Jillaagii caanka ahayd ee reer Masar ee lagu magacaabi jiray Wadiid Xamdi ayaa wada wadal dhex maray isla jillaagii kale ee la odhan jiray Kaamiiliya, xilli ay kuguda jireen jillida filimka caanka ah ee lagu magacaabo: ” ูู ุฑ14 “.
Waxa ay ku tidhi Eebbe waxa aan kaaga baryayaa in aad dhimatid adiga oo gubanaya. Tii kalena waxa ay ugu jawaabtay, adna waxa aan Illaahay kaaga baryayaa in aad dhimatid adiga oo Mindi wadnaha kaaga jirto.
Haddaba waxa layaabka ah ayaa waxa ay tahay in Wadaad Xamdi ay dhimatay iyada oo
gubanaysa kaddib shil diyaaradeed oo dhacay dabshidlii1950-kii. Halka Kaamiiliya iyaduna uu dilay tuug gurigeeda usoo dhacay oo Mindi wadnaha ka geliyay sannadii 1994-tii.
Fannaanka caanka ah ee Carbeed ee lagu magacaabo Ismaaciil Yaasiin ayaa waxa uu leeyahay hees caan ah oo ku jirta Filimka la yidhaahdo: “ุงูุนุตู ุฉ ุตุงุญุจุฉ “Heestaas waxa ku jirta ereyo uu ku leeyahay: Illaahayow faqiir aan waxba haysan iga dhig. [=” ุงูููู ูู ุงู ุฃููุฑูู ุงูููู ุ ุฌู ูู ุงูููุฑ ุนุฏูููู ุฃุบูู .”Ugu danbayna waxa uu geeriyooday isaga oo faqri ah. Xitaa iyada oo la waayay kharashaadkii lagu duugi lahaa janaasaddiisa.
Mar kale wareysi lala yeeshay jillaaga caanka ah ee Carbeed ee lagu magacaabo Anwar Wajdi- Ayaa waxa ay weyddiiyeen midka uu doorbidayo in uu helo ‘caafimaad’ iyo ‘maal’ haddii la yidhaahdo kala dooro. Waxa uu yidhi: Waxa aan doorbidayaa oo illaahay weyddiisanayaa in aan helo afarta maal adduun iyo sidoo kale waxa xanuun adduunka korkeeda yaalla. Illaahay ducadiisi wuu ka aqbalay oo waxa uu noqday taajir afarta maal adduun Eebbe isugu keenay, laakiin nasiibdarro, illaahay waxa uu ku salliday xanuuno baas oo sababay in uu geeriyoodo isaga oo ah wiil dhalin yaro ah oo markaas uun dunidu bilaw u tahay.
Haddii aynu kusii socono qormadeena, mar kale waxa dhacday in fannaankii caanka ahaa ee u dhashay boqortooyada Sacuudi Carabiya ee lagu magacaabi jiray ู
ุฏุงุญ ุทูุงู uu yidhi mar uu waraysi siinayay fogaan-aragga MBC channel in uu yidhi: “Illahayow waxa aan kaa baryayaa oo aan kaa tuugayaa in aad nafta iga qaadid aniga oo badhtanka u taagan tiyaatarkii iyo masraxii ุงู ูู
ูุช ููู ุนูู ุฎุดุจู ุงูู
ุณุฑุญ .”qaadayay ka heesaha aan
Haddaba in muddo ah kadib ayaa waxa dhacday mar uu tagay Koonfurta Sacuudiga oo uu heeska qaadayay tiyaatar ilyartu is qabatay oo Jamhuurkii oo dhan soo buux dhaafiyey; in uu kursigii Masraxa ka dhacay oo uu dhulka ka soo go’ay, kaddibna wadnahu istaagay; halkaasna uu ku geeriyooday.
Haddaba Suubbanihii Muxammad (ุตูู ุงููู ุนููู ูุณูู
) (Shacni iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) waxa uu ka digay in aan waxyaabaha xun xun ee taban aan la saadsan oo aan afku lagu badin, sababta oo ah buu yidhi: “Samada Eebbe oo furan xilliyada qaarkood oo ducaduna Mustajaab tahay”.
ูุงู ุงููุจู(ุตูู ุงููู ุนููู ูุณูู
) (ูุง ุชุฏุนูุง ุนูู ุฃููุณูู
ุ ููุง ุชุฏุนูุง ุนูู ุฃููุงุฏูู
ุ ููุง ุชุฏุนูุง ุนูู ุฎุฏู
ููู
ุ ููุง ุชุฏุนูุง ุนูู ุฃู
ูุงูููู
ุ ูุง ุชููุงููููุง
ู
ู ุงู ุชุนุงูู ุณุงุนุฉ ููููู ูููุง ุนุทุงุก ููุณุชุฌูุจ ููู
)
ุตุฏู ุฑุณูู ุง ุตูู ุง ุนููู ูุณูู
.
W/Q: Sayid-Abdirahman Abdillahi
Cilmi baadhe, Qoraa iyo falanqeeye arrimaha Geeska Afrika.
Kala xidhiidh: Facebook account: Sayid-Abdirahman Abdill