Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisadii 7aad (WQ: Cabdi Caawiye)

 

QISADII SACIID BIN AL-MUSAYIB

Saciid waxa uu ahaa mid kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii banii Umayah dowladda Islaamka u talinayeen: Saciid ardeydiisa waxaa kamid ahaa nin la oran jiray Cabdullaahi bin Abii-widaacah. C/Laahi dhawr maalmood buu dersiga ka maqnaaday, sheekhuna ardada ka dhex tebay. Maalintii dambe kolkii loo sheegay in sheekhu doondoonayey buu u yimid. Markuu salaamay buu sheekhu weydiiyey halkuu maalmahan ku maqnaa. โ€œXaaska ayaa iga jiranayd oo aan la joogay, haddase way dhimatay oo waaban soo duugayโ€ buu C/Laahi ugu jawaabay. โ€œMaxaad xanuunkeeda noogu soo sheegi weyday aan booqannee, amaba geerideeda aan waxka aasnee?โ€ intuu ku yidhi oo u tacsiyeeyay, xaaskii geeriyootayna u duceeyay, buu dabeeto ku yiri: โ€œC/Laahiyow guurso, Eebbena ha hortegin adoo doob ahโ€. โ€œYaa sheekhow gabar isiinaya!, Wallaahi baan ku dhaartaye Afar dirham baa xoolo iga dhacaโ€. Sheekhii baa markaa yirdhi โ€œSubxaanallaah, miyaanu muslimku afar dirham ku dhowrsan karin!โ€, una raaciyey โ€œAnaa inan kuu guurinaya hadaad raali ka tahayโ€.

C/Laahi bin Widaacah oo isaga laftiisu sheekada ka sheekeynayaa waxa uu leeyahay: Markaas baan xishood iyo darajayn dartood uga aamusay. โ€œMaxaad u aamustay? ma inantaydaan kuu cuntamayn?โ€. โ€œEebe hakuu naxariistee maxaad saa u leedahay haddaad doonto gabadhaada kumanaan dirham baad ku guurin kartaayeโ€ baan ku iri. Markaas buu sheekhii yirdhi โ€œWaa runtaa, balse iska daayoo markhatiyaal u yeedhoโ€. Shuhuud baan markaa u yeedhay, waxaana gabadhii la igula mehriyey Afartii dirham, halkaana lagu kala faataxaystay.

Kolkaan Salaaddii Cishaha tukannay baan anigu gurigeygii iska aaday, waana tanoo ninbaa albaabkii aqalkeyga garaacaya. โ€œWaa kuma?โ€. Qofkii iridka garaacayey baa yiri: โ€œWaa Saciidโ€. Ilaah baan ku dhaartaye waxaan Saciidyo magaalada ku aqoon jiray waan soo wada xusuustay aan ka ahayn Saciid bin Al-Musayib, maxaa yeelay weligey maanan arag asagoo gurigiisa ka baxaya, inuu Salaad Masjidka ugu socdo ama meyd wax kasoo aasayo maaha eh. Markaas baan idhi: โ€œWaa Saciidkee?โ€. โ€œSaciid bin Al-musayibโ€. Jidhkayga oo dhan baa halmar jareeyey, waxanan is idhi โ€œArmuu sheekhu ka qoomamooday inantuu ku siiyey oo kuu cudur daaran rabaaโ€. Markaas baan anoo cagajiid ah albaabkii furay, saa waa gabadh dadaboolan, faras alaabi ku raran tahay iyo gabadh shaqaale ah oo cad. Sheekhii intuu isalaamay buu yirdhi: โ€œC/Laahiyow waatan naagtaadiiโ€. Markaas baan si yare xishood ku jiro u idhi: โ€œAlle hakuu naxariistee, maxaad ayaamo ugu kaadin weydeyโ€. Suu yidhi: โ€œSabab!โ€, kuna daray: โ€œSow ima oran afar dirham baan haystaa?, mise waxaad dooneysaa in Eebbe iyidhaahdo maxaad ninka habeenkaa doobnimo ugu dhaaftay adoo xaaskiisii haya. Waa taa naagtaadii waana taa alaabadiinnii, waana taa gabar idiin adeegta iyo kun dirham ood masruufataan. C/Laahiyow amaanada Eebbe iga guddoon. Waxan dhaar kuugu marayaa inaad iga guddoomaysid gabar Soon iyo Salaad badan, Kitaabka Eebbe iyo Sunnada Rasuulkiisana aqoon badan u leh, ee Alle kaga cabso, aniga darteeyna ha uga xishoon ee haddaad wax aadan jeclaysan ku aragto intaad edbiso gacanteyda kusoo sinโ€. Waanu sii dhaqaaqay.

C/Laahi waxa uu leeyahay: Wallaahi baan ku dhaartaye weligey ma arag naag ka aqrin og Kitaabka Alle, kagana aqoon badan Sunnada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam), kagana cabsi badan Allihii abuurtay, waxanay ahayd masโ€™alada culimada wareerisa ta jawaabteeda la weydiiyo.Mar kasta oon Saciid is aragno waxa uu iweydiin jiray: โ€œQoftii say tahay?โ€ markaas baan dhihi jiray: โ€œWaa nabaddeedaโ€.

Kedib markay gabadhii wiil iidhashay baan maalin anigoo suuqa u baxay waxaan soo laabtay islaan aanan weligey arag oo aqalka dhex fadhida. Ka noqo markaan islahaa bay xaaskaygii tidhi โ€œSoo gal C/Laahiyow, waa qof araggeeda Eebbe kuu banneeyayeโ€. Markaas baan weydiiyey: โ€œTumaad ahayd, Alle hakuu naxariistee?โ€. โ€œC/Laahiyow gabadhaan hooyadeed baan ahaye maxaad kala kulantay?โ€. โ€œKhayr Alle haydinka siiyo, si fiican baad u tababarteen una edbiseenโ€. โ€œC/Laahiyow annaga ha noogu danayne haddaad xumaan ku aragtid edbi, , waxaan nafteeda ka ahaynna adaa leh, dhoola caddayntana haka badin yaanay ku dhayalsane. Eebe haydiin barakeeyo dhallaanka cusub, ha ka dhowro Shaydaan, hana kadhigo mid Alle ka cabsi badan sidii awoowihii. Wallaahi baan ku dhaartaye Afartan (40) sanadood oon isqabnay ma aanan arag maalinna asagoo Allihiis ku caasinaya, lacagtaana asagaa idiinsoo dhiibaye qaataโ€.

Cabdullaahi waxa uu leeyahay: โ€œWaan ka qaatay lacagtii,waxayna ahayd Shan diinaar, siday islaantii markaas nooga baxdayna siddeed iyo toban sanadood wejigeeda dib uma aanan arag ilaa geeriyi na kala geysayโ€. Dhammaad qisadii Saciid bin Al-Musayib.?

bal walal ka warama waalidkaa sida uu u jecelyahay dhaqanka suuban iyo sida aanu u danaynayn lacag iyo ninย  xoolo leh.

Hoos ka akhri qaybe hore oo qisadan ah:

Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisadii 6aad

Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisadii 5aad

Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisadii 4aad

Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisadii 1aad