Silica haysta buugga Soomaaliyeed (WQ: Ibraahin-Hawd Yuusuf)

Silica haysta buugga Soomaaliyeed

—————-

In kasta oo tacliinta casriga ahi dhulkeenna ka socotay qarni ku dhowaad, Af Soomaaliguna si rasmi ah u qoran yahay nus qarni ku dhowaad, wax badanna la gu daabacay, haddana weli buuggu dhaqankeenna ma galin wuuna innagu hoos silcayaa. Si aynnu buug u gorfaynno ama u gaba hadalno horta ma lee nahay aqoon, waaya’aragnimo iyo xeer arrinta ku saabsan oo aynnu wax ku qiimaynno, tibaax ahaan iyo tayo ahaan? Buugga aynnu qoraynno, akhriyaynno ee ka hadlaynnaa horta sidiisaba maaddo ahaan waa noocee: ma cilmi baa, ma taariikh baa, ma diin baa, ma fikir baa, mise waa halabuur? Heerka tayadiisa maxaynnu ku cabbiraynnaa haddii aynnaan dhaqanba u lahayn akhriska iyo qiimaynta buugaagta?

 

Dhibaatadu akhristaha iyo qiimayntiisa uun ka ma taagna ee qorayaasha badankoodu waa la mid. Waxaa jira qorayaal aan garanayn waxa ay qorayaan maaddo ahaan waxa ay yihiin. Tusaale ahaan qof baa qoraya oo buug ka dhigaya fikrado maskaxdiisa ku soo dhacay oo aan wax maaddo ah lahayn, dabadeed haddii aad wayddiisid buuggiisu waxa uu yahay kuu ma sheegi karo. Kol haddii ay sidaa tahay qoraagu ma garanayo xaqa iyo xeerka meesha yaal, buuggana ka ma difaaci karo weerarka gardarrada ah, sida aanu u ga ilaalin karin in isaga qudhiisu gardarro ku galo.

 

Afar qiso oo masaladaa ku saabsan oo ka maadsi leh baan sannadahan arkay.

 

1. Axmed Ibraahin Cawaale wax uu qoray buugga qiimiga badan ee ciwaankiisu yahay “Dirkii Sacmaallada”, kaas oo uu daabacaaddii kowaad ku daray hadal la ga xumaaday oo loo arkay in uu reer gaar ah ku jaa’ifeeyay, ayna qasab noqotay in uu daabacaaddii dambe ka saaro. Axmed wax ay ahayd in uu ogaado dhaqan ahaan in aanay bannaanayn in reer gaar ah nasabaddiisa la taabto. Maad bay ahayd.

 

2. Boobe Yuusuf Ducaale waa oday aqoon iyo waaya’aragnimaba leh, haddana cisho dhowayd wax uu qoray in magaca “Aabbaha Tacliinta Soomaaliyeed” yahay nin aan umaddu taa u aqoon, dhaqanka bulshada iyo magac bixintii rasmiga ahayd Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed midnaba. Kolkii arrintaa la gu la yaabay ee la wayddiiyay wax uu sheegay warkaa in uu ka soo xigtay website ay qoraan wiilal uu isagu adeer u yahay! Macnaha odaygaa dhami xaqiiqada uu og yahay haba darjiidhee cilmi ahaan u ma baxsana waxa loo yaqaan “xigasho” iyo “raadraac”. Waa maad.

 

3. Nin ka tirsanaan jiray Budhcadda Qabyaaladeed ee Baha Iiddoor oo la yidhaahdo Cabdiraxmaan Guribarwaaqo ayaa qoray buug uu ciwaan u ga dhigay “Ina Cabdalle Xasan ma sheekh buu ahaa mise…?” Buuggaa fikir uu isagu lee yahay ku ma qorin ee wax uu ku soo koobay xogta iyo maansada dhab ahaan sugan ee ninkaa loo wada yaqaan. Buugga wax uu ku soo qaatay qaar ka mid ah gabayadii afxumada badnaa iyo ficilooyinkii yaabka lahaa ee ninkaasi ku caanbaxay. Wax uu kale oo soo qaatay tixo rag kale kuwaas oo uu itaal baaska doonayay in uu tusaale u ga dhigto ceebta ay bulshadu u taqaannay in dumar la caayo, si uu u yidhaahdo nin wadaad ah oo dumar caayayna hadalkiiba daa Ina Cabdulle Xasan mooyee. Labadaa qodobba waa la gu la diriray ilaa la gu qasbay buuggii in uu gubo. Wax uu ahaa amuumye khashiin ah oo aan garanayn xaqii iyo xeerkii uu buuggiisa ku difaaci lahaa, ee ku odhan lahaa “waar waxa meesha ku qoran anigu ma samayn ee Ina Cabdulle Xasan baa tiriyay umadduna waa ay wada og tahay, tolkiis baana qoray oo maktabadaha dunida dhigay ee orda idinku taariikhda ka masaxa”. Waa maad.

 

4. Maanta mudane Juxa oo aan moodayay in uu intan fahmo dhaamo ayaa faraqa la gu dhegay. Buug uu beri fog qoray oo aan qudhaydu akhriyay oo ah sheeko faneed mala’awaal ah baa la ga soo dhex qabtay hadal yar oo ku saabsan dhulka Soomaalida Itoobbiya ee la gu ceebeeyo magaca “Ogaadeen”. Waxaa la yidhi dhulkayagii baad ku sheegtay saxare u eke. Isaguna halkii uu dhihi lahaa “war awowgood la gub, xukun aan anigu dhulka saaray iyo aragtidayda ma aha ee wuxu waa sheeko faneed oo qof qisada ku jira ayaa sidaa u hadlay, waxa qof sheeko ku jiraa ku hadlaana cilmi ma aha, run iyo been midna ma aha, keliya waa fikirka qofkaa, cid isla sheekada u gu dhex jawaabta ayaana hadal kiisa liddi ku ah dhihi karta”. Laakiin ma uu yeelin ee cabaad buu sii daayay oo sidii caamadu u garnaqsatay buu u garnaqsaday, wax uuna bixiyay raalligalin iyo in uu buugga beddeli doono. Waa maad.

Ummad dhan oo maad ah baynnu nahay ee buugaagta aynnu iska daynno qoristeeda iyo akhriskeeda, haddii kale aynnu baranno maaddadeeda iyo qiimaynteeda.