Tuugii sitay birta qaloocan (Axmed Cabdiraxmaan Axmed “Original”)

Qiso run oo ka dhacday Hargeysa.

Goor sheegtu waxay tilmaamaysaa ku dhawaad 3:40pm waa casar ay milicdu aad u kulushahay daruuro hogolo ah oo teel teel ah oo cirka ka muuqda, waxaanu kasoo baxnay Salaad Casar dadka wajiyadoodu aad ayay u dhalaalayaan intii soo tukatay waana laga dhex garan karaa dadka inta aan soo tukan, waysaday soo qaateen oo wajigooda nuur ka dhigtay awgeed, waxaan fadhiistay maqaaxi caan ah oo kutaala Baar Hargeysa oo ay dadka dhallinyar iyo waayeelba casarkii ku shaaheeyaan, warar kana ku kala helaan, meel iga durugsan waxa fadhiya nin aanu is waji naqaan laakiin magaciisa aanan aqoon oo kamida dadka aanu maalin walba halkan ku kulano, hase yeeshee sheeko wali aanay na dhex marin sababtoo ah hore ayaa loo yidhi reer magaalku way is muuq yaqaanaan ee isma magac yaqaan.

In ku dhow shan daqiiqo haddaan fadhiyey waxaan maqlay buuq iyo sawaxan meel aan iga fogayn ka baxaya, waxaan u holaday in aan ka war helo buuqa waxa keenay, waxaan arkay nin sita birta ay qaataan dadka laguha wax ka qaba ama curyaanka ah ee ay ku boodaan oo si adag ula hadlaya mid ka mida laba nin oo saaran gaadhi Layla Calawi ah. Ninku lug ayuu naafo ka yahay birta uu sitaa way qaloocsan tahay wuxuu ku doodayaa in raga gaadhiga wataa ay ku dhufteen isaga oo wadada maraya birtiina ay ka qaloocsantay, wuxuu sidoo kale gacanta ku sitaa tilfoonka gacanta nooca la salaaxo ah ee loo yaqaano “Screen Touch” oo murayadiisu jajabtay waxaanu sheegay in tilifoonkiisii gaadhigu ka jiidhay, odaygu wuxuu sheegay in uu ahaa qurbo joog inbadan oo uu ku noolaa dalka Ustareeliya sidoo kale in uu aad ula yaaban yahay dhaqanka iyo habsami u socod la’aanta dadka gaadhiyada ku dhex wata Hargeysa.

Dadka goobta joogay oo dhan iyo aniguba si adag ayaan ula hadalnay ragii gaadhiga watay oo waxaanu ku amarnay in ay odayga birtana u toosiyaan tilifoonka cusubna hadda u iibiyaan. Arrintii way nala qaateen ninkii curyaanka ahaan gaadhigii ayuu raacay.

Waa maalin kale iyo anoo shaqo maalmeedkayga ku jira ayaa waxaan arkay dad ku xoonsan meel u dhow meesha baska laga raaco, waan ku weecday waxaan arkay ninkii maalintii hore laftiisii ee curyaanka ahaa oo ay is haystaan nin kale oo gaadhi wata Layla Calawi ah wuxuu ku doodayaa in uu birtii ka qaloociyay tilifoonkiina uu jabiyey muraayadiisii, amakaag iyo fajac ayaan qaaday waxaan xasuustay in uu maalinkii horena sidaa u hadlayey waliba wuxuu kaga daray dhiiranaanta iyo dagaalka uu ku hayo ninka gaadhidga wata ee dadkuna ugu hiiliniyaan ninka curyaanka iska dhigaya ee tuuga ah, sidii maalinkii hore oo kale ayaa lagu amray ninkii gaadhiga watay in uu lacagta tilifoonkana bixiyo bir cusub oo uu ku boodana u iibsho odayga, juuq maan odhan afkan maan kala furin oo waan iska dhaqaaqay sababtoo ah waxaan oga ahay haddaan idhaa ninkani waa tuug waxani waa caadadiisa in aan cidi iga dhagaysan doonin ee la ii malayn doono in aan hiil u ahay ninka gaadhiga wata.

Balo waxay ka joogtaa marka maalin maalmaha ka mida isla ninkii curyaanka iska dhigayay anoo la socda gaadhiga xafiiska ee Layla Calawi ah waliba saaran shidhka hore  uu iskaayo hor dhigay ninkii laftiisii ee uu nala dagaalamay anigana bakooradii qaloocsanayd ee uu watay daanka igaga gujiyay markaan ku idhi tuug baa tahay oo waa taan ku arkayay maalintii aad goobtaa joogtay iyo maalintii kale ee aad goobtaa joogtayba, bakooradii qaloocsanayd ee uu daanka igaga gujiyay anoo saaran shidka hore waxay iga jabin gaadhay muraayada indhaha ee aan qaato, inyar ka dib waxaa nagu soo xoomay dad badan, wuxuu bilaabay shaqadiisii iyo in uu dadka nala maragsado tolaay ii qabta raga waxaabu lasoo baxay tilifoonkii jabnaa ee nooca la salaaxo ahaa “screen touch” oo muraayadu ka jaban tahay wuxuu dadkii u sheegay in aanu ka jiidhnay oo gaadhigu sidaa u galay.

Dadkii meesha joogay waxay nagu amreen in aan odayga xaqiisa siino oo birtana u iibino mobilkana u hagaajino waanu ka ogolaanay arrintii, hase yeeshee wuxuu diiday in uu na raaco ileen anaa garanaya in uu tuug yahaye wuxuu dadkii ka codsaday in lacagta hadda loogu shubo sarifle meesha u dhawaa, waxaanu bixinay lacagtii bakoorada iyo tii mobilekaba ileen Hargesya oo dhan ayaa na garab taagan oo car dhaqaaq nagu leh oo ninkan u hiilinaysee.

Qisadan waxaan ka bartay in wixii aad qarisaaba uu ku qarsado haddii maalintii labaad ee uu ninka kale suuqa ku maagay aan odhan lahaa waar waa tuug ninkani oo dadka u sheegi lahaa anigana igumay dhacdeen. Ninkani wali wuu joogaa Hargeysa waxaanu ku shaqaystaa xirfadaas qofkii arkow iska jir wuxuu sitaa bakoorada bir ah oo qaloocan iyo mobile muraayadiisu jaban tahay.

 

Waxa Qoray:  Axmed Cabdiraxmaan Axmed “Original”