Sheekadii afar dumara guurso, afar Magaalana ku kala qari (WQ: Qareen Khadar Ibraahim Aar)

Sheekadani waxa ay ka dhacday dhulka Soomaalida degto meel ka mid ah, balse inaga oo ixtiramayna dadka ay sheekadu khusayso ayaa waxa aynu wax ka badali doona magacyadooda rasmiga ee la yidhaahdo, kadibna waxa aynu isticmaali doonaa  magacyo cusub  sida Guuleed iyo Cilmi iwm.

Guuleed waxa uu aha nin dhallinyaro ah oo Soomaali ah, waxa uu in badan ku fikiri jiray in uu guursado, waxa maskaxdiisa marar badan kusoo noqnoqon jiray fikirka iyo falan qaynta ku saabsan sidii uu mar uun u guursan lahaa Gabadh.

Guuleed ma ahayn nin haysta wax dhaqaale ah, mana ahayn nin ka shaqeeya shaqo sidaasi usii wayn, balse haddana waxa uu ahaa nin aanay ka madhnayn dadaal iyo hawlkarnimo, Guuleed waxa uu nolol maalmeedkiisa kala soo bixi jiray, ilaalinta goob ganacsi oo uu waashmaan ka ahaa halkaasi oo uu  waxooga lacag ah ka heli jiray, Guuleed waxa uu la dhashay tiraba afar carruura oo isaga ka yaryar da’ ahaan.

Guuleed waxa uu markii danbe go’aan saday in uu raadsado gabadhii uu guursan lahaa, waxaanu sheeka guur la wadaagay gabadh ay sifican isu yaqanaan, taasi oo dhib kastaba ha kasoo gaadhee ay ku gulaysteen guri iyo guri-galkii.

Guuleed mashaa Allaa waxa ay gabadhii u dhashay carruur dhan 4 carruura, sida aan horaba usoo sheegnay Guuleed ma hayo shaqo nolol maalmeed kiisa guriga wada kafaysa, balse haddana waxa uu ku imaan qabaa waxogaaga yar ee Illaahay kasoo siiyo shaqadaasi waashmaanimada ah.

Inta badan lama waayo shaydaan ama Ibliis ka dhex shaqeeya dadka is jecele, Guuleed waxa kusoo kordhay in uu isfahan waa uu ka dhex dhashay isaga iyo xaaskisii, taasi oo ay sabab u noqotay dhinaca dhaqaalaha oo aad u liita iyo Guuleed uu u dulqadan kari waayay canaanta kulul ee kaga imanaysa xaaskisa.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Guuleed oo meel fadhiya isla markaana ka fikiraya hadalada canaanta ah ee aan ceebtu ku jirin ee kaga imanaya xaaskiisa, ayaa waxa uu yimi nin ay saaxiibo yihiin oo la yidhaa Cilmi.

Guuleed iyo Cilmi oo laba saaxiiba ah ayaa waxa dhex martay sheekadan.

Cilmi: saaxiib Guuleed waan ku salamay, waxa aan ku waydiiyay baryahan waxa aan ka dareemayaa in aad waxoogaa fikirayso maxaa kugu soo kordhay ii sheeg ?

Guuleed: Saaxiib waa runtaa baryahan waan fikirayay, waxaana igu soo kordhay tii (xaaskii)a anu wada joognay ayaanu heshiin la’nahay.

Cilmi: Saaxiib maxay ayaa dhacay oo aydun la heshiin la’dihiin.

Guuleed: Saaxiib dhibta ugu wayn ee naga dhex taagani waxa ay tahay dhinaca dhaqaalaha, oo aniga oo aan haynin dhaqaale ku filan reerkayga, balse haddana habeen iyo maalinba u dadaalaya ayaa waxa ay i leedahaya markasta waa in aad keentaa lacag iwm oo aan awoodayda ahayn.

Cilmi: Saaxiib waan ku fahmay, sheekadan oo kalana waan aqaanaa, gabadhan oo kalana waxa lagu sameeyo ee ay buuqa ku yaraynayso Illaahay waa i baray.

Guuleed: Saaxiib haye ii wad sheekada, talana isii aan buuqan ku yareeyo reerkuna aanu iiga burburin.

Cilmi: Saaxiib waxaan ku siinayaa talo fiican oo ah, waxaan kugula talin lahaa gabadhan la guurso!!

Guuleed: yaa yaa yaa la Guursa’aaa, oo markaa maxaan soo siyaadiyay ee aan ahayn buuq labaad iyo masuuliyad labaad, carruur labaad iyo xidid labaad oo aan xanbaaro.

Cilmi: xaasha maya, sidaas maaha, Soomaalidu waxa ay ku maahmahdaa: “Nin naagkaliya qabaa waa nin dab ku baxaayo.”markaa si ay kaga jeedsato waxaan kugula talin lahaa in aad la guursato, risiqana Illlaahay ayaa bixiya.

Intaasi markii la is waydaarsaday ayaa waxa aad moodaa in ninkii Guuleed taladii saaxiibkii ay wax kaga duxeen, kadibna markii uu waxoogaa maskaxdiisa uu la shawray waxa u soo baxday in uu talada saaxiibkii sideeda u qaato, taasi oo uu u arkayay in ay tahay nasteex iyo naruuro.

Guuleed: Saaxiib waan kula qaatay waana talo fiican, hore ayaan uga maqli jiray odayasheenoo leh, haddii gabadhu kugu kululaato waa lala guursada markaasi ayay kaa dagaysaa, caqliga ha waayin hadda ayaan ku dhaqaqqayqa sidaan gabadh kale u keeni lahaa.

Rag talo kama dhammaatee Guuleed iyo Cilmi waxa ay ku kala tageen in maslaxada iyo wanaaga reerka Guuleed lagu xaliyo in Guuleed in uu gabadh labaad guursado, taasi oo ay labadooduba markii ay talada rog-rogeen u arkeen in uu yahay xalka kama danbaysta ah ee reerkaasi ku xasilaayo, Guuleedna ay kaga yaranayso hugunka iyo hadal faraha badan ee uu ka tirsanaayo xaaskiisa.

Muddo aan sidaa usii badnayn markii laga joogo wada tashigii Saaxiibada Guuleed iyo Cilmi, ayaa Guuleed waxa uu lasoo heshiiyay gabadh Carmal ah(garoob) kadibna waxa uu u sheegay gabadhaasi in aanu lahayn xaas hore iyana waa ay ka aqbashay.

Guuleed madaama ay shaqadiisu yahay Washmaan ama waardiye una badan tahay xiliga habeenkii, waxa uu fursad iyo jaanis u helay in uu habeenba guri tagi karo cidina aanay ogaan, gabadh kastaana ay u qabta uun in uu habeenka uu la joogo mooyaane habeenka kale uu shaqaynaayo.

Guuleed gabadhii danbana Illaahay carruur ayuu ka siiyay, balse mushkiladii iyo dhibtii uu islahaa waa ay ka yaraanaysaa saaxiibkiina kula taliyay waxa ay noqotay mid kusii laban-laabanta.

Sida inta badan Guryaha Soomaalida u caadada ah, waxa muran soo kala dhex galay Guuleed iyo xaaskisii, murankaasi oo salka ku haya dhaqaala darada aadka u badan ee soo foodsaartay Guuleed iyo Reerkiisa madaama carruurtisuna ay hadda aad u badan yihiin.

Guuleed dhibta haysata maaha oo kaliya mushkilada dhinaca dhaqaalaha, balse waxa kaloo gaar u ah oo aanay cidina la ogayn Allah mooyaane in uu xaas iyo carruur kale magaalo kale ku leeyahay kuna qarinayo, taasi oo iyana ku keentay culays kale oo noloshiisa ku soo biiray.

Qofkasta oo dhanka qoyska culays kaga yimaado waxa laga gartaa dareenkiisa, Guuleed saaxiibkii Cilmi waxa uu arkay Guuleed oo waxogaa yar jah-wareersan isla markaana ay ka muuqato murugo iyo walbahaar aad u badan, wajigiisana laga dareemi karo in Guuleed ay wax cusubi kusoo biireen.

Cilmi oo ah saaxiibka Guuleed markastana talada iyo tusaalaha la garab taagan ayaa markii ay isu yimadeen waxaa dhex maray hadaladan:-

Cilmi: Saaxiib Guuled maxaa ku helay sideed tahay ayaamahan ii waran maxaa soo kordhay?

Guuleed: Saaxiib waxa igu soo kordhay,`waadigii ogaa in aan laba xaas leeyahay oo aan midba meel ku khabeeyo, waxa kale oo aad la socotaa itaalkayga dhinaca dhaqaalaha, labada xaas midna waxba kama hagrado balse haddana waxa hadda soo ifbaxay in Dumarkii  midkastaaba ay ka hadlayso in aanay ku filayn waxa yar ee aan siiyaa maadaama carruurtii badatay.

Cilmi: kkkk saaxiib waa aan fahmi karaa halka ay dhibaatadu ka tagan tahay, odayasheeni waxa ay odhan jireen:  “Nin laba xaas lihi waa nin laba Girgire dhex taagan.” Markaa waxa aan kugula talin lahaa si aad labada Girgire uga badbaado naag saddexaad guurso.

Cilmi: Waxa aan ka hayaa Odaysheenii hore: “Ninka qaba laba nsagood waa nin fhari saaray laba dhadhaar.”sida runtana laba dhadhaar dhari ma hayn karaan, markaa waxa loo bahan yahay si uu dharigu isugu dheeli tirmo in aad samayso dhardhaarkii saddexaad oo ah in aad guursato naag saddexaad.

Guuleed: Saaxiib maan fahmin maxaad uga jeeda laba dhadhaar, saddex dhadhaar, mida kale maxay ayuu yahay dharigu.

Cilmi: Saaxiib labada dhadhaar waa labada Dumara, waanay dhib badan yihiin, Ninkuna waa uu ku dhex dhintaa, saddexda dhadhaarna waa binka qaba Saddex dumara, kaasi oo qalbiga iyo niyaduba ay u dagan tahay kadibna ninku waxa uu noqonayaa dhair saaran saddex dhadhaar oo dhinacna u dheeliyo maayo.

Guuleed waxa uu qaatay taladii saaxiibkii, waxaanu ku dhaqaaqay in uu Gabadhii saddexaad raadiyo, balse isaga iyo saaxiibkii, waxa jadwalka ugu jira in gabadh kasta oo la guursanayo la qariyo laguna guursado magaalo ka gadisan magaalada hadba uu dagan yahay Guuleed.

Guuleed wakhti yar ka bacdi waxa uu soo xero galiyay gabadh saddexaad oo Carmal(garoob) ah carruur horena haysata, taasi oo ku nool magaalo kale oo ka baxsan labada magaalo ee uu Guuleed xaasaska ku qabo, Guuleed isaga oo ka faa’iidaysanaya kala magaalada ay yihiin gabadhan cusub, ayaa waxa uu u sheegay in aanu lahayn wax Reera oo hore isla markaana uu yahay nin dhallinyaro ah oo shabaaba oo hadda uu Guur iyo Guri gal ugu horeeyo.

Muddo ka bacdi, Guuleed waxa dareen iyo shaki markiiba ka qaatay xaasaskii hore ee uu qabay, Guuleed waxa uu noqday nin markasta walbahaar iyo warwar uu maskaxdiisa ku furan yahay, Guuleed waxa ku adkaatay dhaqistii iyo ka warhayntii Saddexda Xaas, Guuleed waxa kaloo Illaahay mahadii Gabadhii saddexaadna ay u dhashay carruur badan.

Guuleed hadda waxa uu leeyahay Saddex Xaas oo midina aan mid ogayn, waxa kale oo uu leeyahay saddex caruurood oo aan iyaguna in ay walaalo yihiin aan iska warhayn.

Guuleed sida runtaa dhinaca shaqada wax badan oo la sheegi karaa uma kordhin, balse haddana waxa uu waagii baryaba ku kalahaa shaqadisii Waashmaanimada taasi oo ah mida kaliya ee uu aqoonta u leeyahay lana qabsaday sannadaha faraha badan.

Qofkasta oo caqli lihi waa uu fahmi karaa in ay adkanayso in Reer iyo qoys lagu dhaqo iska warhayn la’aan iyo qarsoodi, balse Guuleed waxa aad mooda in uu noqday nin la qabsaday qaabkan iyo ismaamulkan uu ku dhaqayo reerahiisa.

Sida runta ah inta badan Guryaha iyo reeraha marnaba lagama dhex waayo isqabsi iyo iska hor’imaatin ka dhasha danta iyo dadaalka loogu jiro nolosha qoyska.

Muddo yar ka bacdi ayaa waxaa haddana sidii la filayay usoo shaacbaxay xurguf iyo isqabsi soo wajahay Guuleed iyo Reerihiisii , kasii oo badan kiisu ka imanaya dhaqaale yaraanta meesha taala iyo Carruurtii oo Maasha Allah aad u badan iyo waliba qarsoodigan faraha badan ee uu Guuleed samaynaayo kaasi oo  in badan la dagay dadaalki iyo horu markii uu reeraha u samayn lahaa.

Guuleed mushkiladaha imika haystaa maaha oo kaliya dhibaato dhanka dhaqaalaha ah, balse mushkilada u badan ee haysataa waxa ay tahay iyada oo reerahii iyo carruurtii uu kala qarinayay ay noqdeen kuwi dhawaan laga filan karo in ay waawaynadaan. Taasi ayaa Guuleed waxa ay ku haysaa warwar wayn oo maskaxdiisa la dagay.

Guuleed isaga oo ka shidaal qaadanaya qaabkan ay waxbadani in muddo ah ugu suura galeen in aany dhicin in ay is ogaadaan dumarkuu guursaday, isla markaana isticmaalaya xirfada iyo aqoonta oo hada u yeeshay Guurka iyo Xeeladahiisa qarsoon, ayaa waxa uu muddo ka bacdi  soo xero galiyay Gabadhii Afraad.

Guuleed gabadhan uu hada Guursaday ayaduna waxa ay dagan tahay Gobol ka gadisan kan uu Guuleed ku nool yahay, waana Gabadh iyada Lafteedu soo martay Guur hore balse aan Illaahay wax ubada ama carruur ah.

Guuleed markii uu gabadhan afraad guursanayay waa ay ku adkaatay in uu u sheego in uu leeyahay saddex xaas oo kale, waxaanu talo ku goostay in aanu waxba u sheegin ee uu maro jidkii uu ku wii horaba uu u sheegay.

Guuleed sida aynu ka wada warhayno maaha nin haysta dhaqaale aad u farabadan oo uu ku kala kafeeyo guryahan afarta ah , balse waxa ay talo iyo taagiba ay kaga idlaatay maalinta ay mid kamida xaasaskiisa ay ka cadhaysiisaba in uu u arko in uu cadhadaasi ku damiyo guursasho gabadh cusub.

Waxba yaan hadal idinku dalinine Guuleed waxa uu guursaday gabadhii afraad oo uu in mudda ahba ku qarinayay Magaalo ka mida Dhulka ay Soomaalidu dagto.

Guuleed sannado ka bacdi waxa uu yeeshay carruur gaadhaysa saddex iyo sodon carruura, kaasi oo uu silic iyo saxariir kaga dhalay dumarkii faraha badnaa.

Guuleed carruurtisii waa ay waa-waynaatay, haddaba waxaa sheekada wax lala yaabo ahayd in maalin maalmaha ka mid ah isaga oo Guuleed jooga suuqa in loo soo sheegay in Inan(wiil) uu dhalay uu nabar ku dhuftay inan(gabadh)kadibna loo taxaabay saldhiga Booliska, loona baahan yahay in uu Saldhiga Boliska yimaado.

Guuleed waa uu cararay waxaanu tagay Saldhigii Booliska, isla Saldhigii iyaguyna waxa yimi oo markii horana wada dagana laba magaalo oo aan aad u kala fogayn labadii Dumar ahaa ee carruurta is dishay dhalay.

Aqoon la’aanta meesha ka taagan isma yaqaanan laba Dumar ahi sidoo kalana isma garanayaan labada Caruur ahi, kadibna waxaa saldhiga soo galay Guuleed waxaana markaliya Aabo…Aabo…. Aabo midba dhinac uu kaga yeedhiyay carruurtiisii.

Halkasi ayaa labadii Dumar ahaa iyo dhammaan dadkii Saldhiga joogay ay afka ay gacanta sareen, kadibna Guuled waxa uu go’aan saday madaama qaladkii uu galay uu maanta fashil may in ay barina dhici karto in carruurtiisa qaar ka midii ay is guursadaan isaga oo aan ogayn isuna sheegin.

Guuleed waxa uu sameeyay in uu dhammaan carruurtii iyo Dumarkisii oo dhan isugu yeedho kana codsado in ay wada cafiyaan isna wada bartaan.

 

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

https://twitter.com/khadar_aar

Waxa Qoray: Qareen Khadar Ibraahim Aar