Saraakiil caafimaadka Maraykanay ayaa waxay sheegeen in saamaynta cudurka Zika uu ka balaadhan yahay sidii markii la filayey.
Fayriskan ayaa waxa gudbiya kaneecada, waxaana la tuhunsan yahay in uu xirdhiidh la leeyahay dhibaato dhanka maskaxda ah oo ku dhacda ilmaha uurka ku jira.
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in tallaalka ugu horeeya oo lagaga hortagayo oo tijaabo ahi diyaar noqonayo bisha sagaalaad ee sannadkan.
Saraakiisha caafimaadka ee Mareykanka ayaa sheegay in ay waxbadan oo cabsi leh ka barteen cudurka Zika.
Dr Ann Schuchat oo ka tirsan xarunta ka hortaga iyo xakameynta cudurada ayaa sheegtay in kaneecada gudbisa cudurka Zika ay hadda gaadhay 30 gobol oo Maraykanka ah, loona baahan yahay in la isu diyaariyo ka hor inta aanu faafin.
Warka wanaagsan ayaa ah in tallaalka ugu horeeya ee cudurkan la filayo bisha sagaalaad ee sannadkan, waxaana hadda la hayaa 15 daawo oo la arkay in ay wax ka tarayaan fayriska.
Maamulka Madaxweyne Obama ayaa adeegsanaya lacag kasoo hadhay ololihii ka dhanka ahaa cudurka Ebola si loogu adeegsado cilmi baadhista lagu samaynayo cudurka Zika.
Balse lacagtaasi ayaa ah qeyb yar oo ka mid ah ku dhawaad 1.9 bilyanka doolar ee laga codsaday golaha sare ee Maraykanka si howshaasi loo qabto.
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in hadda aan kiisas badan oo Zika ah lagu arkin Maraykanka, balse waxa ay ka digeen in uu ku dhici karo boqolaal kun oo qof oo ku nool jasiiradda Puerto Rico.