Sheeko gaaban: “Dhoohan” (waxaa turjumay Siciid Maxamed)

Sheeko gaaban: “Dhoohan”
WQ. Anton Chekhov
WT. Siciid Maxamed

Maalmo ka hor waxaan maktabaddayda ugu yeedhay barbaarisada carruurtayda, Julia Vassilyevna.

“Soo fadhiiso, Julia,” ayaan idhi. “Aynnu xisaabtanno. Mar walba lacag baad u baahan tahay, laakiin waxaad tahay mukhajilad, ilaa heer aanad qofna wax weydiisan karin. Hagaag. Waxaynnu ku heshiinnay in aan ku siiyo soddon Ruble bishii.”

“Afartan,” ayey tidhi.

“Maya, soddon. Intaas baa ii qoran. Sidaydaba barbaarisooyinka waxaan siiyaa soddon Ruble. Hagaag. Waxaad ii shaqaysay laba bilood.”

“Laba bilood iyo shan cisho.”

“Waa laba bilood, hubaal. Sidaas baa ii qoran. Kolkaa waxaad leedahay lixdan Ruble. Ka jar 9 Axadood. Waad og tahaye, maalmihii Axadaha, Kolya waxba u ma aad dhigayn, keli ah waad la tamashlaynaysay. Waxaa kale oo aad ka goysaa saddex iidood.”

Wejigii Yuliya wuu casaaday, waxaanay faraha sudhatay siddihii toobka, laakiin juuq ma ay odhan.

***

“Waxaynnu ka tuuraynnaa saddex iidood. Isugeyntu waa 12 Ruble. Kolya wuu xanuunsanayey afar cisho oo casharro ma jirin, waxaad se u shaqaynaysay Vanya. Bes. Saddex maalmoodna ilkaha ayaa ku xanuunayey oo marwadaydu way ku fasaxday wixii duhurka ka dambeeyay. Laba iyo toban iyo toddaba – sagaal iyo toban. Ka jar hadhaagii. Baaqigu waa kow iyo afartan. Sax?”

Julia isha bidix baa casaatay oo ilmo daadisay, daamanka hoose ayaa kurbaday, waxay u qufacday si ba’an, sankana duuf baa ka dareeray. Laakiin afkeed eray kama soo bixin.

***

Bilowgii sannadka waxaad jebisay bakeeri iyo seesar. Laba Ruble iska jar. Bakeerigu intaa wuu ka qaalisaa laakiin iska dhaaf. Dayacaaddaada awgeed, Kolya waxa uu ku leexaystay geedka, dabadeedna xundhurta ayuu ka dhaawacmay. Halkaasina waa toban Ruble. Gabboodfalkaaga daraaddiina, jaariyaddu waxay xadday kabihii Vanya. Xilkaagu waxa uu ahaa ilaalinta wax walba. Taasina waa shan Ruble. Tobankii Jeenaweri waxaan ku siiyey toban Ruble…”

“Maya, ma aad i siin,” ayey ku xanshashaqday Julia Vassilyevna.

“Laakiin way ii qoran tahay,” ayaan idhi.

“Hagaag… waayahay.”

“Toddaba iyo labaatan ka jar kow iyo afartan – waxaad leedahay afar iyo toban.”

Labadeeda indhoodba waxay godladeen illin, sankeedii dheeraa ee quruxda badnaana waxaa isku taagay dhidid. Miskiinad!

“Mar keli ah baan lacag idinka qaatay,” ayay ku tidhi cod haghago leh, “markaana waxaan ka qaatay xaaskaaga. Saddex Ruble oo keli ah. Beestayn kale ma qabo.”

“Xaqiiq? Eeg hadda, taasi ii maba qornayn. Afar iyo tobankii ka jar saddex. Waxaa kuu hadhsan kow iyo toban. Hoo lacagtaada, saddex, saddex, saddex, kow iyo kow.”

Waxaan gacanta ka geliyey kow iyo toban Ruble. Waxay ku qabsatay faro jaraynaya, waxaanay ku hubsatay jeebka.

“Mahadsanid,” ayay hoos ii tidhi.

Xagga qolka ayaan u degdegay. Waan cadhaysnaa.

“Maxay baan ku mahadsanahay?” ayaan weydiiyey.

“Lacagta,” ayey tidhi.

“Laakiin waan ku khimaameeyay, ku bakhsay, oo ku dhacaye, maxaad u leedahay mahadsanid?”

“Meelaha kale waxbaba i ma siiyaan. Shilin kama helo.”

“Waxbaba kuma siiyaan? Layaab ma leh. Waan kula kaftamayey. Waxaan ku siiyey cashar arxan daran, si aan wax kuu baro. Lacagtaadii oo dhan waan ku siinayaa. Dhammaan siddeetankaagii Ruble baa bushqaddan kuugu jira… Ma suuragal baa, dhab ahaan, in aad ilaa xadkan miskiinad ahaataa? Maxaad xaqaaga u difaacan la’dahay? Maxaad u aamusan tahay? Miyaad nolosha dunidan ka tirsanaan kartaa haddii aanad lahayn miciyo xiiraya?” Ma suuragal baa in aad ilaa heerkan dhoohnaataa?”

Way dhoollacaddaysay, si tacbaannimo ah, waxaanan wejigeeda ka akhristay: “Haa, waa suuragal.”

Waxaan cafis ka weydiistay casharkaa naxariista daran ee aan u laqimay, waxaanan si kedis ah ugu salaamay siddeetankeedii Ruble. Marar dhawr ah ayay ii mahadnaqday, si khajilaad leh, wayna baxday. Tallaabadeedii baan sii fiiriyey, waxaanan ka fikiray: “Maxaa ka xun in aad dunidan daciif ku ahaatid!”