Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay isku dhac laba tareen, 150 qofna way ku dhaawacmeen isku dhacaas.
Labadan tareen ee isku dhacay ayaa waxa kala sideen rakaab iyo xamuul, tareenanda ayaa waxay mariyeen badhtamaha Baksitaan.
Masuuliyiinta waaxda tareenadu waxay sheegeen in shilkaasi uu ka dhacay magaalada Multan gobolka Punjab ka tirsan.
Shilalka tareena ayaa waxay yihiin qaar ku badan Bakistaa, kuwaas oo ay inta badan ka dhasho jidadka oo burbur badan iyo duug badani ka muuqdo.
Dadka Bakistaanaa ayaa waxay ku eedeeyaan dawladda in ay jiraan musuq maasuq badan oo sababay in ay jidadka tareenadu noqdaan qaar bubursan.