Soomaaliya waxaanu leenahay haddii wax la wadaagi kari waayo, waxa furan wax kala yeelasho (WQ: Khadar Cabdiraxmaan)

Somaliland oo xornimadeeda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska sanadkii 1960-Kii waxay dan mooday in ay wax la yeelato dawlaDdii Soomaaliya oo xiligaa uu gumaysanayey Talyaanigu, iyadoo lagu hungoobay midawgaa.

Somaliland shacabkeedu waxay ka soo daaleen beer laxawsiga ah Soomaali waa mid iyo ma kala maarmi karto, waxay shacabka Somaliland iyo dawladdeeduba ku midoobeen jiritaanka qaranimada oo ah mid lama taabtaan ah.

Shantii Soomaaliyeed ee hore u midoobay maanta waa kala dan, waana kala dalal maxaase Soomaaliya ka laalaadiyey Somaliland mar haddii geesihii lagu midoobay dal kastaaba rujistay geeskiisii? Caqliga fayoobi ma diidi karo in wax la kala yeesho, waana mida ay u taagan tahay jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal xor ah oo madax banaan ah.

25 Sanno ayaa maanta laga joogaa markii aynu Soomaaliya kala soo noqonay midawgii aynu 1960-kii sacabadeena ugu gaynay, iyaga oo aan ilaa hada ogolayn jiritaankeena, balse adduudnyadu ay markhaati inooga tahay.

Somaliland waxay yeelatay oo uu ilaahay ugu deeqay hogaan wanaagsan iyo fahamka ah wax wada lahaansho, iyadoo tusaale buuxda u noqotay dhulka ay Soomaalidu degto laguna majeerto nidaamka wax wada qaybsiga iyo kobixinta hanaaka dimuquraadiyadda oo biyo dhigtay dalkeena.

Soomaalida waxaanu leenahay gaar ahaana Soomaaliya haddii wax la wadaagi karo waayo waxa furan in wax la kala yeesho, taas oo macnaheedu yahay inay Somaliland maanta iskeed wax u leedahay adduunyaduna ku tix galiso dawladnimada ay abuurteen 25-kii sano ee la soo dhaafay. Sidaas daraadeed haddii Soomaali wada noolaan kari waydo wuxuu caqliga fayoobi ina faraya in aynu iskeen u kala noolaano.

Somaliland waxay maanta baarka sare ka jartay rubuc qarnigii waxayna taas ku gaadheen wada jir iyo dawlado sida qori isku dhiibka maalinba meel la soo gaadhsiinayey, halka maanta dawladii Xamar ee aynu ku hungawnay meel ay iska soo qabto laadahay, waxaynu buuxina shuruudihii dal looga baahnaa, sida nidaamka xisbiyada badan, xoriyatul qawlka, doorashooyinkii kala dambeeyey ee madaxtooyada, gole baarlamaan iyo mid deegaan lahaa waana wax ilaahay loogu mahad naqo.

 

Wa Bilaahi Tawfiiq

Khaddar Cabdiraxmaan

Khadarc16@gmail.com