Taxanaha cibrada nolosha (Qisooyin layaab leh) Q3aad (WQ: Cabdi Cawiye)

Nin Sheekha ayaa wuxuu dhalay wiil keliya oo baari ama dhaga nugluun ku caanbaxay. Markii uu ninkii sheekha ahaa wiilkiisii 10 jir gaadhay ayuu odaygii xanuunsaday oo uu wiilkiisii yaraa u yeedhay oo uu ku yidhi aabo waxa laga yaabaa inay taydii noqoto oo aan jiito ama dhinto ( ileen nin weyni wadkiisa wuu yaqaanaayo ) aabo hadii aan dhinto kolay dhaxalkeyga adii leh maalinta aad 18 jir gaadho tag tuulada heblaayo oo u tag ninka saahidka ah ee cibaadada badan isagaa ayaan kuugu dhiibay dhaxalkaagii aabo ku dadaal cibaada waxa uu ku siiyana sideeda u ilaali.

Mudo kadib waxaa geeriyooday odeygii, wiilkiina wuxuu qalbiga ku hayey inuu tago tuuladii marka uu 18 jir gaadho, markii uu gaadhay d,adii ayuu wiilkii tagay tuuladii oo uu u tagay saahidkii cibaadada badnaa wuuna isu sheegay.

Saahidkii wuxuu inankii ku yidhi
jihadaa(intuu meel u tilmaamay) aad oo lix (6) saac soco, ka dibna soo noqo oo waxaad soo aragto ii soo sheeg.

Wiilkiiย  sida la amray buu sameeyey oo jihadii loo diray buu u socdaalay, wixii ugu horreeyey ee uu arko waxay asagoo maraya afka hore ee wadiiqad(waddo) u dhaxaysa laba buurood ayaa wuxuu ku arkay wax yar oo dhalaalaya oo wadada dhex yaalla, wixii buu usha saas ugu dhuftay, bug! qarax baa dhacay labadii buurood baa is qabsaday isla markii uu usha ugu dhuftayba! dhinaca ayuu ka wareegay oo socodkiisii sii watay, dabadeed wuxuu arkay guri qurux badan, gurigii ayuu albaabkiisii furay mase ur buuba dareemay sidaas uu u fiiriyay waxa gudaha ka soo urayana wuxuu arkay in saxaro ka buuxdo wuu isa soo xidhay socodkii ayuuna sii watay.

Wali lixdii saac ma dhammaan sidaa awgeedna socodkii ayuu sii watay, dhacdadii saddexaad ee uu la kulmana waxay ahayd inuu arkay rati AWRย  gaajo la soo gotay oo dhex taagan dhul Ilaahay doog iyo barqaaqo ku mannaystay balse aanan cunayn naqa iyo doogga baxay.

Wuu ka sii socday oo misna wuxuu la kulmay rati kale oo fadhiya oo ay calooshiisii iyo qaybaha jirkiisa ay iska daldalanayaan weere, dawaco, dhurwaa, habar dugaag ooย  dhan dan se aan ka lahayn ee iska daaqaya oo naqa iska raamsanaya.

Wuu iska sii socdayoo ugu dambayntii wuxuu la kulmay gabar qurxoon oo gadaal gadaal u sii ordaysa, gabadhii buu daba orday saa way ka sii cararaysaa wuu gaadhi kari waayay,

dabadeed wuu iskaga hadhay inyar kadibna wuxuu arkay gabadhii oo kusoo orday wuu ka cararay oo ay daba carartay ilaa wakhtigii ka dhamaaday lixda saac ahaa kolkaasuu iska soo laabtay.
wuxuu u yimid ninkii markii hore diray wuxuuna u sheegay waxyaalihii uu soo arkay oo dhan, dabadeed wuxuu ugu jawaabey hadaba waan kuu fasiri waxaad soo aragtay ee i dhagayso:
1. wixii dhalaalayay ee aad usha ku dhuafatay ee isla qarxayoo labadii buurood is qabsadeen waa FITNO, fitnadu marka hore way huruddaa markiise la toosiyo dhib wayn baa yimaada iyo khasaaro wayn. tusaale aan ku darsado anigu (xassan ahaan) nin ayaa nin dilaya, hadaba ninkaas kali ah ee dhintay ayadoo si sharciga islaamka waafaqsan looga heshiin karo baa mararka qaarkood inta fitnadaas yar la huriyo ay dhashaa in 100 nin oo kale ay ku dhintaan.
2. gurigii quruxda badnaa ee aad la kulantay gudahana saxaradu ka buuxday waa TAARIKU SALAAD ama qof salaadii ka tagay oo ma tukade ah, waayo qofka aan tukani korka labis buu xidhanyahay, jirka waa qurxinayaa oo dushiisa wuu qurxin karayaa balse qalbiga waxaa ka buuxa saxaro, waayo waa qalbi aan Alle xusin u sujuudin oo aan xasuusan.
3.awrkiiย  kaynta barwaaqada ah taagnaa kase qatanaa waa bakhyalka ama dhabcaal, waayo bukhaylku xoolihiisa cidna wax kama siiyo asna kuma baahi baxo, oo wuu ka qatan yahay waana arrin dhibteeda leh .
4. Ratigii xubnihiisa la iska cunayay ee aan danta ka lahayna waa DEEQSI, deeqsi xoolihiisa dadkoo dhan baa cuna dhibna uma arko naftiisana ugama bakhaylo, dadkana ugama bakhaylo.
5. gabadhii kaa cararaysay, waa ADDUUNYO adduunyo waligaa daba orod gaari maysid. Marka aanad danaynayn ee aad ilaahay iyo aakhiro u godo iyadaa kusoo aadsanaysa.

Wuxuuna saahidkii ku yidhi waakaa dhaxalkaagii abahaa iigu kaadhiibay

wiilkii intuu ooyey AYUU ayuu gartay dhaxalka wax ku oolka ah ee aabihii uga tagay kuna camal falay

 

qalinkii Cabdi Caawiye

+252634115877