Xukuumadda Nayjeeriya ayaa goor dhawayd ku dhawaaqday in ay soo furteen mid ka mid ah gabdho tiradoodu ka badnay 200 oo ay Booko Xaaraam afduubteen 14-kii April 2014.
Nayjeeriya ayaa ciidamo aad u qalabaysan gaysay deegaannadii lagu tuhunsanaa in gabdhahan lagu haysto iyadoo kharash aad u badanna ku bixisay sidii loo heli lahaa war ku saabsan halkii ay gabdhahani ku dambeeyeen.
Qof goob-jooge ah ayaa sheegay in gabadhan ay ciidamada Nayjeeriya qabteen iyadoo la socota saygeeda iyo ilmo yar oo ay dhashay kaynta lagu magacaabo Sambisa Forest. Saygeeda ayaa la aaminsan yahay in uu ka tirsan yahay Booko Xaaraam iyada oo ay hore u jirtay xog ku saabsan in gabdhihii dhammaantood la guursaday loona kala qaybiyey dagaal-yahannada Booko Xaaraam.
Kaymaha Sambisa ayaa ah meel ay ku xooggan yihiin Booko Xaaraam waana halka laga shakisan yahay in gabdhaha badankoodii lagu hayo.
Gabadha maanta la soo furtay oo magaceeda la qariyey ayaa la sheegay in ay dib ugu noqotay qoyskeedii ay asal ahaan ka timid.
Gabdhihii ay Booko Xaaraam af-duubeen tiradoodu waxay ahayd 276, hase ahaatee 57 ka mid ah ayaa isla habeenkii firxaday iyadoo tirada gabdhaha ku hadhay gacmaha Booko Xaaraam ay ahayd 219 gabdhood. Marka laga reebo inanta hadda la soo bedbaadiyey, 218 kale lama hayo meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.
Sarkaal ka tirsan Nayjeeriya ayaa sheegay in soo-helistoodu ay adag tahay maadaama ay u badan tahay in ay dhammaantood noqdeen xaasas qoysas ah oo meel kala duwan oo gobollada Waqooyi ee Nayjeeriya ah ku nool.
Wakaaladaha Wararka qaarkood ayaa tibaaxay in haweenkaas ay Booko Xaaraam af-duubteen kadibna guursadaeen ay qaarkood ku qanceen noloshooda cusub sidaas daraadeedna aanay diyaar u ahayn in ay baxsadaan ama isu dhiibaan ciidamada Nayjeeriya.
Il-wareed: Wakaaladaha Wararka
Bandhige@gmail.com