Rubuc Qarni (25 sano) nabad, xasilooni iyo dawlad baynu haysanay, hore u socod wanaagsan baynu sameeynay, ganacsigu wuu kobcey, waxbarashada iyo adeegyada caafimaadku way isa soo tarayaan, nidaamka dawladdnimo, sharciga iyo garsoorkuba ma liitaan. hadana caalamku weli inama danaynayaan, si aad ah inooma dhageeystaan, saameeyn buurrana kuma lihin go’aamada bariga Afrika.
dhanka kale dawlada aynu ka go’ney ee soomaaliya, nabadooda la iskuma halayn karo, meelo ka mid ahina waaba khatar, ganacsigu wuxuu ka socdaa kaliya meelaha qaar, waxbarshada iyo adeegyadooda caafmaad aad uma liitaan, dawladdnimada, sharciga iyo garsoorkuba maaha kuwa sidii loogu tala galey u shaqeeya, hadana caalamku wuu u soo joogsadey iyagu oo wuu dhageeystaa, sameeyn beey ku leeyihiin go’aamada iyo siyaasada beriga afrika, meelo badan oo adduunka ah iyagaa ina matala.
Haddaba ma siyaasigeena liita oo aan weli u bisleeyn in aay ina iib geeyaan??? Mise waa siyaasad xumaa waxa ina haaysaa??? Ma ogtahay Wasaarada Arimaha Dibadu 25kaa sanadood ee aaynu jirney ma laha siyaasad u degsan oo aay ku shaqeeyso, hadba waa kii yimaada khibradiisa iyo sida aay wax ula muuqdaan. xalka soomaliya ay inagala mid tahay siyaasad xumada arimaha dibadda, iyagu se waxay ku ganacsadaan in aay dano siyaasi ah dunida is dhaafsadaan, xalkaas oo ah meesha aaynu inagu ku liidano.
waxa aynu leenahay shidaal, waxa aynu leenahay macdan, waxa aynu leenahay beero, waxa aynu leenahay dekad ay ka dhoofaan xoolaha ugu badan dunidu (3.4 million 2014 FOA) iyo weliba bad 853 km dhan oo ay ku jiraan 17% kalluun u khaas ah oo aan dunida kale laga helin(Sadaam Carab April 2016) . Waxeeynu ku naal marin biyood caalamka muhiim u ah. Waxaas oo dhanba weey inaga iibsami waayeen cid weli madaxa inoo lusha uun mooyane, cid aqoonsi aan idinkaga baddalano tidhaada ma hayno.
Dawladda aynu jaarka nahay way inaga shanqadh iyo cod dheeraatay, weliba danaynteedu waxa ay xoogeeysatay markii Al-shabaab iyo Budhcad badeeddu soo baxeen. Sababta oo ah, iyaga oo awel lagu shirin jirey waddamada jaarka ah oo ย kaliya, waxa shirar loogu qabtey Europe iyo Turkey, waxana loogu yaboohay taageero dhaqaale mid siyaasadeed iyo mid ciidanba. Waayo, Al-shabaab iyo Budhcad Badeeddu saameeyn togan beey ku yeesheen nabadgalyada iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee adduunka kale. Waa taas danaha siyaasadeed ee ay adduunka maanta kula macaamilaan.
Waxa aynu ku naal deegaan noqdey mid xasaradeed ka dib markii aynu baadi goobnay shan soomaliyeed, loogama horeeyn bariga afrika qalalaase ka hor 1977-kii wixii ka danbeeyeyna deegaan colaadeed buu noqdey, colaadu marxalado kala duwan bay soo martay, taasi oo ugu danbeeyntii sababtay in dawladdii dhexe ee soomaliya meesha ka baxdo, hubkii dawladuna qabaaโilka u gacan galo, la iskuna adeegsado.
Soomaliland ย weey ka badbaadey in badan oo ka mid ah dagaalkii sokeeye ee dalkii soomaaliya la odhan jirey ka dhacey, waloow ay jireen waxyaabo kooban oo dhacay markii danbena beeluhu ka heshiiyeen ka hor ku dhawaaqistii jamhuuriyadda Soomaliland iyo kadiba, Rubuc Qarni aynu jirnayse inta u badan dawladdaha caalamku waxa ay inagula tallinayaan in aay fedaraalka ka mid noqono, iyaga oo kaliya ka duullaya danahooda siyaasadeed ee geeska Afrika.
Haddaba waxa intaas oo dhan ka duwani wuxu yahay, Somaliland mayna caalamka kula gorgortami karin haddii ย lagu jujuubo in ay la midoowdo Soomaaliya in ay halkii ka bilaambi doonto rabitaankii shantii soomaliyeed oo markii horeba damaceeda innagu aynu lahayn taasina aay sababi doonto in dhibaatada gobalku sii labanlaabmato. dhanka kale se, haddii la aqoonsado Soomaliland saw Soomali wayn danbe oo la raadiyaa xalka ku joogsan maayso, moosas colaadeed oo yaalay NFD iyo Ogaadeeniyana saw burburimaayaan. Soomaaliyana saw ugu danbeeynta iskeed u heshiin mayso oo dawlad dhisan maayso, Budhcad badeed iyo Al-shabaab soow laga reeysan mayo. Intaa dabeed saw bulshada somalidu nabada ka dib horumar ka bilaabi maayaan hadba deegaanka ay joogaan. Taasina saw kor u qaadi maayso saameeynta ay bulashada soomalidu ku leedahay beriga Afrika.
Siyaasaddu maaha mid maalinba dabayshu ay dhinac u riixdo, ย waxa ayse tahay mid ku dhisan aragti lagu mitido, oo bulshada nolasheeda saameeyn ku yeelanaaysa waxna ka badalaysa. 25 sanno ayaan nabad haysanay iyo doorashooyin baa dhacay maaha wax inaga iibsamaya. Waayo, dunidda kale waa wax ka caadi ah, caalamka waa in hunguri la gashaa mid Amni, mid Siyasadeed iyo Dhaqaaleedba. Mida ammaankana xooga la saaraa, inaga oo xaga wanaagsan u adeegsaneeyna. Waayo, manta shanqadha ugu saameeynta badan dunidu waa amni, horumarka dhaqan-dhaqaale iyo ka siyaasadeedba amni laโaantii ma tamarinayaan.
Siyaasigeena raba in uu hogaan noqdo isna waxa looga baahan yahay in uu samaysto koox wada shaqaysa, isku aragti ah, hal dhinac ka wada jeeda una wada jeeda, shaqadooduna kala soocan tahay, hawsha aay qabanyaana ย cadahay, taasina waa sida ugu dhibta yar ee horumar dalย lagu gaadhi karo iyadoo qeeyb kaste xooga la saarayo.
Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Ibraahin