Weftigii uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Kulmiye waxay la kulmeen safiirada Midowga Yurub ee fadhigoodu yahay Nayroobi

Wefti ka socda dawladda Somaliland iyo xisbal-xaakimka Kulmiye oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo safar hawlo shaqo ah ku maraya dalal ay ka mid yihiin kuwa gobolka, ayaa kulamo la yeeshay safiirro iyo dublamaasiyiin Midowga Yurub ee fadhigoodu yahay xarunta Nayroobi.

War-saxaafadeedka ka soo baxay xarunta Kulmiye oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Kulmiye Xasan Gaafaadhi ayaa waxa uu dhignaa sida tan:ย 

War-saxaafadeed

Wefti ka socda dawladda Somaliland iyo xisbal-xaakimka KULMIYE oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo safar hawlo shaqo ah ku maraya dalal ay ka mid yihiin kuwa gobolka, ayaa kulamo la yeeshay safiirro iyo dublamaasiyiin ku sugan magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kiiniya.

Weftiga Somaliland waxay kulan ballaadhan xarunta Safaaradda Denmark ee Nayroobi kula yeesheen qaar ka mid ah safiirrada waddamada Midowga Yurub ee ka caawiya Somaliland dhinacyada horumarinta iyo doorashooyinka ee fadhigoodu yahay Kiiniya, kuwaas oo ay ka mid yihiin; safiirka Denmark Amb. Mette Knudsen, safiirka dalka Finland Amb. Tarja Fernandez iyo ku-xigeenka safiirka safaaradda Holland ee Nayroobi iyo weliba Madaxda hayโ€™adda mucaawada dibedda u qaabilsan dalka UK ee DFID, ahna guddoomiyaha guddiga beesha caalamka ee arrimaha dimuqraadiyadda kala shaqeeya Somaliland Mr. Angus Miller.

Guddoomiyaha Kulmiye iyo wasiirradda Somaliland waxay safiirrada ay la kulmeen wadahadal iyo xog-warran ka wadayeesheen guud ahaan xaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaana hawlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee ka socota dalka, u diyaargarowga doorashooyinka, abaaraha iyo taakulaynta dadka ku waxyeeloobay, shaqo laโ€™aanta dhallinyarada iyo sidii loo heli lahaa fursado shaqo oo wax lagaga qabto tahriibta iyo arrimo kale.

Qodobadaasi lagu lafaguray kulanka waxa dhammaantood laga gaadhay is-faham, iyadoo weftiga Somaliland iyo safiirraduba isla qaatay in dhinac waliba dardargeliyo wixii ka khuseeya arrimaha laga wadahadlay.

Weftiga Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxay hore shirar ugu soo yeesheen magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo sidoo kalena Wasiirrada Khaarajiga iyo Madaxtooyada โ€“ Dr. Sacad Cali Shire iyo Maxamuud Xaashi Cabdi ka soo laabteen waddanka Turkiga maalmo ka hor oo ay hawlo shaqo u tageen, waxaanna la filayaa in kulamo kale oo dheeraad ah ay dublamaasiyiin iyo masuuliyiin kale ku dhexmaraan Nayroobi.

ALLAA MAHAD LEH.

ย ย 

ย 

Xassan Maxamed Cali (Gaafaadhi)

_________________________________

Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE

Email: kulmiyemanager@gmail.com

Telephone: +25263 4026659, +25263 4426677,

Shaโ€™ab Area, Hargeisa, Somaliland Republic.