu hogaamiyo xaqiijinta danahooga iyo masaalixdooda; Siyaasadu waa in umadda loo adeego, yadoo adeega loo adeegayo ay cadaaladdu gundhig u tahay, sinnaantuna turjume u tahay cadaaladda.
وعن أَبي هريرةَ قَالَ: قالَ رَسُول اللَّه ﷺ: كَانَت بَنُو إسرَائِيلَ تَسُوسُهُمُ الأَنْبياءُ، كُلَّما هَلَكَ نَبِيٌّ خَلَفَهُ نَبيٌّ، وَإنَّهُ لا نَبِيَّ بَعدي، وسَيَكُونُ بَعدي خُلَفَاءُ فَيَكثُرُونَ، قالوا: يَا رسول اللَّه، فَما تَأْمُرُنَا؟ قَالَ: أَوفُوا بِبَيعَةِ الأَوَّلِ فالأَوَّلِ، ثُمَّ أَعطُوهُم حَقَّهُم، وَاسأَلُوا اللَّه الَّذِي لَكُم، فَإنَّ اللَّه سائِلُهم عمَّا استَرعاهُم متفقٌ عليه.
Nebigu SCW waxa uu xadiith saxiixa ku sheegay isaga oo hogaaminta iyo siyaasada sharaxaya in ree Banuu Israa’iil ay hogaamin jireen Nabiyadoodu, Nebi marka uu dhintu midkale ayaa dhaxlayay, Nebigu intaaa waxa uu raaciyay in isaga uunna nebi ka danbeyn, kuwa umadda hogaamindoonaana in ay badan doonaan, waxa ay ku idhaahdeen asxaabtu Nebi Alloow maxaad na amraysaa ?
Nebigu waxa uu yidhi SCW midba midka uu kasoo horeeya la bayctama, xaqoogana siiya, xaqoogana u gu’da. Xaqa uu nebigu u gu’da madaxda ina leeyahay waa xaqa Ilaahay qur’aanka inagu amray.
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ وَأُولِي الْأَمْرِ مِنكُمْ ۖ فَإِن تَنَازَعْتُمْ فِي شَيْءٍ فَرُدُّوهُ إِلَى اللَّهِ وَالرَّسُولِ إِن كُنتُمْ تُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ ۚ ذَٰلِكَ خَيْرٌ وَأَحْسَنُ تَأْوِيلً(٥٩) سورة النساء
Ilaahay aayaddan waxa uu inagu amrayaa in aynu adeecno Ilaahay iyo rasuulka hadii aynu nahay kuwa iimaan laga helay, waxa uu Ilaahay ina amrayaa in aynu adeecno kuwa Ilaahay arinka iyo talada inoogu dhiibay, hadii aynu is maan dhaafno halka xalka laga raadinayaa in ay tahay Kitaabka Qur’aanka iyo Sunnada Rasuulka SCW.
Kuwa Ilaahay talada umada ugu dhiibay waa ammaano hawsha ay hayaan waana mas’uuliyad, xisaabteeda aakhiro iyo aduunyada way wadataa, hadaba ammaanadaas Ilaahay ayaa amray in dadkeeda loo celiyo ( raciyadda).
إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُكُمْ أَن تُؤَدُّوا الْأَمَانَاتِ إِلَىٰ أَهْلِهَا وَإِذَا حَكَمْتُم بَيْنَ النَّاسِ أَن تَحْكُمُوا بِالْعَدْلِ ۚ إِنَّ اللَّهَ نِعِمَّا يَعِظُكُم بِهِ ۗ إِنَّ اللَّهَ كَانَ سَمِيعًا بَصِيرًا (58) سورة النساء
Ilaahay waxa uu amray cidda ammaanada haysa in ay u gu’daan waajibka ka saaran ammaanada oo ah in la celiyo ammaanada oo loo celiyo cidii ehelka u ahayd, sidoo kale Ilaahay waxa uu amray in cidda ammaanada loo hayo oo ah raciyadda lagu kala xukuma caddaalad.
qofka xilka haya waxa waajib ku ah in uu gu’do ammaanada, taasi micneheedu waa in sida ugu karaanka badan uu umadda ugu adeego, xoolaha iyo hantida umadda ka dhaxaysana ku tagri falin, taas weeyi gu’dista ammaanadu.
Siyaasada saxda ahi waa taas, marka laga imaado xirfadda hogaamineed, xalinta arimaha ku xeersan qofka hogaanka haya, kala doorashada xaaladaha ku xeersan, iyo la tashiga cida u ehelka ah ee uu la tashanayo, dhammaan kuwaas oodhan waxay u baahanyihiin ehelkeeda iyo cidii cilmi u leh.
Siyaasi marka aad maqasho waxa maskaxdaada ku soo dhacaya, khiyaanoole, mid sifiican wax u cuna ( xoolaha umadda) kala kiciye, aftahan, fajiile, iyo mid balo ka dhacday, waana waaqica aan hada ku jirno.
Qofka gu’di kara ammaanadaas waxa haboon in uu usoo banbaxo sidii nebi Yuusuf CS ugu soo banbaxay.
قَالَ اجْعَلْنِي عَلَىٰ خَزَائِنِ الْأَرْضِ ۖ إِنِّي حَفِيظٌ عَلِيمٌ سورة يوسف (٥٥)
Nebi Yuusuf CS laba sifo oo muhiim ah ayuu sheegtay, waana in uu yahay xafiid, oo ah mid ilaalinaya ammaanada oo aammin ah, sidoo kale mid caliim ah, micnaha cilmi u leh oo ehelkeedii ah, sidoo kale culimadu waxa kale oo aad u doorbidaan qof awoodda leh ee aaminna ah sida ku cad sifadii uu sheegtay cifriidkii nebi Sulaymaan.
{قَالَ يَا أَيُّهَا الْمَلَأُ أَيُّكُمْ يَأْتِينِي بِعَرْشِهَا قَبْلَ أَنْ يَأْتُونِي مُسْلِمِينَ (38) قَالَ عِفْرِيتٌ مِنَ الْجِنِّ أَنَا آتِيكَ بِهِ قَبْلَ أَنْ تَقُومَ مِنْ مَقَامِكَ وَإِنِّي عَلَيْهِ لَقَوِيٌّ أَمِينٌ}[النمل: 38، 39].
Jinkaas laba sifo uu muhiim u ah qofka ammaanada qaadaya ayuu sheegtay, kow waa in uu yahay qof awood badan, awood shaqsi ahna way noqon kartaa mid jidh ahaaneedna way noqon karta, waxa u daliila qisadii Daaluut iyo Jaaluut, markii Ree Banuu Israa’iil ay dalbadeen boqor ku hogaamiya jihaadka iyo in ay xaqooga dhicsadaan, Ilaahay waxa uu u dooray in uu hogaamiyo Daaluut oo markaa ahaa nin aan maal iyo aduunyo haysan.
وَقَالَ لَهُمْ نَبِيُّهُمْ إِنَّ اللَّهَ قَدْ بَعَثَ لَكُمْ طَالُوتَ مَلِكًا ۚ قَالُوا أَنَّىٰ يَكُونُ لَهُ الْمُلْكُ عَلَيْنَا وَنَحْنُ أَحَقُّ بِالْمُلْكِ مِنْهُ وَلَمْ يُؤْتَ سَعَةً مِّنَ الْمَالِ ۚ قَالَ إِنَّ اللَّهَ اصْطَفَاهُ عَلَيْكُمْ وَزَادَهُ بَسْطَةً فِي الْعِلْمِ وَالْجِسْمِ ۖ وَاللَّهُ يُؤْتِي مُلْكَهُ مَن يَشَاءُ ۚ وَاللَّهُ وَاسِعٌ عَلِيمٌ (247)
Sababta uu Ilaahay ku doortay Daaluut ayaa ahayd in Ilaahay awood jidheed iyo mid cilmiba siiyay, markii ree banuu Israa’iil ku doodeen sababta ninkan boqor looga dhigay, ayaa Ilaahay u sheegay waxa uu dheeryahay oo ah cilmi iyo awood.
Sidoo kale nebi Muuse CS markii ree madyan uu u socdaalay ee hablihii nebi Shucayb aabohood u ammaanayeen waxa ay ku tilmaameen mid awoodleh aamminna ah.
{يَا أَبَتِ اسْتَأْجِرْهُ إِنَّ خَيْرَ مَنِ اسْتَأْجَرْتَ الْقَوِيُّ الْأَمِينُ}[القصص: 26]
Ammaano, Cilmi, iyo Awood.
W/Q Abdullahi Yusuf