Madaxweyne Geelle waxa uu dib u magacaabay Raysal-wasaarihii hore iyo liiska cusub ee Golaha Wasiiradda

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa uu shalay magacaabay liiska cusub ee golihii wasiirka iyo soona celiyey Raysal-wasaarihii hore Cabdiqaadir Kaamil Maxamed.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo markii afraad loo doortay Madaxweynaha Jabuuti 8-dii bishii hore.

Golaha xukuumadda cusub ee Geelle ayaa waxa ka dhex muuqda xubno badan oo cusub ka Golaha Wasiirrada ee uu shalay soo dhisay Raysal-wasaaraha Jabuuti, ayaa qaarkood ka tirsan yihiin Wasiirradii xukuumaddii hore uu isla Raysal-wasaare Kaamil hoggaaminayey, iyadoo ay jiraan Wasaarado cusub oo lagu kordhiyey tirada Wasaaradaha Xukuumadda Jabuuti.

War-Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jabuuti, oo Warbaahinta loo akhriyey, ayaa lagu faahfaahiyey Magacyada Wasiirrada iyo Wasiir Ku-xigeennada Xukuumadda Cusub.

War-Saxaafadeedka magacaabista masuuliyiinta Xukuumadda cusub ayaa waxa uu dhignaa sidda tan:

  1. Wasiirka Maaliyadda Ilyaas Muuse Dawaale
  2. Xasan Cumar Maxamed Wasiirka Arrimaha gudaha
  3. Maxamuud Cali Yuusuf Wasiirka arrimaha dibedda
  4. Boode Axmed Rooble Wasiirka Miisaaniyadda
  5. Jaamac Cilmi Cokiye Wasiirka Caafimaadka
  6. Cali Xasan Bahdoon Wasiirka Gaashaandhigga
  7. Maxamed Axmed Cawaale Wasiirka Beeraha iyo Kalluumaysiga
  8. Nabiil Maxamed Axmed Wasiirka Tacliinta Sare
  9. Muumin Axmed Sheekh Wasiirka Caddaaladda
  10. Cali Geelle Abubbakar Wasiirka Madaxtooyada iyo Maalgashiga
  11. Maxamed Cabdiqaadir Muuse Wasiirka Hawlgaha Guud
  12. Muumin Xasan Barre Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta
  13. Cabdi Yuusuf Suge Wasiirka Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Boosaha
  14. Xasan Iddiris Samirre Wasiirka Shaqada
  15. Mustafa Maxxamed Maxamuud Wasiirka Tacliinta iyo Xirfadaha
  16. Xasan Maxamed Kaamin Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada
  17. Muuna Cismaan Aadan Wasiirka Arrimaha Bulshada
  18. Yaasiin Xuseen Buux Wasiirka Warshadaynta
  19. Xasan Muxamed Ibraahin Wasiirka Baayac-mushtarka iyo Dalxiiska
  20. Maxamed Cabdulqaadir Muuse Wasiirka Dekedaha, Madaarrada iyo Qalabaynta
  21. Muuse Maxamed Axmed Wasiirka Guryeynta, Dhismaha iyo Deegaanka
  22. Muumina Humed Xasan Wasiirka Qoyska iyo Haweenka
  23. Aamina Cabdi Aadan Wasiir Ku-xigeenka Guryeynta, Dhismaha iyo Deegaanka
  24. Xamaado Maxamed Aramis Wasiir Ku-xigeenka arrimaha gudaha
  25. Xasan Humad Ibraahin Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda.”

bandhige@gmail.com