Burburka diyaaraddii Egyptair oo la helay

Burburkii Diyaaradii shirkadda EgyptAir ee ku dhacday badda medhitereeniyankaย  ayaa la helay, inkasta oo ay dawladda Masar burburka diyaarada raacisay in laga yaabo in fal argagaxiso darteed diyaaraddu u burtay.

Shaqaalaha gurmadka ayaa burburka ka helay meel u dhow Jaziiradda Giriiga ee Karpathos.

Diyaaradan oo siday 66 qof oo iskugu jira 56 rakaab ah iyo 10 shaqaalihii diyaarada ah, ayaa ka soo duushay magaalada Paris, waxayna u sii socotay Qaahira.

Diyaaradan ayaa la waayay waxyar kadib markii ay gashay hawada Masar.

Wasiirka Duulista Masara Sherif Fathy ayaa sheegay in Faransiisku uu mas’uul ka noqonayo wixii guuldarro dhinaca amniga ah, haddii la oggaado in fal argagixiso uu sababay shilka diyaaradaasi.

Madaxweynaha France, Francois Hollande ayaa sheegay in ay tahay in si dhab ah loo ogaado waxa dhcay ka hor inta aan qiyaas la sameyn, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

โ€œWaa in aan xaqiijinaa in aan wax walba oo ku saabsan sababta keentay dhicitaanka diyaaradda aan ognahay, mana jirto wax meesha laga saarayo.โ€

Waxa haatan shaqaalaha amniga Masar baadhayaan sababta keentay dhicitaanka diyaaradan.

bandhige@gmail.com