Talladii Cali binu Abii Daalib (rc) Q.12aad (WQ: Cabdiraxmaan cismaan)

way aqbalayaan dhibta, rafaadka iyo khatarta ay wadada kala kulmayaan, ka fogaanshaha saaxiibadood, cunto yarida iyo ka tagida raaxada xilliga qofku soo xajayo isagoo gaadhaya ujeedkii safarkiisa -meel uu ku farxo. Ma diidayaan in ay xambaaraan khatar walba oo ay waajahaan iyo kharash kasta oo ka ay ku bixinayaan sadaqada iyo sakada si ay u caawiyaan dadka baahan iyo fuqurada.

Tallaabo kasta oo ay u qaadaan dhanka hadafkooda, si kasta oo uu u daal iyo dacas badan yahay, haddana waa dhacdo farxad gelisa nafahooda. Dhinaca kale dadka ay dunidu jiidatay cabsi iyo murugo ayaa dabooshay qalbiyadooda, nolol gaaban ayaa kadisay oo markiiba lumaysa iyo raaxo liidata, waxay ka dhigan yihiin sida dad safar ah oo joogay deegaan barwaaqo iyo farxad taalo oo u socdaalaya iyagoo ogsoon in safarkooduna uu ku dhamaan doono deegaan abaar ah, ba’an oo balaayo taal.

Miyuu jiraa safar ka rafaad iyo dhib badan? Siday u nici karaan in ay ka guuraan meeshaas ay joogaan una tagi karaan meel ay si aad ah u karhayaan oo ay kaga horayso murugo, ciil iyo cabsi!

Wiilkayga qaaliga ahow, la dhaqanka Aadmaha markay noqoto, naftaadu dadka ha ku qiimayso wanaaga iyo xumaanta. Ula dhaqan dadka sidaad jeceshahay in laguula dhaqmo.

Waxaad naftaada la jeceshahay, dadka kalena la jeclow, waxaad necebtahay in ay kugu dhacaan, adna dadka ha ula tagin. Cidna ha cadaadin hana cabsi gelin waayo, adba ma jeclid in lagu cadaadiyo oo lagu cabsi geliyo. Naxariis iyo farxad u muuji dadka kale sida aad adiguba u jeclaan lahayd in naxariis iyo farxad laguu muujiyo. Haddii aad ku aragto dadka kale xumaan aad diido, ka ilaali naftaada in ay sifahaa yeelato. Haddii aad wax ku farxad geliya ay cid kale kuu samayso adna ugu abaalgud farxad la mid ah.

La soco: qayb danbe oo ka xiiso macaan, sirtana noloshana ku bari doonta, jaamacadna aanad ka heli karin, qof kalena aanad ka dhaxli karin, adigana ay kugu dheeraanayso inaad soo tijaabisaa ama aad nolosha ka dhaxashaa.