Sheekadii Tahriibkii iyo tah-lukadii aan galay, Q8aad (WQ: Qareen Khadar Aar)

Akhristayaal dhammaantiin aad ayaan idiin Salaamayaa, waxaanan idin leeyahay Salaamu Calaykum, intiinii sheekada qaybtii todobaad la socotay waxa ay inoo maraysay iyada oo wiilkii dhallinyarada ahaa uu ku sugan yahay waddanka Liibiya, isaga iyo gabadhii ay safarka tahriibka isku soo barteen heshiis guurna ay hadda ku heshiiyeen.

Waxa ay ku heshiyeen in ay sida ugu dhakhsaha badan arrintooda guurka u dhammeeyaan, iyaga oo ku tashaday in aanay marnaba waalidkood la socod siin arrimahooda guurka, sababta oo ah iyaga oo ka baqay in waalidku ku gacan saydho guurka xiligan, maadaama ay ku guda jiraan safar tahriib oo aad u dhib badan.

Waa kan isaga oo bal sheekada halkii inooga bilaaba:

Asxaabey waxa aanu go’aan sannay in aanu ku dhaqaaqno arrintii guurka gaar ahaan meherkii, waxa aanu ka rooraynaa in aanu faaxisho iyo xumaan shaydaan nagu qalqaaliyo, waxa aanu raadinay maadaama aanu nahay dad Muslim ah wadaad isu kaaya meheriya, kaasi oo aanu markiiba helay, hawshii meherkana noo dhameeyay.

Ayaamo ka bacdina waxaabanu guda galnay guri-galkii iyo arooskii, maadaama aanu labadayaduba aanu haysanno wa’xooga lacag ah oo aan sidaa u badnayn, oo aanu ka helnay shaqooyinkii yaryaraa, waxa aanu go’aan sanay in aanu casuumad u fidino dhallinyarada Soomaalida ee tahriibka ku sugaysa waddanka Liibiya qaar ka mid ah.

Waxa noo dhacay aroos aad u fiican waxa arooskayaga kasoo qaybgalay Magafayaal, Mukhalasiin iyo dhalintii tahriibka Liibiya u joogtay, kadibna waxa noo dhacay aroos layaable oo aan noociisu hore Liibiya uga dhicin.

Saaxibayaal gabadhii aan guursaday muddo yar ka bacdi waxa ay ii yeelatay uur, Ilmo ayaa noo calool-galay, waxa aanu ku tashanay in aanu arrimahayaga guurka la socod siino waalidiintayo, si ay nooga warhayaan hadba xaalada aanu ku sugan nahay.

Waxa kaloo dadki diinta aqoonta u lahaa ay nagula taliyeen in guurkasta oo aan waalidka gabadha dhalay aan lala socod siin uu yahay mid baadil ah, oo aanay waxba ka jirin, arrintaasi lafteedu waxa ay nagu abuurtay warwar aad u badan, waxaanu u dareenay in aanu nahay dad aan si xalaala iskuba qabin .

Waxa aan la hadlay waalidkay, gaar ahaan hooyaday waxaana dhex martay sheekadan:-

Markii aan talafoonkii Aabahay aan garaacay isla markaana aan Aabahay si guud isu waraysanay ayaa waxa aan ka codsaday in uu hooyana talafoonka igu dhiibo, kadibna hooyo ayaan arrintii ugu waramay, balse hooyaday waxa ay i waydiisay su’aalo aanan ka jawaabi karayn, waana kan hadalkii aniga iyo hooyaday na dhex maray:

Aniga: Hooyo salaan ka bacdi, ma ogtahay in aan guursaday oo aan Liibiya aroos ku ahay.

Hooyo: Waar maxaad tidhi aroosaa, oo miyaad iska daysay meeshii aad ku socotay ee wadamada Gaalada, naa siduu yahay, muxuu yidhi, aroosaa, hayeeeee ii waran!

Aniga: Maya Hooyo iskama dayn laakiin haddana gabadh ayaan guursaday ee isoo duceeya. Waxaanan kuu sheegayaa in ay uurna ii leedahay.

Hooyo: Hooyo ilayn waxa aad intaaba ku socotay waa ducadayada’e, waxaan ku wadiiyay, maad Guurka u yara kaadisid inta aad ka baxayso waddanka aad joogto, mida kale bal iskaba guursoo, gabadha aad guursatay wa’ayo waa qolama Hooyo!!

Aniga: Hooyo waa inan Soomaliyeed, magaceedana waxaa layidhaa …….!

Hooyo: waar Soomaali-lahayne waa qolama inantu, Hooyo inantu ma mid aan magac mooyee qolo lahaynba, waar gabadhu waa qolama, naa maanta ayaanu ba’nay, Hooyo ma tahriibkii ayaad ku kha-khashay, sideed u guursatay gabadh aanad garanaynba qoladeeda jabnay jabnay!

Akhristaw aniga oo ah ninka sheekada idiinsoo gudbinaya ayaa waxa aan waydiiyay, ninkii dhallinyarada ahaa, adigu marnaba gabadha aad guursatay ma waydiisay deegaanka ay kasoo jeedo.

Waxa uu iigu jawaabay: runtii marnaba ma’aanan waydiin qabiilka ay tahay sababta oo ah, aniguba ma aqaano qabiilka aan ahay marka laga tago magaca guud ee qabiilka mooyaane.

Watan hadana sheekadii aniga iyo Hooyaday na dhexmartay:-

Hooyo: Bal gabadha ii dhiib in ay ku dhaanto ayada aan la hadlee, adiga awalba waan ku ogaa oo cidlaad ku anbanaysay’e.

Asxaabey Xaaskaygii oo aan igaba fogayn isuna kaya maqlaysa aniga iyo Hooyo ayaan u dhiibay talafoonka waana kan hadaladii dhex maray:

Hooyo: Eedo ii waran sideetahay?

Xaaskii: Eedo waa fiican ahay, idinku sidee tihiin.

Hooyo: Eedo waanu fiican ahay anaguye, waxaan ku idhi qoloma ayaad tahay eedo?

Xaaskii: Eedo anigu waxa aan ahay gabadh Soomaaliyeed, eedo ma muhiimbaa qabiilka in la isu sheego?

Hooyo: Eedo qoladaada ii sheeg miyaanad qolo lahayn, naa maanta ayaanu ba’nay ma Xabashiyad ayaad tahay?

Xaaskii: Eedo anigu waxa aan ku dhashay Gobolka……..waxanan ahay qaabiilka layidhaa ………….*

Hadaladaasi markii ay is waydaar-sadeen Hooyaday iyo xaaskaygu, ayaa Hooyadii haddana waxa ay sii waydiisay su’aalo aad u farabadan oo dhinaca reerka ay ka dhalatay ah iyo reerka ay Hooyadeed tahay, iyada oo sidaasi u yeelaysa kadib markii uu galay dareen ah, in reerka ay sheegatay uu yahay mid ay Hooyaday si fiican u taqaano.

Asxaabey waraysigii Hooyaday ay la yeelatay gabadha aan guursaday, waxa kasoo baxay arrimo lama filaan nagu noqday, kuwaasi oo ah in inanta aan guursaday ay noqotay Habarwadaagtay run ah, iyada oo ay dhashay Habar’yartay run ah oo aan waligay maqli jiray.

Waxaaba intaasi kasii daran, waxaa isna aanu Ilmaabti run ah noqonay ninkii ay Gabadhan hore u kala tageen, oo isagana uu dhalay Abtigay ah oo hooyaday la dhashay.

Aniga iyo gabadhii aan guursaday iyo dhammaan reerkiiba waxa nagu dhacay amakaag iyo yaab, waxaanu dareenay in uu dhiig isugu kaaya jiray, waxa aanu ogaanay in waxa aanu isugu damqanaynay uu ahaa wada dhalashada iyo walaalnimada, waxa aanu dib usoo wada xasuusanay dhacdooyinkii xumaa ee nasoo wada maray.

Asxaabey waxaanu xidhiidh sidoo kale la samaynay qoyskiisii ay ka dhalatay gabadhu oo iyaguna sidaas oo kale layaab uu ku noqotay guurkayagu, balse haddana labadii reerba waxa aanu ka kasbanay duco iyo farxad dheeraada, madaama aanu noqonay laba walaala oo wad mooyee wax kale aanay kala kaxaynayn.

Fiiro gaar ah: Aniga oo ah ninka sheekada idiin soo tabinaya, ayaa waxa aan waydiiyay Inankii: Maxay ayaad dareentay markii ay Inantii ay noqotay Habar’wadaagta, balse arrinta sidan u dhacday maxay ayaad isleedahay waa laga baran karaa.

Waxa uu igu jawaabay:- Runtii waxa ay ila noqotay arrin layaable, waxa aan ogaaday in ay muhiim tahay iswaydiinta qabiilku marka laga eegaayo dhinaca fiican, waayo haddii kale waxaaba dhacaysa in ay is guursadaan laba walaalo ah, waxaan kula talin lahaa dhallinta, Qabiilka intiisa xun iskaga taga balse intiisa fiican ku dhaqma si aad uga badbadaan khataro badan oo ka iman kara guurka.

Markii arrimahasi dhaceen kadib aniga iyo xaaskaygii waxa aanu noqonay kuwo isaga soo dhawaaday intii hore, waxa kordhay kalgacalkii iyo jacaylkii naga dhaxeeyay, waxa saa’id noqday, is aaminaadi iyo wax wada qabsigii, waxa aanu noqonay laba qof oo si dhab ah nolosha u wadaaga, waxa aanu is tusnay naxariistii iyo raxmadii qalbigayaga ku jirtay.

Saaxiibayaal waxa aanu muddo iska sii joognay waddanka Liibiya, waxa noo dhashay Inan (wiil) waxa aanu u bixinay magaca Nageeye, maadaama safarkii tahriibka ee aanu ku guda jiray uu naga Nageeyay.

Waxa aanu noqonay reer ka kooban saddex qof, waxa nagu soo biiray culaysyo dhaqaale yaraan, madamaa xaaskayga oo ahayd laf dhabarka dhaqaalaha qoyska, ay shaqadii joojisay kadib markii ay noqotay Hooyo carruur dhashay.

Illaahay mahadii Inankii yaraa ee noo dhashay waa uu koray, waxa uu gaadhay hal sanno, iyada oo arrimahu halkaas noomaraya ayaa si lama filaana waxa Liibiya uga dhacay dagaalkii aadka u xumaa ee aad wada maqasheen, waxaa cidhiidhi nagu noqday noloshii oo dhan, waxaaanu waynay dhammaan shaqooyinkii yar-yaraa, waxaanu dareenay cabsi iyo baqdin aan kala go’ lahayn.

Waxa mararka qaar dhacda in guryaha nalagu soo weeraro, waxa bilaabantay in Soomaalidii Liibiya daganayd badankoodii la ugaadhsado iyada oo labada qolo ee isdilaya qoloba qolada kale ay ku tuhmayso in ay la jiraan.

Waxa aanu go’aansanay inta aanay xaalada waddanku sidan kasii xumaan in aanu ka baxno. waxa aanu raadinay qaabkii aanu uga bixi lahayn, waxa aanu helnay dooni talyaaniga ku socota, kadibna waxa aanu la heshiinay Mukhalasiintii.

Sida aan xasuusto waxa aanu raacnay dooni ay saaran yihiin dad gaadhaya 100 ilaa 80 qof, madaama ay doonti tahay laba dabaq oo is kor saaran waxa aanu galnay khanka ama dabaqa hoose, waxa aanu dhiganay saliyo (joodariyo) lagu jiifsado, kadibna doontii waxa ay Liibiya nagala dhaqaaqday habeen madaw, iyada oo afka saartay bad wayn.

Akhristayaal waxa aan idiin hubaa in sheekadani marba marka ka danbaysa ay galayso marxalado layaable.

la soco qaybta 9 aad.

Qofkasta oo sheekadan qaybaheedii hore ay dhaaftay waxa uu kala soconayaa barahayga hoos ku qoran:-

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

https://twitter.com/khadar_aar

Waxa Qoray: Qareen Khadar Ibraahim Aar