Mustafa Badreddine oo ka tirsan hoggaamiyayaasha Xisbullah oo la dilay

Kooxda mintidka ah ee Xisbullah ayaa waxay qiray in la mid ka mid ah masuuliyiinteeda sare oo lagu magacaabi jirey Mustafa Badreddine.

Wararka laga helaya dhanka warbaahinta ayaa sheegaya in Badreddine lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo ay israa’iil ka geysatay guddaha Suuriya.

Badreddine lagu sheegay in uu yahay qofka labaad ee ugu sarreeya hoggaanka Xisbullah, waxa haatan hoggaaminayay mitidiin ka tirsan kooxdani oo taageerayay ciidamada dawladda Suuriya.

Warbixin qoraal ah oo ka soo baxday kooxda Xisbullah ayaa lagu sheegay in Badreddine uu tan iyo sannadkii 1982 uu ka qayb qaatay hawlgallada kooxdani.

Ninkani ayaa waxa uu la saaray xariyaad dhinaca socdaalka ah kaddib markii Qaramada Midoobey ay ku eedeysay dilka Raysa-wasaariyihii hore ee Lubnaan Rafiq Xariiri.

Kuwait ayaa horey dil ugu xukuntay Badreddine oo ku eedeysnaa qarax dalkaasi ka dhacay waxaase uu xabsiga ka baxsaday xilligii weerarkii Ciraaq ee sanadkii 1990-kii.

bandhige@gmail.om