Sheekadii Tahriibkii iyo tah-lukadii aan galay, Q2aad (WQ: Qareen Khadar Aar)

Mid ka mid ah dhalinyarada sida dirqiga uga samatabaxay masiibooyinkaasi ayaa isaga oo iiga sheekaynaya halaagii iyo dhibatadii badnayd ee uu soo maray xiligii uu safarka tahriibka ku soo jiray ilaa Afrika iyo Badaha isagoo sheekhadii inoo wadana waxa uu yidhi:-

Intiinii sheekada qaybtii hore la socotay waxa ay inoo maraysay aniga oo magaaladii Burco wixii aan dhaqale ka heli karayay gacanta mariyay, anigoo qofkasta u sheegaya in aan isu diyaarinaayo waxbarasho Jaamacadeed.

Waxa aan isu keenay waxooga dhaqaale ah oo aan isleeyahay waa uu kugu filaanayaa Safarkaga tahriibka, balse war iyo wacaal toona kama hayo xaaladu sida ay noqon doonto iyo markasta waxa isbadali doona. Indho la’aan iyo dhaga la’aan ayaan doonayaa in aan dhaqaajiyo aniga oo aan cidna salaamu calaykum odhan waalidkii idhalayna ha ahaadee.

Waxaa ii hilaacaya oo maskaxdayda iyo miyirkaygaba la tagay sheekadii khiyaaliga ahayd ee saaxiibkay, waxa maskaxdayda kusoo noq-noqonayaa oo kolba sidii filimka aan daawanayaa sawiradii uu saaxiibkay Norway iiga soo diray, waxa aan isleeyahay talw mar uun adigoo Norway jooga maad kasoo haddli lanbarada ay u horayso 0047, waxa aan naftayda kolba ku canaananayaa hadaad bari hore tahriibi lahayd maanta sidan maad ahaateen.

Ayaamo ka bacdi waxa aan raadiyay shabakadaha wax tahriibiya iyo meesha laga helo, ilayn aniga ayuunbaan wax-ogayne kooxda wax tahriibiya waxa ay la shaqeeyaan dareenka qofka tahriibta doonaya.

Ayaan ayaamaha ka mid ah ayaa waxa ii yimid nin aanu is naqaano waxa uu igu yidhi, ma waxa aad doonaysaa in aad tahriibto. runtii waan ka naxay eraygaasi waayo maan doonayn in la ogaado safarkayga tahriibka, kadibna waxa aan ku idhi maya maya! yaa kugu yidhi?

Garabka intuu i qabsaday ayaa isaga oo dhoola cadaynaya waxa uu igu yidhi, saaxiib waan ku ogahay ee waxa aad yeeshaa waxba hayga qarin aniga ayaa hawshaada kuu dhamaynaaya kuna taba-bushaynaaya, balanna waxaan kuugu qaaday in Yurub aad ka cawayso.

Runtii hadalkaasi uu igu yidhi aad ayuu ii farax galiyay, kadibna waxa aan si dagdag ah ugu sheegay in aan doonaayo in aan tahriibo, isaguna waaba intuu doonayaye isla goobtii aanu wada joognayba waxa uu igu siiyay casharada iyo shuruudaha looga baahan yahay qofka tahriibka ah.

Waxyaabaha aan ka xasuusto hadaladiisi ayaa waxa ka mid ahaa:

โ€œWaxa aad safarka ka bilaabaysaa Hargeysa, kadibna waxa aad maraysa Adis-ababa, waxaad ku xigsiinaysaa Khartuum, waxa aad uga sii gudbaysaa Liibiya, kadibna waxa aad tagaysaa WaddankaTalyaaniga, mar kaliya ninkaasi Mukhalaska ahi afkiisa muu soo marin in aan Saxaraha iyo Magafe aanu is huran naha haddiiba Alleh iga badbaadiyana aan Baddaha waaweyn dhex jiibaxaayo.โ€

Isagoo wiilku sii wata hadaladii uu ka xasuusto Mukhalaska waxa uu yidhi:

โ€œMarkii uu hadaladaasi ilahaa runtii waxa ay ila ahaayeen kuwo aad ii farax galinaya, soona dhawaynaya rajadii iyo yididilaadii aan ku fikiraayay, waxa aan aad u necbaa qofkasta oo safarka tahriibka khatar ku sheega, waxa aan aad u jeclaa dhagahana aan u raaricin jiray cidkasta oo ka hadlaysa faa’iidooyinka dhoofka. Saxiibkaygii Mukhalaska ahaa sida ugu dhakhsaha badan ayuu Burco cadey iiga tabaabusheeyey iigana amba bixiyey aniga iyo dhallinyaro aan ku jiro, hadhcad ayaan idhi !! Burcoy Bay Bay.โ€

Waxa kale oo uu hadalkiisa ku soo gebagebayeeyey:

โ€œWaxa aan ahaa Hooyo korisay, waxa aan ahaa wiil dhallinyara ah oo waligii aan Burco dhinacna u dhaafin, taariikhdayda inta aan garanaayo waligay ma seexan guri aan ahayn kan Hooyaday iyo Aabahay, waan dareemayaa in tahriibku igu adag yahay, haddana wixii qayrkaa qabo qosolkaa ku jaban.โ€

Safarkaygii Hargeysa

Talaabadii u horaysay ee tahriibkayga waxa aan ku tagay Hargaysa, Mukhalasiintii Hargaysa joogtay waxa ay i geeyeen gguri ay dhallinta ku ururiyaan, waxaanan kula kulmay dhallinyaro aad u badan oo safarka tahriibka loo diyaariyay.

Dhallinta badankoodu isma yaqaanaan, qofkasta oo ka midina telafoon ayuu hawshiisa si qarsoodiya ugu maamulayaa, waa lakala wada shakisan yahay, balse waxaa laga wada midaysan yahay safarka iyo u hilawga Yurub.

Intaad gurigaa ku jirto talafoon kasta oo kugu soo dhaca dibedda ayaad ula baxaysaa, xanshashaq mooyee talo kale ma taalo, qofna qofka kale sirtiisa u sheegi maayo maaha dawalad iyo xukuumad in laga cabsi qabo waxaa la iska ilaalinayaa waa in ay ku ogadaan waalidkaa, xataa magacaaga haddii lagu waydiiyo waxa aad sheganaysaa mid kale.

Socdaalkii Addis-ababa

Waxa aan xasuustaa maalin Sabti ah ayaa waxaa si tartiiba naloogu guray baabuur, kontorolada badankooda cidiba nama joojiso, waxa aad mooda in ay wada shaqeeyaan Booliska iyo Mukhalasiintu waxa aanu goor habeenima ah galnay Magaalada Addis-ababa oo jawigeedu qabaw yahay.

Markii aanu tagnay Addis-ababa ayaa qoladii nawaday waxa ay nagu wareejisay Mukhalasiin kale, waxa aad moodaa in aanu nahay shixnad alaab ah waayo qoloba qolo kale ayay nagu xawishaa, kadibna waxa nala geeyay guri aad ay dhalinyaro uga buuxdo.

Markii u horaysay ee aan gurigii galay waxyaabaha iigu layaabka badnaa waxa ka mid ahaa in aan gurigii ugu tagay dhalinyaro aanu saaxiibo ahayn gaar ahaan kuwii aanu ceeshow milxa ahayn oo iyaguna tahriibaya.

Runtii aad ayay ii farax galisay aragtida dhallintaasi waayo waxa aan helay rafiiq aan tahriibka iska weheshano, sababta oo ah waxa aan sheeko tahriib ku maqli jiray haddii aad wada safartaan cid aydaan isku hayb ama isku magaalo aydaan ahayn waxaa laga yabaa in dhibkasta oo kusoo gaadha aad kali ku noqoto.

Bixi taankii Addis-ababa

Saacadu waa lixdii Maqribnimo waxa garabka ii sudhan shandad yar oo loogu talagalay tahriibka oo aan Adisababa ka Iibsaday, dhammaan dhallinyaradu waxa ay diyaar u wada yihiin in wakhti-yar ka bacdi ay baabuurta fuulaan, balse waxa ay sugayaan oo kaliya amarada madaxda Mukhalasiinta.

Waxa noo soo galay nin ka mid ah Mukhalasiinta oo aanan hore u arag waxa uu nagu yidhi si bilaa buuqa u fuula baabuurta, baabuurtii ayaanu fuulay, kadibna waa ay nala dhaqaaqeen, waa markii iigu horaysay ee aan dareemo cabsi iyo warwar, waxa maskaxdayda kusoo xaadiray arga-gax, waayo Addis-ababa waxa ay ila ahayd intii aan joogay mid aan iiga duwanayn dalkaygii balse hada xaaladu waa Bariga dhexe.

lasoco qaybta 3aad

Waxa Qoray: Qareen Khadar Aar.