“Dhudi Iyo Curadkeedii Cali-dhawaaq” Sheeko Taxane ah. W/Qoray: Maxamuud Axmed Oday -Qormadii 7aad

Faarax-goray, waa ku talo-galay, inuu fiid-horaadka seexdo, si uu caawa nuska dambe u soo jeedi karo. Hal cabbaar ah haddii la nastay, ayuu Faarax-goray geelii godlay, markuu oodda ka duway geela, ayaa Cabdi-gaasna ku kacay reenka halaha irmaan iyo yuuska nirgihii edegga ku jiray. Lama kicin Cali-mahad! Waa ku talo-gal ah inuu iska nasto, oo hadhow marka geela irmaankiisa la wada liso, in isna caanaha loo toosiyo, oo uu dhamo. Inta badan dheelallaaabo ayuu habeenkii caanaha ku dhamaa, kolkaasay aroortii la tahay in sidii uu u seexday uun uu kusoo toosay, oo aanu caanoba dhamin. Laakiin, inaanu gaajo ku seexan Cali-mahad, oo uu caano dhamay waxaa ka dhaadhicya Cabdi-gaas, Cali-mahadna wuu rumaystaa, maxaa yeelay wuxuu og-yahay in aanu been-beeniyayn. Kolkii geelii ay maaleen, caanona ay ka dhergeen, oo Cali-mahadna dhamay, ayuu faarax-goray sibraarkiina mijjilay, oo ardaaga ku tiiriyay. Geelii irmaanaa iyo nirgihiisiina xero-gaasha ku wada xereeyay. Mana uu illaawin inuu mid walba sidii ay maanta u marrayd u maray!

Habeenkaa, ardaaga ayay wada seexdeen saddexdii nin ee geela wada watay. Cali-mahad ayaa xagga xero-geesha ugu xiga, Faarax-gorayna wuxuu ugu xigaa xagga dhawrta. Dhiillo la’aan ayuu habeenkaasi ugu dhammaaday, wax aan ka ahayn, goor habeen-badhkii ahayd oo geelu diday, laakiin Faarax-goray ayaa si fiican u soo jeeday, oo duddada qori-dab leh kala wareegay, geelana u hadlay.

Markii ooggu istaagay, ayaa Faarax-goray intuu faytay, oo qorigiisiina jeeni-qaartay ayuu baar-qabkii oo taagan ka furay dabarkii, oo geeliina jiitinta ka duway, kolkaasuu labadii inanna kiciyay. Cabdi-gaasna sidii caadada u ahayd ayuu intuu hashii Gaydho fadhiisiyay Cali-mahad saaray maraq-saarkeeda. Gaydho, iyada lafteedu baratay wiilka yar ee ay dhabarka ku qaaddo, oo waa ay la qabsatay.
Sidaa ayuu Faarax-goray, intuu sibraarkii oo buuxa tuurta u ritay, geelii dhabba-gaasha ku qabadsiiyay, isagoo ku gurxamaya, oo ku laba-celinaya
Jawday, Hiddi-jawday
Jawday, Jaawoy Jala-qlaha;
Jawday, Maalin Jiilaal;
Jawday, Jaarka Buuxshaay; Jawday!

Faarax-goray iyo geeliisu waa is-af-yaqaannaane, markuu heestan maqashiiyo ayaa Gooha iyo Gurxan, oo ah laba da’ood oo isku xigay oo ay dhashay duqdii Gahaydh ee geelan inta badani ka tafiiran tahay, si tallaabo dheerayn ah u horraan-qaadaan geela. Inta kalena, iyadoo aad mooddo askar garoon-biraydh loo saaray (parade ground), oo jaanta isla heshay, ayay ka daba tooreeyaan, kolkaasaanu neef-na dhinac kale u baydhin.
Barqadii, ayuu Faarax-goray inamadii caano uga shubay sibraar-kii. Maanta jawigiisu waa kala deggan yahay, oo waa ka duwan yahay sidii shalayto subax arrimuhu ahaayeen, maxaa yeelay, shalay wuxuu ka soo jarmaadiyay geela, xeradii uu geli jiray ee gaaduhu ku soo dul-fadhiistay.

Maalintii gelinkeedii hore oo dhan, ayuu toore iyo daaq isku dhafan ahaa geelii. Gabal-gaabadkiina, isagoo aan ka tegin geeliisa, ayuu Faarax-goray haddana dey-deyayey xero-guul wanaagsan oo aan dulin lahayn oo uu caawa ku guuliyo geeliisa, habeenkii labaad. Xerada saala-geesha badani tuuran tahay muskeeda, waxay markhaati ka tahay in in badan loo hoyday, oo gafanihii ku dhacay, oo ku dillaacay, uu qaniin isu beddelay. Xeradaa qaniinka leh geela lagu xereeyaa, habeenkii ma fadhiisto, haddii aanu dhaadhicinna waxaa waagu u beryaa, isagoo sidii loo soo xoreeyay u tuban, kiiyoo xalay oo dhanna is-dhex-marayey. Markuu dhawr, xero iska dhaafay, ayuu helay xero-guul qormo-cad ah, oo qiyaasta hal geel uun uga horreeyay. Qiyaastii waa marka shaacu sii cawlan yahay, ee aanu weli madoobaan. Intuu geelii xerada ku ammuugay, oo baar-qabkiina dabray, ayuu wax dab ah ma shidine, meel fagaagga ah, u baxay oo hore u jiifsaday. Inammadiina, ardaagii ayay ku biliq yidhaahdeen. Faarax-goray, caawa kuma talo-jiro inuu dab shido, sababtana isagaa og!

La soco.

W.Q: Maxamuud Axmed Oday

moxamud_oday@yahoo.co.uk

Burco, Somaliland