Maamulka hay’adda caanka ah ee warbaahinta ee BBC ayaa maanta sheegay in ay dadweynaha Ingiriiska u soo bandhigayaan magacyada 109 ka tirsan suxufiyiintooda iyo qof kastaa xaddiga mushaharka uu qaato.
Tallaabadan ayaa maamulka BBC-du ku sheegeen in ay tahay mid ugub ah laakiin ay ku khasbanaadeen kadib markii xukuumadda Ingiriiska oo BBC-da maal-gelisaa ay sidaas dalbatay cadaadis kaga yimid cashuur-bixiyeyaasha darteed.
“Xukuumaddii David Cameron waxay dalbatay in la shaaciyo magacyada iyo mushaharka ay qaataan dadka mushaharkoodu sannadkii ka sarreeyo 450,000 oo ginida Ingiriiska ah, haseyeeshee ahaatee xukuumadda Theresa May ayaa hoos u dhigtay oo dalbatay in la shaaciyo qof kasta oo mushaharkiisu ka sarreeyo 150,000 oo gini (ama 198,000 oo Doollar sannadkii). Taasina waxay kor u qaadday tirada dadka go’aankani saamaynayo.” Sidaa waxa lagu sheegay war ka soo baxay maamulka BBC-da.
Suxufiyiinta ay caddahay in mushaharkooda dadweynaha loo soo bandhigi doono waxa ka mid ah cabqariyiinta kala ah Laura Kuenssberg, Nick Robinson, John Humphrys, Kirsty Wark, Fiona Bruce, Jeremy Vine, Tess Daly iyo Claudia Winkleman.
Shaqaalaha uu go’aankani saamaynayo ayaan ku faraxsanayn maadaama uu mushaharku ka mid yahay arrimaha dadka sirta u ah laakiin wax ay ka qaban karaan ma jirto.
Shaqaalaha Soomaalida wuxu go’aankani saamayn lahaa ย haddii uu jiro qof mushaharkiisu ka sarreeyo 150,000 oo gini. In uu jiro iyo in kale waxaynu ogaan doonaa marka liiska la baahibo toddobaadyada soo socda.
Il-wareed: The Guardian
BANDHIGE NEWS