Fariimaha Wacyigelinta nabadgalyada waddooyinka

Somaliland Waxa ku badan shilalka waddooyinka kuwaas oo gaysta khasaare nafeed iyo kuwa hantiyeedba. Sannadkii 2018 oo keli ah, tirada shilalku waxay gaadheen 3457.161 qof ayaa ku dhintay  shilalkaas waxaananku waynay hanti aad u badan. Shilalka badan waxa sababa habdhaqanka khaldan ee darawaliinta, sidaa darteed, darawaliinta waxa laga rabaa in ay gaadhiga u kaxeeyaan si taxadar leh oo masuuliyadu ku jirto.

Shilalku badanaa waxay dhacaan marka la raaci waayo shuruucdii nabadgalyada waddooyinka iyo darawaliinta isla markaana darawaliintu ka fikiri waayaan halista ay taasi ku keeni karto naftooda, rakaabka saaran, hantida ay sidaan iyo nolosha muwaadiniinta ka ag dhaw waddada, gaar ahaan waddooyinka halbawleyaasha ah ee isku xidha magaalooyinka. Dirawalku haddii uu gaadhiga si khaldan oo aanmasuuliyadi ku dhisnayn u kaxeeyo, naftiisada oo kali ah khatar ma gelinayo  ee waxa uu khatar gelinayaa nafta iyo hantida muwaadiniinta ee ka ag dhaw dariiqa uu gaadhiga marinayo.

Dirawaliintu haddii ay raacaan talaabooyinkan waxaa yaraanaya khatarta shilalka: 

Moobayl ha is ticmaalin sifo kasta adigoo gaadhiga wada.
Ha ku dirin farriimo, fiidyowha ku daawan, email ha ku dirin, hana ku hadlin ee dhinac iska dhig intagaadhigu socdo. Markaaad marayso meel u dhaw iskuul oo ardaydu ka tallaabaan, meel xoolo lagatallaabiyo ama suuq laga dukaansado ama meel kale oo dadku ku badan yihiin,xawaaraha gaadhiga dhin oo si taxadar leh u soco, Xawaarahaasi waa in aanu kabadan inta u dhaxaysa 20 km saacaddiiba ilaa 10 km saacaddiiba.

Markaaad daba socoto gaadhi kale, waa in aad u jirsataa masaafo macquul ah oo aad kukala badbaadi kartaan gaadhiga kaa horeeya haddii uu si lama filaan ah biriigga u qabto. Markaaad ku soo dhawaato meel is goys ah, waa in aad xawaaraha gaabisaa oo si taxadar leh u gaadhaa. Haddii aad baydhayso waa in aad sii ridataa signalka ama laydhka muujinaya in aad baydhayso. Waa mabnuuc in aad iska baydho adiga oo aansii bixin wax ishaaro ah.

Meelaha ay dadku ka tallaabayaan waa in aad taxadir muujisaa. Markasta waa in ay kuu muuqataa waddada in kugu filan in aad ka joogsan karto haddii aad sheeda ka aragto dad tallaabaya. Meelaha ay waddadu goolad tahay ee aanay suurogal ahayn in ay kuu muuqato waa in aad xawaaraha gaabisaa si aad uga joogsan karto haddii ay cidi wadda degdeg u soo gasho. Xamuulka xad-dhaafka ah iska jir. Gaadhiga oo la saaro rar ka badan intii loogu talogalay waxay halis ku tahay gaadhiga, dadka saarlo0rt|\\an, waddada iyo dadka kaag dhaw waddada.

Markasta waa in darawalka iyo dadka gaadhiga saarani ay suunka xidhnaadaan. Suunku wuxu qayb weyn ka qaataa amniga inta gaadhiga saaran. Kahor inta aanad gaadhiga dhaqaajin hubi fayoqabkiisa iyo meelaha u baahan inlaga taxadiroü Iskajir xawaaraha degdega ah wuxu sababaa shilal halis ah. Ku soco xawaaraha ayjidaysay Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Waddooyinka.

Haddii aad qaad ku saamalayshay oo aad qaadiraysan tahay ha ka xayn gaadhi. Waxad halis ugu jirtaa in aad dariiqa ku dhex gama’do halkaasna uu ka dhaco shil khasaare gaystaa.  Markasta oo darawaliintu ay xil iska saraan badbaadada naftooda, gaadiidkooda  iyo waxkasta oo ka ag dhaw jidka ay marayaanwaxa ay yarayn karta shilalka. Fariintan ayaa waxaa ina ay idin soo gaadho suuro galiyay Hay’ada Y-PEER oo kaashanaysa Hay’ada GIZ oo iyadu fulisay dayactirka wadada isku xidha Hargeysa ilaa kalabaydh iyo Hay’ada Wadooyinka Somaliland oo ay waheliso Wasaarada gaadiidka iyo horunmarinta wadooyinka ee Somaliland.

La Soco…

No photo description available.Image may contain: flower, plant, text and nature