Obama waxa uu kordhinayaa Qaxoontiga imanaya Maraykanka

Madaxweynaha Maraykanka Obama ayaa waxa uu dejiyey qorshe ah in uu dalka keeno 110,000 oo qaxooti ah dhamaadka 2017, taasi oo toban kun ka badan qorshihiisi hore, islamarkaana 30% dheer tirada qaxootiga sannadkan yimid Maraykanka.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda John Kerry ayaa qorshahan dib u dejinta ku dhowaaqay intii uu socday kulan uu la yeeshay guddiga caddaaladda ee Aqalka wakiilada iyo Senate-ka Maraykanka.

Markii ugu dambeysay ee tiro sidaas u badan oo qaxooti ah dalka Maraykanka la keeno waxay ahayd waqtigii madaxweyne Clinton ee 1995-kii, markarkaasi oo Clinton uu aqbalay in dalka ay yimaadaan 112,000.

Sannadkii 2015, waxaaa dalka Maraykanka yimid 70,000 oo qaxooti ah.

Warbixin ay heshay warbaahinta Politico ayaa sheegeysa in Obama uu doonayo in uu dalka keeno tiro badan oo qaxoontiga dalka Suuriya ah, kadib markii ay sannadkan yimaadeen 10,000.

Obama ayaa qorshahan si rasmi kaga dhowaaqi doonaa shirka guud ee Qaramada Midoobay ee dhici doona todobaadka soo socda.

bandhige@gmail.com