Xeelado Aad Jidhkaaga Kaga Ilaalin Karto Qaniinyada Kaneecada (WQ: Kamaal Axmed Cali)

1. TOONTA

Toonta oo ka mid ah dhirta qarniyada badan dawo ahaan loo isticmaalayey waxa ay leedahay ur awood badan iyo maaddooyin la falgala dhiigga, sidaas awgeed qofka isticmaala toonta waxa ay urteedu gaadhaa dhiiggiisa. Urtaas toonta ee dhiigga ku lamaan ayaa sababta in kaneecadu aanay qaniinin dadka toonta isticmaala.

2. QOROFAL DHEGA YARE

Kaneecadu aad ayaa ay u necebtahay urta geedka Qorofal Dhegayaraha. Tijaaboyin la sameeye ayaa lagu ogaaday in haddii aad biyo ku shubto madiibad / xeedho, kuna riddo midhadh Qorofal ah, kaddibna aad saarto miis aan ka fogeyn halka aad seexanayso ama runkunka sariirta (Komaddiin) in ay ka fogaanayso kaneecadu.