Waxa ay taariikho badani muran geliyaan cida iska lahayd libintii lagu burburiyey taliskii macangaga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre iyo maamulkiisii. Qormadan kooban waxa aynu ku iftiimin doonaa inta ay qortay taariikhda qorani bal sida ay u dhaceen dagalladaasi. Dad badan oo reer Soomaaliy ah ayaa ku doodda in halgankii afka ciida loogu daray taliskii Maxamed Siyaad Barre uu ka bilaabmay gobollada dhexe ee Soomaaliya, hasayeeshee doodaasi waa riyo-maalimeed aan beyd run ka ahayn, marka la dhugto taxanaha sooyaalka dagaalladii lagu jebiyey Afweyne.
Dagaalladii USC iyo Taliskii Maxamed Siyaad Barre
= 8/1/1989 xubno metalaya ururka USC ama jabhhada ayaa shir ku yeeshay Rooma, waxa aanay ku aasaaseen jabhada USC, halkaasina waxa lagaga dhawaaqay jiritaanka jabhada USC.
= 25/2/1989 ayuu Janaraal Caydiid ka soo qaybgalay shirweynihii golihii dhexe ee ururkii SNM oo ka qabsoomay Balaygudbale.
= 17/6/1990 ayey USC garabkii Itoobiya shirk u yeesheen Mustaxiil waxa ay guddoomiye u doorteen Janaraal Maxamed Faarax Caydiid.
=ย 8/7/1990 USC waxa ay weerar ku qabsatay degmada Ceel buur, waxa aanay goobtaasi ka dhigteen saldhigii ugu horeeyey
= 22/7/1990 USC waxa ay weerareen Gaaskii ciidankii deganaa Buuloberde, waxa ay halkaasi ku dileen taliyihii gaaskaasi G/Sare Biixi Tuur
= 5/8/1990 USC waxa ay weerar ku qaadeen Hobo iyo Xarardheere, ciidankii dawlada waxa ay ka sifeeyeen deegaankaasi. Halkaasina waxa ay ku qabsadeen hub iyo qalabka is-gaadhsiinta
= 26/8/1990 USC waxa ay sii ballaadhisay duullaankeedii, waxa ayna dagaal ku qabsatay Aadan Yabaal iyo Jalalaqsi
= 16/9/1990 USC waxa ay weerar ku qabsatay degmada Matabaan iyo nawaaxigeeda
= 23/9/1990 USC waxa ay duullaan ku qabsadeen degmada Mahaday, waxa ayna goobtaasi kula wareegeen warshadii hubka iyo rasaasta.
= 7/10/1990 USC waxa ay weerar ku qaaday degmada Guriceel, waxa aanay goobtaasi qudha kaga jareen S/Guuto Cabdi Cismaan Maxamed (Cabdi Caluuq) taliyihii qaybta 21-naad ee ciidankii Maxamed Siyaad
= 28/10/1990 USC waxay weerar ku qabsadeen degmada Dhuusamareeb, waxa aanay halkaasi ka rarteen raashin iyo raas. Raashinkaasi oo lagu xaman jiray QUUD DAAROOD iyo QUUS HAWIYE.
= 16/12/1990 naftood hurayaal ka tirsan USC ayaa weeraray saldhigga ciidankii cirka ee Ballidoogle, waxa aanay weerarkaasi lagu gubay 3 diyaaradood oo ahaa nooca MIG.19. ujeedadda ay USC weerarkaasi u fulisay waxa ay ahayd in aan diyaaradahaasi lagu duqeyn sidii Hargaysa loogu duqeeyey oo kale
= 30/12/1990 USC waxa ay Muqdisho ka bilowday dagaal socday 28 cisho, kaasi oo lagu burburiyey ciidankii xooga lahaa ee Muqdisho ku hayey Maxamed Siyaad
= 26/1/1991 USC waxa u suurtagashay inay Muqdisho ka saaraan keligii taliye Maxamed Siyaad Barre.
= 20/2/1991 USC waxa ay dib u celisay ciidamo daacad u ah Maxamed Siyaad oo jabhadeyn ku soo rogaal celiyey soona gaadhay Af-gooye, waana la jebiyey.
F:G= Halkaasi waxa ka cad inay USC la dagaalmaysay Taliskii Maxamed Siyaad 8 bilood, waana intii u dhexaysay 8/7/1990 illaa 20/2/1991.
Dagaalladii SNM iyo Taliskii Maxamed Siyaad Barre
Way adag tahay in halkan lagu soo koobo dagaalladi ay SNM ku qaadi jirtay taliskii Maxamed Siyaad Barre mudadii ay socdeen dagaalladu oo ahayd intii u dhexaysay 1982 illaa 1991. Sababtu waxa ay ahayd dagaalada ayaa ka dhici jiray deegaan aad u ballaadhan oo ku teedsan xuduuda Itoobiya iyo Soomaalilaan-ta maanta, kana soo bilaabmaysa Wajaale ilaa Balay-dhiige. Sida ay ii sheegeen Mujaahid Maxamed Cilmi Galaan iyo Mujaahid Ibraahin Dhego weyne oo ka tirsanaa saraakiishii sarsare ee ciidamadii SNM.
= Sannadkii 1982 waxa ay dagaallo goosgoos ahi xuduudda ku dhexmari jireen ciidamadii SNM, kuwii aasaaskoodu bilaaby wakhtigaasi.
= Sannadkii 1983 ayey dagaalyahanno ka tirsan SNM fuliyeen hawlgal si fiican looga soo shaqeeyey, waxa aanay jeelka Mandheera ka jebiyeen maxaabiis tiro badan. Jeelka Mandheera waxa si weyn gaadh uga hayey ciidan xoogan, waxa aanay anfariir ku noqotay taliskii dhiigyo cabka ahaa ee Maxamed Siyaad.
= Hawgalkii miiska Saraakiisha April 1983: dagaalyahanno ka tirsan SNM ayaa si la yaab leh hawgal uga fuliyey xaruntii miiska saraakiisha ee Hargaysa. Waxa aanay hawgalkaasi kula baxeen Kornayl C/laahi Askar โAHNโ oo maxbuus ahaan ay goobtasi ugu xidheen ciidankii MSBarre.
= Sannadkii 1983 illaa 1987 ciidamadii SNM waxa ay dagaallo toos ah ku qaadi jireen ciidamadii Maxamed Siyaad ee fadhiyey xuduudaha Soomaalilaan-ta maanta iyo Itoobiya.
= Dagaalkii Buuraha ee 1984: Ciidamadii SNM ayaa hawgal ay ku tijaabinayaan cududooda ciidan ku galay dhawr goobood oo ka tirsan gudaha Soomaalilaan-ta maanta. Ciidanka waxa loo qaybiyey afar aagga oo ay ka dagaalamaan oo kala ahaa, – Galbeed, Aagga dhexe, Gubad daalaco, Buuraha Sheekh iyo buurdhaab iyo Saraar. Ciidamadaasi waxa ay mitidnimoย tuseen askartii Maxamed Siyaad, waxaana dhexmaray dagaal qadhaadh.
= Xasuuqii saraakiishii Nabadsugida gobolladda waqooyi: Sannadkii 1986 dabayaaqadiisii ayey dagaalyahanno ka tirsan SNM fuliyeen hawlgal cajiib ahaa oo ka yaabiyey dawladii Maxamed Siyaad. Waxa Hargaysa badhtankeeda goor habeen ah lagu xasuuqay madaxii sirdoonka gobollada Waqooyi oo la odhan jiray Axmed Aadan, ku xigeenkiisii Ilyaas iyo madaxii sirdoonka degmada Hargaysa oo la odhan jiray Degmo Laqas. Dhammaan ragaasi waxa lagu khaarajiyey hawgal mucjiso ahaa.
= Dagaalladii gudogalka ee 1988: Guutooyinkii ka tirsanaa ciidamadii SNM ayaa weeraro qorshaysan ku soo qaaday magaallooyink waaeyne ee Soomaalilaan-ta maanta. Burco ayey weerar ku qaadeen 27/5/1988 waanay qabsadeen, Hargaysa ayey weerar la mid ah ku soo galeen 31/5/1988, waxaanu dagaal faraha lagaga gubtay dhexmaray ciidankii Maxamed Siyaad iyo xoogagii SNM ee mitidiinta ahaa. Dhammaan dagaaladaasi waxa lagu gumaaday guutooyinkii xoogga weyna ee Maxamed Siyaad Barre. Halgamayaashii SNM waxa ay gacanta ku dhigeen Soomaalilaan-ta maanta horraantii sannadkii 1991.
F.G= SNM waxa ay la dagaalamaysay taliskii dhiigyo cabka ahaa ee Maxamed Siyaad muddo dhan 9 sannadood. 1982 illaa 1991. Xaqiiqo ahaan marka la dhugto taxanaha sooyaalka cida rasmiga ah ee jabisay taliskii macangaga ahaa waa jabhadii SNM.
Maxamed Cali Samatar ayey BBC-da laant afsoomaaligu waraystay sannadkii 1992, waxa aanay weydiisay sababta dawladoodii xooga badnayd muddo yar Muqdisho looga qabsaday. Wuxuu suโaashaasi kaga jawaabay, in arrintaasi aanay jirin, hasayeeshee ay gobollada waqooyi uu dagaal culusi kaga furnaa oo guutooyinkii ugu xoogga weynaa dhulkaasi lagu laayey, taasina ay keentay in si fudud Muqdisho looga qabsado.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Tixraacyo:
Hadimadii Gumeysiga (2005)โฆโฆโฆโฆC/qadir AromaโAHNโ
Mahadhooyinkii SNM (2018)โฆโฆโฆโฆKornayl Maxamed Cilmi Galaan