Siyaasiyiinta iyo Madax-dhaqmeedka Somaliland midba waxbuu habeenkii ku seexdaa (WQ: Khadar Ibraahim Aar)

 

Waxa aynu halkan kusoo bandhigaynaa mala-awaal aan isleeyahay Siyasiyiinta iyo Madax-dhaqmeedka Somaliland qaar ka mida iyo midkastaaba waxa uu habeenkii marka uu sii seexanaayo ku fikiro agtiisa ugu muhiimsan :-

1.Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo,waxa uu inbadan u oomanaa in uu maruun Somaliland madaxwayne ka noqdo ,hadaba madamaa uu ku guulaystay ilaa hadana uu yahay Madaxwaynaha Dalka. kalmadiisa u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *yaa cimriga ii dheereeya ,aan dalka sii xukumee*

2.X.Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin.kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *Xisbigii Udub waxa aan u baa’biiyay si anan mucaarad ugu noqon qoladan Kulmiye,sababta oo ah ,waxa ay nagu daba-galayaan xisaabi xilmalaha aniga iyo Marwadaba*

3.Gudoomiyaha Baarlamanka C/raxmaan Cabdilaahi Cirro , kalmada u danbayse ee uu habeenkii ku siixdaa ma waxa ay tahay *markaan talada qabsado, qarankan waxaan ku hogaaminayaa wada tashi iyo isu tanaasul,wixii diidana ,Maxamed Cali Kalay *

4.Muuse Biixi Cabdi oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye. kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay*Dadbaa u haysta in Musharax-nimadan Siilayo igu siiyay Dimuqradiyad ,kkkk waa ka war-ladihiin ,adeer shaanidii aan qarxiyay ayaan ku helay *

5.Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *shaw sirtaba wanan ogayne raganimadu waxay ku jirtaa ,kor-ka mucaarad ,hoosta ka muxaafid,hadanan sidaa yeelin Cabdiraxman Cirro ayaa dalka qabsanaaya *

6.Aqoon-yahan Musharax Jamaal Cali Xuseen. kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexda ma waxa ay tahay *Dadbaa igala taliyay Faysal Cali Waraabe! talaw Lacagtii aan sida gaarka u siiyay dadka ma u sheegaa *

7.X.Raysalwasaare Cali Khaliif Galaydh .kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexda ma waxa ay tahay *Siilaanyo waa saxiibkay,balse waan ka shakisanahay ,qushi Aakhirana meel la taga lehe reer Buuhodle aanu kala libidhno*

8.Safiir Cali Maxamed Warancadde ,kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay * Maraawaxid waxaa ii fiican in aan Ethopiya iska qabto intii aan inanka yar ee aan adeerka u ahay ag joog-joogi lahaa *

9.X.Wasiir Cawil Cali Ducaale kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *waan isu dhul dhigaya qoladan calan-castaa ,balse jab ayaan la maganahay ,Sicid Sulubna i fahmi maayo*

10.X.M/Xigeen Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax (Tolwaa).kalmada u danbayasa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *Talaw maxaa dhacay nimankii Kulmiye ee aanu soo wada jabhadaynay xilba ii dhibi maayaane*

11.M.H. Ibrahim Dhagawayne kalmada u danbaysa ee habeenkii uu ku seexdaa ma waxa ay tahay *dalkii waa la haystaa ,dekadii aan wax ka qaadan jirayna wataa Carabta la siiyay ,waxna noo dhiibi mayaan*

12.X.W. Cabdilaahi geeljire .kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *Ninkii samraa sadkiis hela *

13.G.X. Maxamed Kaahin Axmed kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *Muuse Biixow waan ku dhisayaa hay khiyaamayn hadhaw,shanta sano markay kuu dhamadaan anaa Madaxwaye-nimada leh ,Shaani socon mayso *

14.G.X Axmed Cabdi Dheere kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *horta anigu jaran-jarada Madaxwayne-nimada Kulmiye halkeen kaga jiraa !!malaha magac uyaal ayaan ahay *

15.X.Wasiir Ismaciil Hurre Buubaa kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *Somaliland meel ka banaani ma jiro , wali shacabka maan gaadhin ,waa in aanu qabanaa shir Garxajis si xaalada aanu wax uga badalno aniga iyo Axmed Mire*

16.prof Axmed Ismaciil Samatar kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *Somaliland-tani waa siyasad miidhan,way iga yaabiyeen ,sacab , mashxarad iyo qosol ayay igu soo dhaweeyeen,Wasiirkii arimaha dibadana wali ma hayo *bal-adba*

17.Mujaahid Axmed Mire kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *kkkk dalkii intaan maqnaa ayaa la kala qabsaday,Jamacadii aan galay ayaa i hoday,waa in aanu Garxajis shirinaa aniga iyo ina-Buubaa oo aanu sheekada halkii-hada-halkii ka bilawnaa*

18.Wasiir Farxaan Aadan Haybe kalmada u daybaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay*anuu waan garanayay in aan mar uun Wasiir noqonaayo, hadaba waa in aan aniguna aan Shabeelo dhaqdaa ilayn si kale ku socon maysee *

19.X-agasime Mawliid Waris Cabdilaahi kalmadda u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *aheeey ah, Xirsibaa i waalay !waakaa kursigaygii Farxaan Aadam Wasiir ku fuulay,Ucid-baan iska gali *

20.X.Wasiir Maxamed Xaashi Cilmi kalmadda u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *dalkeena cashuurta kasoo baxdaa calaa qof waxa ay inoogu filan tahay 30dr*

21.Guruubka la magac baxay madasha ee uu ka mid yahay Xasan Guure,kalmada u danbaysa ee ay habeenkii ku seexdaan ma waxa ay tahay *waar madaxwaynahu ina maqli waaye macaynaaaaa*

22.X.Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan kalmadda u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa waxa ay tahay *waa kuwii dadku odhan jiray isaga madaxwayna ah ,maasha Allah ,ilaa Boqorada Ingiriska ayaa i taqaana *

23.X.Wariis Maxamed Biixi yoonis kalmadda u danbaysa ee uu habeenkii ku seexda ma waxa ay tahay *waxani siyaasad maaha waa in aan iskaga tagaa sidii Cumar Carte*

24.X.Wasir Cabdicasiis Samaale kalmadda u danbaysa ee uu habeenkii ku seexda ma waxay ay tahay *waan qaldamay waxay ahayd in aan Wasiirkii Tacliinta iska qaato barigii,tolaay Abiib Timacad ayaa i waalay *

25.X.Wasiir Dr Xuseen Muxumad Maxamed (Xuseen-Xoog) kalmada u danbaysa ee uu ku seedaa ma waxa ay tahay * Ilaa iminka waxaan garan la’ahay cida Madaxwaynaha igu dirtay *

26.Wasiir Salebaan Ciise (Xagla-toosiye) kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexda ma waxa ay tahay *Midha Cali khaliifaaa ,walee halkan waynaan isugu iman,kolaan Xamar tagana*

27.X.Wasiir Dr Maxamed Cabdi Gaboose kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *inaan Libaax ahay way ogyihiin qoladan Kulkmiye, iga maarmi mayaan mar uunbay ii yeedhi*

28.Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Yasiin Faratoon kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa uu yahay *waar ma lahubaa ma wasiirka arimaha gudaha ayaan ahay,waa inaan Khudbadaha iska hagajiyaa oo sidii waxnool u hadlaa*

29.X.Mareeya dekada Berbera Cali Xoor-xoor kalmadda u danbaysa ee uu habeenkii ku seexda ma waxa uu yahay *waar iga maarmi mayaan ,iminkaan u tagaya sheekhi raatubta ii akhriyi jiray,carkee *

30.X.Wasiir Siciid Sulub Maxamed kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *weger waxaan la yabanahay kuwan Kulmiye miyaanay aniga marna ii yeedhayn,cadhaan jiq ahay*

31.Wasiir Sacad Cali Shire kalmadda u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *Heshiiskan Dekada Berbera marka aan dhameeyo,talaw kursigaygan ma cidkala loo wadaa*

32.Wasiir Axmed Aadan Ismaciil (Axmed Kayse) kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexda ma waxa ay tahay*shirarka qaar marka aan tago waan khajilaa,waxaan xasuusta ,sidii xumayd ee aan madaxwaynaha wax uga sheegi jiray,waar bal iga danbeeyow wax iskula hadh*

33.Gudoomiyaha Guurtida Salebaan Maxamuud Aadan,kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *Guurtidan in aan iibsaday dadku ma oga walee wanan banayn kursigaasi*

34.Gudoomiye Xigeenka Baarlamaanka Mudane Baashe kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *Gudoomiyaha baarlamaanka ninna iga qaadi maaya Cabraxmaan kadib, waayo waa la igu feedhay*

35.Xildhibaan Cabdiraxmaan Aw-Xoog kalmada u danbaysa ee uu ku seexdaa habeenkii ma waxa ay tahay*tolaay mar hadaan Dekedii Berbera DP World ,ka joojin kari wayay tacabkay-be*

36.X.Wasiir Maxamed Nuur Caraale (Duur) kalmadda u danbaysa ee uu habeenkii ku seexda ma waxa ay tahay *wax igu dhacay garan maayo khadkii siyaasadu waa iga xun yahay, malaha qoladii Ciise ee barigii ayaa i-inkaartay “yaab-aragnay *

37.Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *marhadaan Bali-mataana degmo ka dhigay,rag aan aqaanana aan iska celiyay ,waligoodba hay caayaan*

38-Wasiir Cusmaan Cabdilaahi Saxar-diid (cadaani)kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexda ma waxa ay tahay *wasiirnimadu macanaa ,farxadayda waad yaabtaa,balse dadku hayga raali ahadaan marmar wan yar jiboodaa*

39-Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *mar hadaan Xirsi meesha ka eryay ,madaxwaynahana aniga ayaa dhatiisa ah*

Dhinaca Madax-dhaqameedka.

1.Suldaan Maxamed Xirsi Qani kalmadda u danbeeya ee uu habeenkii ku seexdaa waxa uu yahay *hadii dan laga leeyahay Dalkan ha la dajiyo*

2.Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilqaadir , kalmadda u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *Somaliland waa muqadas !! Xamar yaa talaw war ka haya*

3.Suldaan Yusuf Muxumad Xiiray ,kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *waanu yaabanahy qoladan Kulmiye waxaa ka fiicnaa nimankii Udub,Ilahay Janada haydin galayo reer Oduboow,Daahir Rayaale dabadii dabmanaan shidin *

4.Suldaan Cabdiraxiim Saxardiid Kaahin *anigu waxa aan ahay Suldaanka Guud ee Somaliland iyo D-Jabutiba,Afar luqadoodna waan ku hadla ,je roi*

5.Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi (Mahad-Caraj) kalmadda u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *mar hadaan degmadii Bali-Mataan aan Shan Tuulo u balan qaaday, maxaan kaga tagay Suldaan Xiiray*

6.Saladiinta Boorame oo ah saladiin inta badan u dooda deeganka iyo dhulka ay kasoo jeedaan.kalmada u danbaysa ee ay habeenkii ku kala tagaan ma waxa ay tahay *Xaqayaga ha nala siiyo,hadii kale Suldaan Wabar ……*

7.Suldaan Abibakar Cilmi Wabar kalmadda u danbaysa ee uu habeenkii ku seexda ma waxa ay tahay *reer Boramow waxba ha calaacalina waydinkii Jabhadii AARA soo raaci waayay*

8.Suldaan Maxamud Axmed Sheekh kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexda ma waxa ay tahay *Berbera waa la qaatay reer Berberoow*

9.Suldaan Maxamuud Guuleed Mire oo ka mida saladiinta Burco ,kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *waar dadku may Ilahay ka cabsadaan*

10.Suldaan Cumar Suldaan Maxamed oo ka mida saladiinta Gobolka Hawd.kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *dalka anaga xoraynay,waxna kuma qabno*

11.Suldaan Maxamuud Cabdi Cabdilaahi oo ka mida Saladiinta Hargaysa,kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *Degmooyin-kayaga miyaa la ilaabay *

12.Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi kalmada u danbaysa ee uu ku seexdaa ma waxa ay tahay *Somalilandtan inaan danbidhaaf Ilahay waydiisto ii diiday, walee Xamarbaa ii dhaanta*

13.Boqor Cusmaan Buur-madaw kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *Ninkaygii Dunida oo dhan lasoo shiray ,ayaa maanta inama yaryari WhatsApp hoos dhigeen ,walee dibanan u galin shir danbe oo WhatsApp lagu qabanaayo*

14.Garaad Jaamac Garaad Ismaciil ,ahna garaadka Laascanood , kalmada u danbayse ee uu habeenkii ku seexda ma waxa ay tahay*Somaliland-tu waa raaxo,Khatumaduna inay halkooda iska joogaan ayaa fiicnaan lahayd*

15.Garaadka Khaatumo ,Garaad Jamac Garaad Cali kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *ma garaad Jamaca Laascanood ayaan ka liitaa,maan dantayda raacdo,Saaxdheer maxaa yaala*

16.Suldaanka Guud ee Subeer-awal Suldaan Xasan Suldan Cabdiraxmaan , kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexdaa ma waxa ay tahay *waar heedhaha meeshan dawladi ma jirto,Sabaystana Suldaan maha *

17.Suldaanka Naasir Suldan Cabdi Ismaciil,kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexda ma waxa ay tahay *waanu yaabanahay qoladayadan Gabooye,wasiir ma lihin,degmo ma lihin ,tuulo miyi ma lihin,waar sidan naga daaya*

18.Suldaan Mawliid Sabayste oo kamida saladiinta wakhtigan xaadirka ah aad TV looga maqlo.kalmada u danbaysa ee uu habeenkii ku seexda ma waxa uu yahay *Hargaysi Bad ayay u bahan tahay *

Intaasi waxa aynu kusoo gaba-gabaynaynaa kaftankii aan turxaanta lahayn,taasi oo anay jirin wax xumaana oo aan uga jeeday ,balse waaxa uun ay iga ahayd kaftan iyo faalo wada socda.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

https://twitter.com/khadar_aar

W/Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar