UCID: shima la arki Faysal, Jamaal iyo Cali Guray oo wada shaahaynaya? (W.Q: DRs. Hoodo Yusuf)

UCID waa xisbi qaran oo saaxada siyaasadda  ka baxaaya oo ay hor-fadhiya  saddex shaqsi oo aan wada-shaqayn lahayn, sheeko-wadaag lahayn, shaah-wada cab lahayn. UCID malaha barnaamij  siyaasi ah “political platform “. Waxa haga  hadba hadalka  kasoo  yeedha  Faysal, Cali Guray ama Jamaal. Waa saddex nin oo aragtidoodu  kala duwan tahay, aqoontoodu kala durugsan tahay, ficilkooduna kala gedisanyahay. Faysal wuxuu leeyahay weji wadaad, Cali  waa muqayil, Jamaalna  waa qosol jecel.

1). Faysal laba jeer ayuu dhacay oo ay bulshadu diiday. Faysalna  wuxuu diiday in uu kursiga ku wareejiyo,  ku-xigeenkiisa. Waxuu dhaar ku maray “kol hadaan cuni-waayay, aan ka ciideeyo Cirro, oo cadka yaanu ”  Waxaanu ku tiraabay in uu dhagar geli doono, oo Cirro  toogan doono. Wuxuu heshiis la galay Muuse Biixi ,in aanu “Jamaal“ tartan gelin si aanay beeshu u kala jabin. Faysal wuxuu cunay taariikhdaa sheegi, dhakhsana  waa loo arki, Soomaaliduna waxay tidhaahdaaa: “Macal cuni muuqan doona. “ Sida ka muuqata Faysal waa nin cibaado badan, laakinse camal xun.

2.) Cali Guray wuxuu ka wareegay Kulmiye, waxxanu u  wareegayUDUB, Wuxuu hadana  ka wareegay UDUB, waxaanu u wareegayUCID. Wuxuu ku caan baxay   weerarka Madax-dhaqameedka iyo  Siyaasiyiinta kasoo jeeda beelaha kale, sida Madaxwayne Siilaanyo, Xirsi, WarancadeCali MareexaanCirro, Waabeeye, Buur-madow iyo qaar kale oo badan.. Arkimaysid ama  maqlimaysid  isaga  oo  wax ka sheegaya   Siyaasi ama Madax-dhaqameed kasoo jeeda  beesha uu ka dhashay, xitaa haddii u fal-danbiyeed  gacmaha kula jiro “criminal act”, sida falkii   ka dhacay “ Lughaya “ dhawaan  wuxuu canbaarayn culus kula dhul kufay Ciidanka Qaranka , isaga oo difaacaaya  Seedigi  Cumar Geelle iyo baasaboorka Jabuuti ee uu sito. Hawl-maalmeedkiisu  waa   Face book-ga iyo sheekada dhalinyarada.

3).Musharax Jamaal  isaga oo lacag fara badan la ciirciiraaya ayuu geyiga Somaliland soo galay, waxaanu madaxa lagalay  badwaynta siyaasada Kharash culus  ayuu  dhul-dhigay UDUB,  laakinse waxa jeebka kaga ritay Warran-cade .Waxa sheeda ka halacsaday  Faysal iyo Cali Guray, oo dabin iyo  calaaf u dhigay. Markii UCID soo baxayna  way  siibteen. Jamaal  wuxuu ku hafanayaa  badwayn, wuxuu  ku jiraa godkii  Sheekh Cali ay ku rideen  Aw Basbaas iyo  Gaandi   1962. Abwaan Qaasim wuxuu waaga tiriyey gabay dheer, oo tuducani ku mid yahay:

“Kol haday bad-wayn,  ku hafiyaan labada Beenaale,

Oo  ay  huudhi kaga soo baxaan, way balamayeene,

Ha baaxa degay, sheekha waa balan-balkiisiiye  “

Xisbigga UCID iyo Aqoonyahan Jamaal, waxay u baahan yihiin gurmad qaran oo aan loo kala hadhin.

 

Drs Hoodo Yusuf, london, UK,

yhoodo@yahoo.com