Madaxweynaha cusub ee Taiwan oo xilkii loo dhaariyey

Tsai Ing-wen oo ku guulasatay doorashadii Madaxweynenimada Taiwan ayaa loo dhaariyey xilka Madaxweynenimo.

Xaflada aad u qurux badan oo ka dhacday caasimadaTaiwan ayaa wax aka soo qayb galay diblomaasiyiin iyo madaxweynayaal ka kala yimid dunid.

Tsai Ing-wen  ayaa waxay waji doonaa carqalada badan kuwaas oo ay ka mid yihiin dhaqaala xoos u dhaco ku yimid iyo siyaasada xisbigeeda oo u janjeedha in ay ka go’aan Shiinaha.

Tsai Ing-wen ayaa waxa tahay gabadh ka soo jeeda qoys aanay siyaasadaTaiwan ku jirin, taasi oo jagada Madaxweynenimada ku mutaysatay dadaal dheer oo ay u soo gashay.

Tsai Ing-wen ayaa waxa marka ugu horeysa caqabado tiro ah la kulmi doontaa kuwaas oo ay ka mid yihiin xidhiidhka ay la samayn doonto Shiinaha taasi oo ah mid adag.

Balse waxa muhiim ah in ay isfaham la samayso xukuumadda Beijing sababtoo ah ku dhawaad boqolkiiba afartan badeecadaha Taiwan ay dhoofiso waxay aadaan Shiinaha iyadoo Shiinahana u boqoolaal gantaalo ah u jeediyay dhanka jasiiradan.

bandhige@gmail.co