Tansaaniya: 3 qof oo lagu dilay masaajid

Saddex ayaa waxa u soo xidheen booliska Tansaaniya kadib markii xalay weerar lagu qaaday masaajid ku yaala gableedka dalkaasi, weerarkan ayaa waxa ku dhintay saddex qof.

Booliska Tansaaniya ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid argagaxiso.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in kooxda weerarka gaysatay oo ka koobnaayeen ilaa 15 nin oo wajiyada soo duubtay, ay ku hubeysnaayeen faasas iyo calan madow oo uu ka muuqdo qoraal cad.

Kooxdani ayaa lagu soo waramayaa in masaajidka u galeen gudaha u galeen abbaaro 8-dii fiidnimo, xilligaasi oo salaadda cishaaโ€™I lagu jiray, ka hor inta aysan fulinin weerarkaasi.

Dadka halkaasi ku dhintay waxaa ka mid ah Iimaamkii Masaajidka iyo labo qof oo kale.

Afar qof oo kale ayaa lagu soo waramayaa in ay qabaan dhaawacyo halis ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadku ay weydiyeen sababta ay u tukanayaan xilli dad Muslimiin ah si xaq darro loogu hayo xabsiyada booliska ee dalkaasi.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordheysa cabsi laga qabo in koox diimeedyo mayal adag ay dalkaasi ka billowdaan.

Ilaa iyo haatan ma jirto koox sheegatay masโ€™uuliyadda weerarkaasi wallow uu cambaareeyey madaxa golaha Muslimiinta Tansaaniya.

bandhige@gmail.com