Talooyin muhiim u ah barbaarinta ubadka (WQ: Kamaal Marjaan)

– Waalidiintu waxa ay ka siman yihiin jacaylka ay u qabaan in ay ilmahooda ka ilaaliyaan in uu waajaho dhammaan caqabadaha nolosha, xitaa waxa ay gaadhaa in qaarkood ay diidaan in uu caqabad kala kulmo ka shaqaynta waajibaadka dugsiga, sidaa awgeed waa ay ka caawiyaan ama iyagu uga shaqeeyaanba.

Laakiin waa qalad, waxa aanay khubarada cilminafsiga carruurtu aaminsan yihiin in caawinta noocaas ah iyo ilmaha oo laga ilaaliyo caqabad oo dhami ay ilmaha ku riddo daciifnimo ah in mustaqbalka uu xallin kari waayo mushkiladihiisa.

Waxa ay ilmaha ku abuurtaa dareen ah in dhib kasta oo ka hortimaaddaa u baahan tahay in cidi xalka la raadiso, oo aanu kelidii waajihi karin. Waxa kale oo ay abuurtaa ceeb ah in ilmuhu moodo in noloshuba guul uun ku dhisantahay, sidaa awgeed marka ay caqabad uu ka guulaysan kari waayaa ay ku timaaddo waa uu is dhiibaa oo isu arkaa in uu noloshii ku khasaaray, isku day dambana lagama fisho.

• Ilmaha caqabad kasta oo ka hor timaadda uu waalidku xalliyaa waxa uu noqdaa ku-tiirsane aan awoodin in uu naftiisa iyo ka gudbista caqabadaha kelidii u taag helin.

Waalidiintu waxa ay marar badan isku dayaan in ilmaha ay ku jiheeyaan habka ay tahay in uu uga dareen celiyo arrimaha ka hor imanaya. Waa se qalad kale oo uu waalidku gelayo. Waxa ay khubaradu ku taliyaan in ilmaha fursad loo siiyo in uu isagu iskii uga dareen celiyo arrimaha uu diiddan yahay, xitaa haddii ay mararka qaarkood dhacdo in ilmuhu uu waxoogaa ku talaxtago dareen celinta, waalidku waa in uu indhaha ka qarsado, oo ilmaha fursad u siiyo in uu isagu abuurto waayo-aragnimadiisa gaarka ah. xitaa haddii waalidku uu ilmaha ka dareemo ku talaxtag waa in uu mardambe oo aanu dareenkaasi jirin taladeeda si deggen u siiyo.

Waxa ay xeeldheereyaashu aaminsan yihiin in ilmaha oo dareema in waalidkii uu xakamaynayo habka uu cadhadiisa ama farxaddiisa uga dareen celinayo, ay ku abuurto dabeecad ah in uu qarsado shucuurtiisa gaarka ah, taasina waxa ay ka mid tahay sababaha marar badan ilmaha ku keena in uu ku kaco ficillo anshax ahaan aan fiicnayn.

Kamaal Marjaan