Shan qodob oo looga maarmi karo baarlamaanka (WQ: Cabdirisaaq Sandheere)

Haddii Golahan laga maarmi maxaa loo noqonayaa? Ayaan maalin dhawayd iswayddiiyay. Wax cad oo qaranku u noqonayo oo aan ahayn magaca iyo dawladda qaabkeeda weeyi ayaan waayay! Haddii kollaba sababta Baarlamaan loo samaystaa ay tahay dejinta arrimo kooban oo sharci ah in laga maarmi karo ayaan aaminsanahay.

Dhawrkan sababoob waa lagag maarmi karaa:

1- Mushaharka ay bilwalba qaataan waa xad’dhaaf. Lacag kumannan ah ayaa mid walba fadhi ku soo gasha

2- Shaqo badan oo la qabtaa ma taallo.

3- Lacagtaasi waxbadan bay Qaranka u goyn lahayd.

4- Way tiro badanyihiin, oo waa kuwo xadkabax ah.

5- Hore ayaa loogu taajiraa, iyada oo aan waxba la qaban, oo haddii aad i odhan lahayd ” Wax si fudud looga taajiro ii sheeg?” Baarlamaanka gal ayaan ku odhan lahaa.

Berigii nimankan la doortay qofkii dhashay hadda waa qaangaadh!