Sheekadii Tahriibkii iyo tah-lukadii aan galay, Q11aad (WQ: Qareen Khadar Aar)

Akhristayaal dhammaantiin aad ayaan idiin Salaamayaa, waxaanan idin leeyahay Salaamu Calaykum, intiinii sheekada qaybtii tobnaad la socotay waxa ay inoo maraysay iyada dhibanahii, wiiilkiisi yaraa iyo gabadhii la socotay ay soo galeen dalka Denmark. Markii ay Denmark yimaadeen iyaga oo aan ku hakan waxa ay uga gudboon waddanka Sweden kadibna Norwey.

Waa kan isaga oo sheekada halkii inooga sii wada:-

Saaxiibaayaal saacadu waa sagaalkii habeenimo, dhibkasta ha nasoo gaadhee waxa aanu soo galnay Norwey, gaar ahaan magaalada Oslo, waa xili qabooba ah, waxa dhammaan dhulka ka da’aya baraf aad u badan, waxa aanu kasoo dhaadhacnay baskii aanu sarayn, aniga iyo inanta ila socota midkayana ma yaqaano meel uu ku hagaago.

Runtii anigu waxa aan wadankan ka aqaanay saxiibkaygii i xumeeyay, inkasta oo aan talafoonkisi hayo, balse hadda niyadu mar labaad i siin mayso in aan gargaar waydiisto, mida kale ninkii ii arxami waayay aniga oo dhibataysan, ma jirto sabab aan hadda ula hadlaa.

Goobta aanu baska kaga dhaadhacnay waxa aanu ku aragnay dad Soomaali ah, kadibna waxa aanu ka codsanay in ay na taakuleeyaan, anaga oo u waayo sheeganayna.

Inta badan waa ay adag tahay wadamada Yurub in qof aan ku garanaynini uu si sahaala ah gurigiisa kuu geeyo, balse haddana nin oday ah ayaa waxa uu naga ogolaaday in uu gurigiisa na geeyo, kadibna halkaasi ayaanu seexanay habeenkiina ku nasanay.

Markii waagu baryay aya waxa aanu is waraysanay ninkii odayga ahaa ee aanu gurigiisa martida ku ahayn, waxa aan uga waramay dhibtii i ย soo qabsatay, waxa aan u sheegay in saaxiib qaaliya oo aan lahaa oo waddankan jooga uu ka mid yahay dadka safarka tahriibka igula soo taliyay, markii danbana talafoonka iga xidhay.

Saaxiibayaal ninkii aan gurigiisa martida ku ahayn waxa uu gartay saaxiibkayga waddankan Norwey jooga, waxa ii iga codsaday in ay fiican tahay in aan la hadalno una yeedhno, layaabna ay ku noqoto iyo fajaciso in aad maanta la joogto Norway, anna waan ka aqbalay waana loo yeedhay.

Waxa talafoonka kala hadlay ninkii odayga ahaa waxaanu ka codsaday in uu u yimaado madamaa ay is garanayeen, wakhti yar ka bacdo waa uu noo yimi.

Markii u horaysay ee uu albaabka kasoo galay waxa dhacday in uu si fiican ii garan waayey, balse haddana markii aan la hadlay ayuu i gartay, iguna soo baday, laabtana laabta ii saaray, isaga oo aan wajigiisa ka dareemayo calool xumo wayn.

Waxa aan ka codsaday markiiba intii anan hadal kale galin in uu gurigan aanu martida ku nahay, naga kaxeeyo gurigiisana na geeyo, kadibna sidii aanu waddankan isaga dhiibi lahayn uu tabaabushaheeda nala galo. Waxkasta oo aanu u baahan nahayna uu nagu garab qabto, iyada oo la iska ilaabayo wixii hore ee dhacay.

Nasiib xummo ilayn saaxiibkay waddankaba sharci kuma laha, waxa uu haystaa saddexdii diidmo ee u danbeeyay, Norway waxa ay hore uga codsatay in uu waddanka si dhakhsa ah uga baxo, waxa ay noloshiisu ku xidhan tahay Dadka Soomaalida ah, kaasi oo maalinba qof wax la cuna habeenba gurina uu u hoyda.

Intaasi markii aan ogaaday waxa igu soo dhacay, maxay ayuu haddaa saaxiibkaa kuu soo lugoynayey. Maxaa uu ka faa’iidayaa dhibaatadaada, balse waxa aan ogaaday in dhammaan dhallinyarada Yurub joogta ay badankoodu sidan u badan yihiin, oo iyaga oo aan qaarkood sharciba lahayn ay saaxibadood soo lugooyaan iskana dhigaan kuwo waddanka sharci ku haysta.

Saaxiibayaal waxba yaan hadal idinku daalin, waxa aanu muddo kusii noolayn gurigii ninkii noo ixsaanka sameeyay, waxa aanu isku habaysanay waraysiyagii aanu is lahayn sharciga ayaad ku helaysaan, ayaamo ka bacdina waxa aanu tagnay dhammaan tayo goobta la iska dhiibo, waxaa nalaga qaaday waraysiyadii u horeeyay, kadibna waxaa naloo qaaday goobtii aanu ku noolaan lahayn.

Saaxibayaal muddo ka bacdi ayaa waxa ii soo dhacday warqad caday naysa in aan u diyaar garoobe qaybtii labaad ee waraysiga, waxa aan tagay xafiiskii laanta socdaalka waxa la iga waraystay dhibta aan waddankan u imi taasi oo aan dhammaanba uga waramay.

Asxaabey afar bilood ka bacdi ayaa waxa ay warqadi iiga timi laanta socdaalka Norwey, kadibna warqadii ayaan furay, runtii si fiican umaan fahmin waxa ku qoran, balse waxa aan iska dhaadhiciyay in diidmo la i siiyay, taasoo ku badan dhallinta Soomaalid ee Norwey.

Warqadii ayaa waxa aan ula tagay dadka afka yaqaana markii ay ii turjumeen waxa ay ii sheegeen in ay ku qoran tahayu sadaal odhanaysa waxa aad heshay sharci degenaasho oo Norwey ah, taasi oo aad iiga farxisay.

Ayaamo ka bacdi waxa aan tagay xafiiskii laanta socdaalka, markii aan galay xafiiskii isla markana aan kursiga fadhiistay, ayaa waxa warbixin i siisay gabadh Norwiji ah taasi oo ii sheegtay in aniga iyo Inanka yar ee aan dhalayba aanu sharciga waddanka aanu helnay.

Farxad awadii ayaa halkii aan joogay ku sujuuday gacmahana kor uu taagay aniga oo Illaahay ku mahadinaaya, waxa kale oo iyana ayaamo ka bacdi uu sharcigii usoo dhacay gabadhii aanu wada soconay.

Asxaabeey waxa ay sheekadaydii kusoo dhammaatay aniga iyo gabadhii aanu safarka Yurub isku baranay oo labadayaduba aanu sharcigii helnay isna guursanay.

Waxa aanu u yeedhnay oo gurigii aanu ku jiray nagula nalaa saaxiibkaygii aniga i xumeeyay, kaasi oo aan Illaahay dartii isaga cafiyay, aniga oo waxkasta oo uu u bahdo siinayey.

Saaxiibayaal waxaan dhallinyarada kula talinayaa in aanay sahlanayn safarka iyo socodka Yurub loo soo galaa, balse haddana maadaama anaga Illaahay noo fududeeyay helitaanka sharciga waxa aad ogaataa in ay aad u adag tahay in maanta Yurub sharci laga helaa.

Dhammaad

Qofkasta oo Sheekadan qaybaheedii hore ay dhaaftay waxa uu kala soconaya, barahayga hoos ku magacaban.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

https://twitter.com/khadar_aar

Waxa Qoray: Qareen Khadar Ibraahim Aar