Siday Ku Timid Kelmadda” Iska Hadlow Ina Igarre”? W/Q: Cali Cabdi Coomay

Guddoomiyihii degmada Burco oo ahaa gaal la odhan jiray Gibb ayaa reer Burco shiriyey, waxaanu shirkaasi ugu sheegay in cashuur-bixin laga bilaabi doon magaalada. Markii ay kelmadda cashuur ay afkiisa ka soo baxday ayuu nin dhafoorka xabbada kaga dhuftay. Dadkii shirka joogay ayaa kala cararay markii uu dilkaasi dhacay. Askartii goobta joogtay ayaa meydkii guddoomiyaha qaaday, manay aqoonsan ninka dilka geystay. Muddo saddex bilood ah ayuu Ingiriisku ogaaday in nin ka soo jeeda beesha Habar Yoonis uu dilka geystay. Waxaanu badhasaabkii Ingiriiska ee xilligaasi soo saaray go’aan laba qoddob ka kooban oo qadhaadh, si aanu qof dambe ugu dhiiran inuu sarkaal Ingiriis ah iska toogan.

= In beesha Habar Yoonis laga soo xidhxidho boqol oday oo ah kuwa ugu culculus, laguna xidho jasiiradaha Socotara ama Sychelles.

= In magaalada Burco gebi ahaanba la gubo, labada diyaaradood ee gubi doonaana ay ka soo duulaan magaalada Cadan.

Muuse Igarre oo ahaa sarkaal si weyn ula shaqeeya Ingiriiska, kalsooni badana ay ku qabaan madaxda Ingiriisku ayaa ka horyimid go’aanka odayaasha lagu soo xidhxidhayo, laakiin aan ka horiman in magaalada la gubo. Wuxuu madaxdii Ingiriiska u sharraxay in xadhiga odayaashu uu keeni karo kacdoon shicib oo dawladda Ingiriiska lagaga horyimaado. Hasayeeshee xadhiga odayaasha lagu beddelo in beesha dilka geystay laga qaado 1000 halaad oo ganaax weyn ahaa. Soo jeedintaasi wuu aqbalay Ingiriiskii. Islaan derbi fadhida ayaa lagu yidhi” sow maad maqal inuu Ina Igarre magtii gaalka ka dhigay 1000 halaad.” Markaasay tidhi” Iska hadlow Ina Igarre.” Magaaladii waa gubay, oo berigaasi waxa ay ku taallay dhinaca bari. Gubitaankii ka dib ayaa loo soo guuray dhinaca galbeed.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

Tixraac: Xuseen Cali Ducaale (Cawil)……Raad-Raaca Taariikh Soomaaliyeed….VO.2