Shir gaar ah oo ku saabsan habka uu u socdo barnaamijka Qaranka ee diiwaangalinta codbixiyaasha oo haatan maraysa Saaxil, Gabilay iyo Hawd, ka dib markii laga soo dhameeyay Togdheer iyo Awdal, ayaa lagu qabtay xalayย qasriga Madaxtooyada.
Shirkan oo uu gudoominaayay Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo, weheliyayna Madaxwayne ku xigeenka, ย Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciilย (Saylici), Gudoomiyayaashaย Xisbiyada Kulmiye iyo UCID iyo Xoghayaha Guud ee xisbiga Wadani, Xubnaha komishanka doorashooyinkaย oo uu horkacayo Gudoomiyaha komishanka, wasiirro iyoย Masuuliyiinta xukuumadda iyoย xisbiyada qaranka ka tirsan ayaa si qoto dheer loogu lafo-gurayย sida diiwaangalintaย codbixiyayaashu ilaa hadda u socoto.
Xubnahaย komishanka dooroshoyinka Qaranka (KDQ) ooย ahaa shan xubnoodย uguna horeeyo Gudoomiyaha Komishankaย Mudaneย Cabdiqaadir Iimaan Warsameย ayaa qeexay in ay diiwaangalintu sidii la rabay ee loogu talo galay u socoto, cidkastoo isku dayday in ay isdiiwaangaliso halmar wax ka badanna qalabka lagu shaqaynaayaa qabtay, sharcigana lala tiigsan doono .
Xubnaha komishanku waxay ka digeen in caadiifad inna qaaddo oo habka ay diiwaangalintu u socoto la farafareeyo, loona ordo waxa loo malaynayo in ay gobol ama degmo gaar ugu badinayso.
Waxay ku adkaysteen xubnaha komishanku in nidaamka diwaangalintu ee codbixiyayaashu yahay kan ugu fiican cadaaladda, laguna meel marin karoย tartan xor iyo xalaal ah doorashada loo balansan yahay 2017, hadii Eebbe idmay.
Waxay caddeeyeen Xubnaha KDQ in nidaamka codbixiyayaasha loo diwaan galinaayoย aanay cidna uga horrayn caalamka Somaliland, kalsooni wayna lagu qabo in uu guulaysto habkani.
Dhinacooda Xubnaha ka tirsan Asxaabta iyo Masuulliyiin xukumadda ahiba waxay tilmaameen inay kalsooni ku qabaan komishankaย dooroshooyinka iyo qalabka lagu shaqaynayoba, waxay rabaana yahay in tirada ugu badani ee codbixiyeyaashu is diwaangaliyaan, xaqa dastuuriga ah ee codbixiyeyaashana looย ilaaliyo.
Markii la qaadaa dhigay ka dib, waxa la isku dardaaray in habka lagu wado diiwaangalintu ay sideeda u socoto, Gobolada iyo Degmooyinka ay ka socotana lagu dadaalo in Goobaha Diwaangalinta lagu ururiyo si dadka ugu badani isku diiwaan galiyaan.
Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland oo soo gunaanaday kulanka ayaa ku dardaaray ka qaybgalayaasha kulanka in Komishanka dooroshooyinka qarankaย lagu qaddariyo shaqada culus ee ay u hayaan Qaranka, komishanka dooroshooyinka qarankuna ay tixgaliyaan cabashooyinka aan ka hor imanayninย wakhtiga iyoย habka shaqada diiwaangalinta loo qorsheeyay