Baadi-goobka diyaaradii Egypt Air oo wali socda

Waxa weli socda baadi-goobka burburka diyaaraddii Egyptair ee ka soo duushay Paris kuna socotay Qaahira.

Diyaaraddana ayaa waxa la waayey wakhti ay ku sugan tahay beriga Badda Medhitareeniyamka.

Diyaaradan ayaa waxay siday rakaab dhan 66 qof oo u badankoodu u dhashay Farankiiska iyo Masar.

Wasiirka Duulista Hawada ee Masar, Shariif Fatxi, ayaa sheegay in sababta ay u badan tahay mid argagixiso.

bandhige@gmail.com