Somaliland: Ma iyada oo dal ah ayey ku biirtay Soomaaliya? Q.4aad (WQ: Faysal Cabdi Rooble)

Waa su’aal runtii muhiim ah. Waxa iyana aad muhiim u ah jawaabta laga bixiyo Su’aasha, inkasta oo aanay wax badan ka badalahaynin arrimaha murgan ee Somaliland iyo Dawlada Soomaaliya u dhaxeeya – waa gooni isutaag Soomaaliland ku dhawaaqday 1991. Gadaal ayaan ku sharixi doonaa maqaamka dawli iyo statuska ay Somaliland lahayd xiligii ay ka xerowday gumaysigii Ingriiska.

Balse dib u mililicsi gaaban aan ku sameeyo laba qodob oo muhiim ah.
1. Sanadihii u dhaxeeyey1956 iyo June 1960, waxa isasoo taray maamulkii Somaliland. Bishii December, 1958 waxa la kordhiyey tiradii golaha Barlamanka oo 15 xubnood ahaa ayaa 13 lagu buriyey.
October, 1959 waxa shir-beleed Lasacaanood ku qabsaday beelaha Bariga iyo Galbeedka, oo shirgudoomiye u ahaa Suldan Maxamoud Cali Shire. Mar haday curatay USP, waxay labahoobeen SNL, taasoo horseeday in la wiiqiyo NUF.
Rasal Wasaare ayaa kownsilku Somaliland doortay 1959. Maxamed Xaji Ibrahim Egal ayaa bishii May 1959 loo doortay R/Wasare. Waxaase Jagadaasi jirtay Afar (4) maalmood oo kaliye. Ma cadda sababahii Dawladdii Ingriisku ugala noqotay Cigal jagaas. Haseyeeshee waxa lamagacaabay afar (4) wasiir ama ministerial portfolio oo kala ah sidan:
1. M. X I. Cigaal – wasiirka Dawlada hoose
2. Cali Garad Jamac – Wasiirka Isgaadhsiinta
3. Axmed Haji Duale – Wasiirka khayraadka.
4. Xaji Ibrahim Nuur – Wasiirka arimaha istimaaciga ama social services.
Waxa la odhankaraa xisbigii United Somali Party (USP) oo ay yagleeleen beeliihi tabay in laga qadiyey dawladii koobnayd ee curdinka ahayd in ay laba arimood sababeen:
1. Naacawdii dawladnimada oo la dareemay xili wax qaybsina la gaadhay.
2. In USP ay taageero siyaasadeed siiyaan SNL oo horumood ka ahaayd wadaniyada iyo midaynta Soomaaliyeed.
Xiligaas marka laga soo bilaabo ilaa maanta oo Soomaaliya burburtay, USP waxay ku fantaa in ay tahay xoog midnimada Soomaaliya u taagan. Dhibtuse waxay tahay xoogaasi waxa uu ku baahsanyahay Hargaysa, Puntland, iyo Muqdisho – xoog central gravity leh weli uma muuqdo.

Sikastaba ha ahaatee, xisbiyadani way iska baab’een ama way daciifeen xornimadii iyo isu tagi British “Somaliland” iyo “Somalia” dabadeed.
Hadaba isu taggii labada waxood ma waxaan odhan karnaa waxa uu ahaa mid laba dal mise laba Gobol? Ma laba dawladeed oo ictiraaf haystay ayaa isu tagay?
Laba fakir ayaa ku weegaaran arintan: mid leh haa oo laba dawladood ayaa midoobay; iyo tan ka soo horjeeda oo leh dal lakala qaybiyey ayaa shuruud la’aan isugu soo noqday markii gumeystayaashii rer-Yurub baxeen.

Arrinta ugu culus ayaa ah in Soomaaliland ku soo biirtay Soomaaliya iyadoo 34, 35, 40 dal in ka badani aqoonsadeen. Kooxda kale arrintaasi gashanaa ayey si dagdag ah ugu dhuftaan. Ogow waxa dooddan ku hoos qarsoon fakirka isna odhanaya hadii Somaliland la midowday Somaliya iyada oo siddata aqoonsiyo dalal Qaramda Midoobay ku jira, waxay dawo ka noqon soo celinta iyo ictiraaf ay heli doonto Soomaaliland.
Horta hindisahan sidaas odhanaya waa waxba kama jiraan. Ictiraafku innaba kuma xidhna inaad aqoonsi dawlada hore lahayd iyo inkale. Waa sheeko baraley Soomaalidu iska dhaadhicisay si joogta ahna uga doodaan in ictiraafka Somaliland ku xidhanyahay maqaamkii ay lahayd markii ay la midowday qaybta Koonfur.
Gadaal ayaan ka sheegi doonaa rukunada loo maro marka aqoonsi la raadinayo. Hadeer waxaan ku soo koobayaa in AQOONSIGA Somaliland aanu innaba ku xidhnayn maqaamkii ay lahayd xiligii ay xorowday. Ictiraaf iyo ictiraaf la’aan waxba saamayn kuma laha biyo-dhaca arrinta Soomaaliland.

Somaliland xornimadeedii ma ictiraaf ayey u heshay 1960? Ma dalal la yaqaan ayaa ictiraafay? Arinkaas wax documenti ah oo yaal archiiviyada Qaramada Midoobay ama laga helayo dawladiihii ictiraafka siiyey ilaa hada wax cad mahayno.
Sideedaba ictiraafka dal xorriyadiisa qaatay la siiyaa laba waji ayuu leeyahay.
(1) waa ictiraafka dal madax bananan oo Qaramada Midoobay xubin ah u fiidiyo dalka cusub (Bilateral recognition). Waxa arrinkaas lagu muujiyaa dhambaal loo soo diro cida la aqoonsanayo iyo nuqul la siiyo Qaramada midoobay. Arintanaana muhiim ah.
(2) Jaranjaro labs ah oo ku aada Qaramada Midoobay ayaa ku xiga. Dhambaalka aqoonsiga ayaa nuqul la siiyaa Qarama Midoobay.
Dabadeed waxa la horgeeyaa inta agendaha lagu daro Golaha Amiga (Security Council) oo Afar jaranjaro intuu maro dalkaa la aqoonsaday ku biiriya isla xubnaha Qaramada Midoobay. Go’aan markay ka gaadhaan ee liiska lagu daro ayaa loo iclaamiyaa kursi iyo qaadhaanka dalka cusubi bixindoono.

Waxaan dib u raacay dalalkii xeroobay ee hadana icitiraafka helay ee Afrika. Waxaan dib u eegay dalalkii lago soo biriyey Qarama Midoobay ilaa 1956 (fiiri lifaaqa hoos ku jira).
Waxa kale oon telephone u diray safaarada Ingriiska, Itoobiya, Maser, Iyo Ghana bal in ay wax dhambaal oo ku aadan ictiraaf Soomaliland ay ka warqabaan. Xaga Qaramada Midoobay iyo Safaaradahaba hal jawaab ayaan ka helay: wax dhambaal ah mahayaan.
Hase yeeshee waxa jira oon gadaal kaso galin doonaa dhambaalkii dawlada Ingrisku ku hambalysay dadka Somaliland in ay istiqlaal qaateen oy ka madax banaanadeen gumaysiga.

Ingriiska dhambaalkiisu ma dhihin dawlad ahaan ayaan idiin ictiraafnay. Haday odhan lahaayeen maanta iyagaa loo tagi kari lahaa.
Waxase kayaabiyey Ingriiska in Somaliland ay midowga ama unionka gasho shuruud la’aan.
Arrintaasi wey ka hoos baxday madaxdii xiligaas sababaha loo aanaynayo waa labo:
(1) Siyaasiyiin Xamar u kala baratamaayey.
(2) Waxa kale oo la odhan karaa xumada wadaniyeed oo aad u sareysay ayaa sababay in madaxdii Somaliland shuruud la’aan la midoobaan konfurta.
Waxay hadaba su’aashu tahay, xataa adigoon lagu ictiraafay 60 sano ka hor, dal ma lakala goyn karaa? Somaliland ma ka goosan kartaa Soomaaliya?
Aduunkuse sidee ayuu u mareeyaa arrimhan oo kale? Anigu waxaan qabaa in labada siyaaboodba (goosasho meel marta iyo tu aan meel marin) surta gal yihiin.

La soco Qaybta 5aad