Shirkada Isgaadhsiinta Maraykanka ee Verizon oo iibsanaysa Yahoo

Shirkadda Verizon ee dhanka isgaadhsiinta ee dalka Maraykanka laga leeyahay ayaa iibsanaysa shirkadda Yahoo. Waxay ku iibsanayaan lacag ku dhaw 5 bilyan oo doolar.

Yahoo waxaa lagu dari doonaa AOL, oo iyadana ah shirkad internet oo hoos u dhacday laakiin caan ahaan jirtay taas oo Verizon ay iyadana iibsatay sannadkii hore.

Heshiiskan kuma jiro saamiga wayn ee Yahoo ay ku leedahay shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee Alibaba.

Qiimahan ayaa aad uga hooseeya kii ay shirkadda Microsoft rabtay in ay ku iibsato Yahoo sannadkii 2008 kaas oo ahaa 44 bilyan oo doolar.

Sidoo kale wuxuu ka hooseeyaa markii qiimaha shirkaddu uu marayay 125 bilyan oo doolar, markaas dot.com uu heer sare marayay.

Verizon ayaa sheegtay in heshiiskan shirkadda Internetka ee Yahoo oo adduunka ku leh hal bilyan oo macaamiil oo si joogto u isticmaala bilkasta in uu ka dhigi doono shirkad taleefan oo heer caalam ah.

bandhige@gmail.com