Gurmadka iyo taakulada Dallada SONYO ee ku wajahan dadka Abaaruhu saameyeen Deegaanada Somaliland

Dallada Ururada Dhallinyaradda Somaliland ee SONYO ayaa maanta socdaal shaqo iyo kormeer ugu kicitintey aafada abaareed ee saameysey gobolka Awdal iyadoo dalladu taakulo iyo gurmadba u fidisay guud ahaan dadkii kusoo barokacay deegaanka Qolujeed ee gobolka Awdal, sidoo kalena qaadhaan lacageed oo dhan $1000 doolar ku wareejisay Guddida Abaaraha gobolka Awdal.

Wafti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Dallada SONYO, Siyaad Cumar Cali oo uu ku wehelinayay Agaasimaha SONYO, Siciid Maxamed Axmed ayaa socdaal shaqo oo gurmad iyo kormeer-qiimayneedba daarnaa ugu kicitimay shalay deegaanka Qolujeed ee gobolka Awdal iyagoo si balaadhan u qiimeeyay xaalada bani-aadanimo ee taala isla markaana taakulo cunto iyo biyo ah ugu qaybiyeen ilaa 120-qoys oo loosoo raray Qolujeed lagana soo daad-gureeyay xeebta dheer ee gobolka kuwaasoo ay ka mid yihiin reero kasoo hayaamay deegaano Ethiopia ah, sida gobolka shiniile. Dad badan oo muwaadiniin reer Somaliland ah ayaa iyaguna kasoo bara-kacay xeebta dheer ee Somaliland, iyadoo qoysas badan ay Abaaraha dartood usoo hayaameen iyagoo filaya inay biyo iyo baad helaan.

Waftiga Dallada SONYO oo xaalada u kuurgalay ayaa ogaaday in masiibada abaartani keentey ka balaadhan tahay sidii la filayay, isla markaana ay dhereran tahay gobolo badan oo ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland, sidaas daraadeedna loo baahan yahay Qorshe-falcelineed oo midaysan isla markaana deg-deg ah, iyo tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu badbaadinayo nolosha dadka marka hore, marka xigtana nolosha xoolaha wixii naf lagu gaadho.

Dallada SONYO, iyo Uraradeeda ka dhisan gobolka Awdal sida ururka samofalka ee AYODA ayaa maanta si hufan uga hawlgalay isku-xidhka dedaalada lagu taakulaynayo dadka Abaaruhu saameeyeen, iyagoo taakulo dhaqaale iyo mid raashinba ku gargaaray dadkii jiidahaas ku sugnaa.

SONYO waxay cod dheer ugu baaqday dhammaan daneeyeyaasha horumarka iyo dedaalada bani-aadamnimo inay masiibadan kagasoo falceliyaan taakulo degdeg ah iyo gargaar balaadhan, iyadoo sidoo kale, Dalladu Alle SWT ka bariday inuu deeqdiisa balaadhan ku gargaaro dadka dhiban, abaarahana ka jabiyo deegaanada ay saameeyeen.

bandhige@gmail.com