Sariibaddii mise Saldhiggii Koodbuur: Milicsiga Halka Lagu Xayiray Weriyeyaasha iyo saldhigyada Hargeysa (WQ: Siciid maxamuud Gahayr)

Sariibaddii mise Saldhiggii Koodbuur: Milicsiga Halka Lagu Xayiray Weriyeyaasha iyo saldhigyada Hargeysa

Suxufiyiin ka tirsan ERYAL ayaa maanta lagu bannaday saldhigga Koodbuur; Kaddib markii ay duubeen dad ka cabanaya in la musuqay wabarasho u soo baxday ardaysii barnaamijka shaqo qaran. Waa la is xidhaa oo dhib malaha, halkee se laysku xidhaa nooh!

Kobta la geeyay ma ahaan jirin saldhig iyo meel loo dhisay in aadame lagu hayo. Waa sariibaddii uu Engineer Maxamed Xaashi Cilmi u dhisay degmada Ibraahin Koodbuur markii uu ahaa Duqa Hargeysa. Qolalkeedu malaha musqul, hawo-qaadasho iyo faya-dhawr midna. Waa rugta lagu xidho dadka ugu  badan Hargeysa.

January 2019ka waxa ku xidhnaa 143 maxbuus. Inuu buuxo ayaan moodayay wuu se weli ballaqan yahay. Goob loo dhisay in lagu xareeyo tamaandho, basal iyo bagaash ayaa loo dhaadhiciyay.

Tagfida, injirta, dukhaanka iyo qaar kale ayaa is haaga la-haysteyaasha. Caagadaha lagu kaajo ayaa tuulan. Haddii albaabka laga furi waayo maxbuuska, waxa uu saxaro bacaysan ka soo tuurayaa daaqadda. Waxa tan afka maxaabiista lagu yidhaahdaa Fiishtaanka.

Maadaama oo xilligu kulul yahay waxa aan ka werwersanahay hanfiga iyo uumiga leefi doona. Marka laga tago Saldhigga dhexe iyo ka Shiraaqle ee Bariga Hargeysa, dhammaan xarumaha boolisku dadka ku xidhaan ma aha kuwo nolosha aadamaha u qalma. Xorriyad la’aanta waxa ka xanuun badan xaaladda nololeed ee murgaysa. Qaarkood waxa lagu kala qaadi karaa xanuunnada faafa.

Nin taliye ka ahaa Saldhigga New Hargeysa ayaa yidhi ”Waxa lagu soo xidhay qof qaba is-nidaamis (cun-cun) ama cudurrada maqaarka. Markii uu 30 daqiiqo ku jiray ayuu xanuunkii qaadsiiyay dhammaan maxaabiistii ay isku qolka ahaayeen. Waan imi oo dibadda ayaan u soo saaray”. Saldhigga Gacanlibaax waa rugtii hore ee kutubta Hargeysa. Meel loo qoondeeyay in buugaagta dheeraadka ah la dhigo ayaa aadame lagu cabbeeyaa.

Dhididka madaxa ka dareera ayaa xundhurta gaadha ama hoos u dhaafo. Waxa adag inaad wax ku cunto meesha noocaas ah. Malaha ilays. Qaar ka mid ah qolalka saldhigyada ayaa ah suuliyo la daboolay oo dherer ahaan ka yar 1m. Waa in lugaha la laabo xilliga hurdada.

Qadhmuunka ayaad sanka qabsanaysaa. Neewcawdu waa urta ka kabbacaysa jirikaannada lagu talleejiyo. Biyihii baa goay’a? Waa dhiillo kale oo harraad, uskag, weyso la’aan, istijo la’aan iyo cuntada oo ingagga lagu liqo ah.

Saldhigyada Maxamuud Haybe, Axmed Dhagax, Daloodho, Sheekh Nuur iyo qaar kale ayaa tartan ugu jira Hoggaaminta nadaafad-xumada, waxa we horyaalka isku haya ka New Hargeysa iyo ka Ibraahin Koodbuur.