Mid ka mid ah dhalinyarada sida dirqiga uga samatabaxay masiibooyinkaasi ayaa isaga oo iiga sheekaynaya halaagii iyo dhibatadii badnayd ee uu soo maray xiligii uu safarka tahriibka ku soo jiray ilaa Afrika iyo Badaha.
Intiinii sheekada qaybtii hore la socotay waxa ay inoo maraysay iyada oo wiilkii dhallinyarada ahaa iyo dhammaan akhyaartii ay tahriibka isku barteen habeen madaw laga caraabiyey lagana dhaqaajiyey M Addis-ababa , iyadoo loo kaxeeyay dhinacaa iyo waddanka Suudan. Isaga oo sheekada inoo wada waxa uu yidhi :-
Waa xilli habeena saacadu waa abaara 7 fiidnimo waxaa gurigii aanu ku sugnayn noogu yimi nin ka mida Mukhalasiinta waxa uu nagu wargaliyey in aanu u diyaar-garawno safarkii tahriibka, waxa uu noo soo bandhigay in aanu kala doorano laba arrimood oo kala ah :-
- Qofkii doonaya in uu bixiyo Kharashka tahriibka ee Itoobiya ilaa Talyaaniga oo aanu Mmagafe ku jirin hadda ayaanu ka qaadaynaa kadibna waxa nagu balana in aanu gayno Talyaaniga.
- Qofkii doonaya in uu hadda bixiyo oo kaliya Kharashka Itoobiya ilaa Sudaanna, ahlan wasahalan hadda ayaanu ka qadaynaa kadibna hadhaw isaga ayaa kharashkiisa kale la baxaya.
Dhallinyarada badankoodu waxa ay bixiyeen lacag loogu sheegay in ilaaTalyaaniga lagu gayn doono waxaanay sidaas u yeelin kalgacalka iyo farxada ay u hayaan Safarka Yurub ee Geerida iyo Darxumada aadka u badani ay ka sokayso.
Anigu waxa aan doortay maadaama aanan Lacag igu filan sidan in lacagta tahriibka ee ilaa Suudaan aan bixiyo, kadibna wixii ka danbeeyana aan Suudaan lacag ka dalbado, una qaylo dirto Hooyo macaan iyo Aabahay.
Anigu Aabahay iyo Hooyaday midkoodna wax lacag ah kuma ogi, balse waxa aan haystaa oo aan ka dharagsan ahay casharada aan tahriibka ka bartay ama ka maqlay oo ah, in aad waalidkaa la hadasho oo kaliya marka aad Afli-baax gasho, balse aniga iyo qayrkaytoona kamaanan fikirin naxdinta iyo hantaqada soo gaadhaysa waalidka, โNimaad dhashay kuma dhallin.โ
Waxa uu ahaa Safarka Adis-ababa ilaa Suudaan safar aad u xanuun badan baabuurkii na siday wax uu habeen oo dhan nala guureeyaba, saacadu markii ay ahayd 5-tii aroornimo ayaa wuxuu nagu qubay sida xoolaha goob cidla caasiro ah.
Waa kaymo jiq ah, waxa markiiba nalagu amray in aanu hadalka iyo hugunkaba aanu yarayno, waxa sida askarta naloo galiyay fiilo aad u dheer, nasiib darro aniga ayaa dadkii u horeeyay, waxa la ii dhiibay faash (baange) si wadada aan u baneeyo oo dhirta naga hor imanaysa oo dhan aan u jar-jaro, faraha ayaa dhiigu i da’ay.
Safarkan waxa nagu weheliyo dumar iyo carruur kuwaasi oo markasta kaga baahan in aad gargaar u fidiso adiga oo taadi la taag-daran, runtii waxa aanu soconaba waanu daalnay, cagahii ayaa na bararay, dadka badankiisi waxa ay la socon kari waayeen gaajo, haraad iyo daal, noloshayda waa markii iigu horaysay ee socod intaa leeg aan lugeeyo.
Inkaar Illaahay ha ku ridee waxa nawada oo dabada nagaga jira Mukhalasiin Iimaanka iyo Islaamnimaduba ay ka tagtay, saacadu waa abaara 11 duhurnimo, meesha aanu maraynaa maaha meel lau nasan karo. Waa goob halisa oo ay ku badan yihiin budhcad wax disha waxna baadhata dumarkana faraxumayn u gaysta.
Wax aanu is daba luudnaba saacadu markii ay ahayd 1 duhurnimo ayaa waxa noo muuqday tuulo yar, kadibna waxa na gashay yididiilo iyo farxad waayo waxa aanu isleenahay waxa aad ka heli doontaan wax aad cuntaan iyo wax aad cabtaan.
Farxadi waa naxdine Mukhalasiintii waxa ay noo sheegeen in tuuladan yar ay dagan yihiin niman Milatari ah oo tahriibayasha dhibaateeya, sidaa awgeed waxay noo sheegeen in aanu Qqofna hungurayn ku leexashadeeda tuuladan, iyaga oo noogu hanjabay in qofkii ku leexda ay dili doonaan.
Intaasi ka bacdi waxa aanu fadhiisanay oo ku nasanay meel tuulada aan aad uga fogayn oo kayn ah, waxa aanu lasoo baxnay wixii sahay ee aanu sidanay oo ka koobnaa timir, buskud, roodhi iyo xataa sonkor, kadibna waxa aanu ku cabnay waxooga qaxwe ah.
Marka laga yimaado dhibta uu safarkani leeyahay, waxa aniga ii dheer waxaa faraqa igu xidhatay gabadh Soomaaliyeed oo siday ii sheegtay laba todobaad ka hor umul ka baxday Ilmana lagu qalay, taasi oo markasta ka cabanaysa xanuun kaga soo boodaya bartii qalniinka lagaga sameeyay.
Gargaarka Illaahay iyo Duco mooyaane tala kala ma taalo, raggu kala adkaysi badane qaarbaa heesaya, waxa safarka nagu weheliya wiil dhallinyara ah oo aanu Addis-abab isku baranay, iigana sheekeeyay sababta tahriibkan ku kaliftay in ay ka mid tahay, kadib markii gabadh ay is-jeclaayeen uu ka Gguursaday nin qurba-joog ahi, oo isaga laftiisu wakhti aan sidaa u fogayn tahriibay, waa markii iigu horaysay ee aan arko nin heesaya oo hadana Ooyaya, wiilkaasi waxa uu ku celcelinayaa heesta calaalka ah ee tidhaahda:-
Cakuye hawl Adduun badannaa + Ma cidla ciirsiilaan fadhiya
Cirkaa dheer Dhulkaa dheer +Caways ma kududaa
Wayga Ciirsantoo Taladu + Cayn waraeegsantee aniga
Culaysbaa isarane Allaw +Allaw Allaw ciilka iga bii
Nin caydhi walighii ceeb kama fogadee+Caway u darante xagebaan cuskada
Waxyar oo aan badnayn markii aanu fadhinay ayaa Mukhalasiintii dabada naga gashay, waxa ay noo sheegeen in markan la guclaynayo sababta oo ah waxaa la rabaa in cadceedu inta ay soo jeedo in laga fogaado deegaankan aanu hadda marayno oo ah meelaha ugu xun ee dadka tahriibka ah lagu dhibaateeyo, waxa ay sitaana lagaga qaado gaar ahaan Soomaalida oo lagu tuhmo in ay lacago badan sitaan.
Ilayn ciil iyo cadho looma dhinto, inta taagtay ah waa aan socon kari lahaa laakiin waxa ila hadhay oo marba aan u hadhayaa gabadhii Soomaaliyeed oo xaalkeedu meel halisa uu marayo.
Dadka badankiisuna waxaba ay leeyihiin waa in aynu gabadhan halkaasi kaga tagno, waayo talaabo waa la qaadi waayey, marka dhinac laga eego waa ay saxan yihiin waayo xaaladan oo kale qofkaad naxariis u mujisaa waa uu kula hadhayaa, balse haddana naftu ku siin mayso in gabadh Soomaaliyeed oo ku leh walaal hayga tagin in aad cidlo kaga dhaqaaqdo.
Markii aanu ugu yaraan 3 saacadood aanu soconay ayaa waxaa goob cidla ciirsila ah aanu kula kulanay laba wiil oo Soomaali ah oo muddo lagu haystay deegaankan aanu marayno, dhammaan wixii ay siteenna lagaga qaaday, kadibna waa ay nagu lug-dareen, inkastoo ay dooneen Mukhalasiintii in ay naga reebaan laakiin waanu ku tuntuusanay in aan labada wiil cidlada kaga tagin.
Waxa aanu afka saaray kaymo, jeex-jeexyo iyo boholo waxa aanu kolba ka talawna wabiyo, waxaa intaas oo dhan nagaga sii daran waxa nagu qoyey dhamaan maryihii aanu sidanay kadib markii uu na qabsaday roob mahiigaan ahi.
Waxba hadal yaan idinku daalinine muddo saddex cisho ah waxa aanu ku jirnay socod iyo dhuumaalaysi. Ilayn Bini-aadmigu marka uu lumo ama ay dhiibaato qabsato isagoo safar ku jira, waxa uu ku leexan jiray hadba halkii dad ugu dhaw, balse ayaandarada na haysataa waxa aanu ka cararaynaa meelkasta oo aanu isleenahay qof Illaahay abuuray ayaa jooga.
Waxa aanu maraynaa oo aanu socona dhul aad u dhibaato badan waa maalintii shanaad. Nasiib darro waxaa markaliya meel kayn ah oo aanan ka filayn nagaga soo baxay ciidan dhan oo hubaysan oo aan wax diraysa oo lagu garto aan sidan.
Markaliya ayaa gacanta nala mariyay, wax alaale wixii aanu sidanay bartaasi ayaa nalagaga furtay, qofka is adkeeya ee diida in jeebkiisa la baadho naftiisa ayuu waayayaa, kadibna waa ayna kaxeeyeen waxa ay nagu xidheen meelo ay dadka ugu talo galeen, markii ay halkaas nagu hayeen 3 cisho oo kale ayey inta ay baabuur nagu soo qaadeen waxa ay dib noogu soo celiyeen halkii aanu dhawr cisho ka hor tagnay ee xadka Itoobiya iyo Suudaan.
Markiiba waxa aan arkay dhallinyaro Soomaaliyeed oo safarkii tahriibka ku gudda jira, oo doonaya in ay maraan meeshii nalaga soo celiyay, kadibna aniga oo aan wax lacaga aan sidan ayaa feedha ka raacay, waxa aanu jabkii iyo leeleelkii marlabaad kusoo beeganay isla goobtii hore naloogu baadhay, balse markaan Illaahay waa naga indha saabay, kadibna sidaasi ayaanu Khartuun kusoo galnay.
Sheekada la soco wali fari kama qodna dhibta u wayni haday bilaabmaysaa.
la soco qaybta 4 aad.
https://twitter.com/khadar_aar
Waxa Qoray: Qareen Khadar Ibraahim Aar