Madaxweyne Siilaanyo iyo Dawladda Ingiriiska ayaa ka wada hadlay dib-u-dhaca doorashada Golaha Wakiillada

????????????????????????????????????

 

Madaxweyne Siilaanyo wuxu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Dawladda Ingiriiska oo ay weheliso safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland iyo ugu yaraan laba sarkaal oo kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriiska. Sidaa waxa tibaaxay Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige “Deyr”.

Dhinaca Madaxweynaha waxa shirkaย ku wehelinayey Madaxweyne-Xigeen Saylici iyo wasiirro ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Qoshaynta Qaranka iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Waxay u eg tahay safarkan weftigu in uu falcelin u yahay go’aankii Madaxweynaha Somaliland ku kala qaaday labada doorasho ee Wakiillada iyo Madaxtooyada.

“Weftigu waxay sheegeen in ay jeclaan lahaayeen in doorashada Madaxweynenimada iyo Wakiillada mar la wada qaban lahaa. Madaxweynuhu wuxu weftiga u caddeeyey in duruufi keentay sida madaxweynuhu sheegayna ay ku jirto danta qaranka Somaliland, waanay ku hambalyeeyeen madaxweynaha” ayuu yidhi Xuseen-Deyr.

Maalmihii ugu dambaysay baraha ay bulshadu ku kulanto waxa lagu hadal hayey in bulshada caalamka iyo qaadhaan-bixiyaashu ay ka cadhoodeen labada doorasho ee la kala qaaday maadaama markii ay maal-geliyeen diwaangelinta codbixiyaha iyagoo oo niyadda ku haya in lagu geli doono labada doorashaba.

Waa weftigii ugu cuslaa ee Somaliland soo gaadha tani iyo markii uu Madaxweyne Siilaanyo Sabtidii soo saaray digreeto uu ku kala qaadayo labada doorasho isagoo xusay in ta Madaxtooyadu ay wakhtigeedii ku dhici doonto laakiin ta Golaha Wakiillada dib loo dhigay ilaa wakhti aan la cayimin. Waxa go’aankaas ku gacan-saydhay xisbiga mucaaradka ugu weyn ee Waddani.

Go’aanka madaxweynaha ayaa la dhawrayaa in la hor geeyo Golaha Wakiillada si ay u ansixiyaan ama u diidaan.

Hase ahaatee khuburro arrimaha doorashada ku xeel dheer oo aanu arrinkan wax ka weydiinay ayaa qaba in ay Golaha Wakiilladu ansixin doonaan maadaama ay iyaga dan u tahay. Warar hoose oo aanaan xaqiijin karin ayaaย tibaaxaya in Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu ay hore isugu ogaayeen heshiis nooca loo yaqaan “Gentle Man’s Agreement” oo aan waxba la kala saxeexan laakiin nuxurkiisu ahaa in Golaha Wakiilladu ay ansixiyaan Heshiiska Maalgelisha Dekedda Berbera ee DP World taas beddelkeedana muddo-xileedka Golaha Wakiillada la kordhiyo.

Hoos ka daawo muuqaal fiidiyow ah ku saabsan shir-saxaafadeedka Af-hayeenka Madaxtooyada iyo muuqaal ku saabsan kulanka:

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????