Tacadiyada ka dhanka ah dumarka (WQ: Gulleid Abdirahman)

Tacadiyada ka dhanka ah dumarka ayaa ah kuwoo soo taxanaa ilaa intay bulshada soomaliyeed soo jirtay iyo ilaa imika oo la joogo ahna kuwo wali wakhti xadirkan la joogo lagaga sii dhaqmo goobo badan ka mid ah dhulka soomalidu degto, bulshada soomalida oo ah bulsho si wayn uu dhaqankoodu u tixgaliyo dumarka marka loo eego bulshooyinka kale caalamka, balse ay hadana dumarka soomaalidu hadana ay kala sii kulmaan caqabado iyo tacadiyo mararka qaar kaga imaanaya bulshada amaba raga. sidaynu wada ogsoonay dumarka ayaa ah kuwo u nugul dhibaatooyinka bulsheed ee jira madaama ay kaalin mug iyo miisan leh ay ugu jiraan dhamaan bulshooyinka caalamka iyo guud ahaanba bulshada soomaaliyeed ee ay ku dhex nool yihiin.

Hadaba qoraalkaani waxaynu si guud uga hadli doona dhamaan tacadiyada ka dhanka ah dumarka iyo waxyaabaha sababa inay tacadiyaadasi dhacaan, isla markaasna ay tacadiyaasi noqdaan kuwo ku kooban amaba sameyn weyn ku yeesha guud ahaan dumarka soomaalida iyo caalamkaba.

Tacadiyada ka dhanka ah dumarka ayaa ah kuwo ay ka mid yihiin Guurka deg dega ah, kufsiga, gudniinka fircooniga iyo kuwo kale oo badan hadaba si guud oo faahfaahsan ayanu usoo qadaan doona marka kowaad Guurka deg deg ah iyo dhibaatooyinka uu ku hayo dumarkeena soomaliyeed iyo waliba heerkay ka tagan yihiin bulshadeena soomaaliyeed.

Guurka degdega ah

Guurka degdeg ah ayaa uu qaxeetankiisa saxda ahaa noqonayaa “Qof aan gaadhin da’a loogu tala galay qaan gaadhka oo lasiiyay qof kale amaba loo guuriyay hadaba gabadh iyo wiil ba ka uu yahay anba ay tahay ”

Guurka degdega ah ayaa mid ka mid ah caqabada u waa weyn ee ay la kulmaan gabadha soomaaliyeed taas oo ay ka dhaxlaan dhibaatoyin fara badan oo ay ka mid yihiin caafimaad, waxbarasho, jidh ahaaneyd, maskax ahaanayd, iyo sidoo kale dareeneed ahaanayd, sidoo kale guurku degdega ah ee gabadha la guursado iyaado yar ayaa sabab amaba keena inay gabadhu inay qaado uur iyado oo aan gaadhin mudadi ay hooyo amab uur ku qaadi lahayd iyado sababaysa dhimasho deg deg ah oo ay gabadhu la kulmayso.

Sidoo kale Guurka degdega ah ayaa sameyn weyn ku leh waxbarashada dumarka soomaliyeed wallow bulshadeena dhaqan ahaan markii hore ay aaminsanayd inaan waxbarashada dumarka loo dirin ee loo diro uun wiilasha oo qudha, iyadoo caqabadaasi ay jirto ayaa hadana gabadha aadka u tirada yar ee janiska waxbarashada hela ay ka kulmaan caqabado badan oo Guurka ah taas oo waliidkeed ku khasbayo iyadoon waxbarashadii dhameysan inay guursato oo ay halkaasi waxbarashadii kaga hadho taas oo meel kaga dhac ku ah gabadha xaqeedi iyo xuuquqdeedi waxbarasho.

Hadaba iyaado dhibaatooyinkasi badan jira ayaa hadana bulshada soomaliyeed at kusoo dhaqmeysay boqolaal sano iyaago aaminsana inay dhaqan tahay, taas oo uu guurku degdegi ahina ku sameyn xun ku yeeshay dumarka amaba gabadhaha soomaaliyeed ee wakhtiyaadas iyo imikaba jooga

Maxaa sababa in Guurka deegdeg ahi dhaco?

1: dagaalada iyo masiibooyinka dabiiciga ah: sidaynu wada ogsoonay dagalaada iyo masiibooyinka ayaa ah kuwo intaba badan dunida saameyn weyn ku yeeshay si gaar ahaaned ah dhulkeena ay soomaalidu degto si xun u halakeeyey waxayna ku reebeen raadad fool fool xun iyo sidoo kale sameyn weyn oo ilaa imika wakhti xadirkan aan xalkeeda la helin. Dagalaada iyo masiibooyinka dabiciiga ah ayaa ah kuwo kor u qaada korarka Guurka degdega ah ee ay gabadhu la kulmaan marka ay dalka joogan iyaago ay mararka qaar kale uusii racaan kufsi iyo jidh dil, si looga fa,ideysato xubanaha jidhkooda.

2: Fakhriga
Farkhiga ayaa isna ka mid ah waxyaabaha u waaweyn ee sababa inay gabadhu iyaado da’yar la guursado marka wadankeena la joogo, iyado wadankeenu uu kalmaha hore uu kaga jiro wadamada caalamka ugu faqiirsan ee walibana ku yaal afrikada beri, fakhriga ayaa keena in waalidiintu hablahooda ku daraan niman si ay nolol ay kusii nolaadan u heelaan amaba ay Fakhriga ay uga baxaan.

3: Dhaqamada bulsheed
Dhaqamada bulshada ayaa iyaguna door weyn ka qaata inuu dhaco Guurka degdega ah taas oo ay bulshadeena soomaaliyeed ay ka mid yihiin kuwo dhaqan ahaan aaminsan in gabadha iyadoo da’a yar la guursan kara iyado boqolaal sano lagu soo dhaqmayay ilaa imika wakhti xadirkan la joogana lagu sii dhaqmo amaba ay sii socdaan.

4: Sinaansho la,aan jinsiga
Guud ahaan dhulka soomaalidu degto ah goob aanay ku sinayn raga iyo dumarka, iyada oo dumarka laga ceydhiyay dhamaan fursadihii ay u lahaayeen in door muuqda ka qaatan kaalmaha bulshada sida waxbarashada, shaqada, siyaasada iyo waxyaabo kale oo badan, taas oo dumarka ku keenaysa inay ka rejo dhigaan mustaqbalkooda iyo fursadaha ay xaqa u lahaayen inay helaan isla markaa kadibna waxay noqonayaan kuwo u nugul dhibaatooyinka bulsheed ee dalka ka jira iyo guud ahaanba caalamkaba.

5: Sharciyada oo daciif ah
Sida aynu wada ogsoonay guud ahaan dhulka soomalidu degto kama jiraan shuruuc anba sharciyo lagu ilaalinayo dumarka xuquuqahooda anba markay dhibanayaal noqdaan lagu ciqaabi lahaa danbilayaasha dumarka u geysta sida Kufsiga iyo Guurka degdega ah oo kale, taas qudheedu waxay door ka qataa korarka tacadiyada loo geysanayo dumarka ku nool guud ahaan dhulka at soomalidu degto.

Hadaba marka intaas oo dhan kaga imaado waxa ka dhasha caqabadan soo socda.

1: Aqoon daro anba gabadha oo seegta fursadeeda waxbarasho iyaado noqoneysa qof aan aqoon lahayn.

2: Takoor, gabadha oo iyadoon da’a ahaan weynen oo la guursadaa waxay bulshada inteeda kale kala kulmeysa takoor, sidoo kale waxa ku dhacaya xanuuno maskaxiyan ah oo laga yaabo inay ku keento geeri degdeg ah.

3: sidoo kale waxaa ka dhalan karta gabadha oo marka ay umusho geeri ku timaado madaama anay da’dii hooyonimo anay gaadhin.

Talosoojedin

Waa in la sameeyo wacyigalino farabadan oo dadka lagaga wacyigalinayo dhibaatada uu leeyahay Guurka degdega ah.

In la abuuro goobo talo lagu siin karo dhamaan dumarkaas laso kulmay tacadiyadaas.

Sharci dajintu inay sameyso shuruuc mamnuuceysa Guurka degdega ah iyadoo lagu dabaqayo diinteena suuban.

W/Q Gulleid Abdirahman