Tariikhdu markay ahayd 11-kii bishan oo ku beegnayd maalin Isniin, goor-sheegta Hargeysina ku beegnayd 5:38 galabnimo oo ay waxyar naga horeysay dhinaca wakhtiga, ayaa waxa si lama filaana Telefonka viber-ka iga soo wacay saaxiibaday Maxamed Xiis Cabdi Naleeye iyo Siciid Caynab oo xiligaasi ku shaah ku cabayeen goob ka mida goobaha nasashada loo tago Hargaysa.
Maxamed Xiis oo aanan ismaqal in muddo ah lana socda xaalada uu dalku maanta maraayo, ayaa markii aanu sidii gaar ahayd isu waraysanay, kadib ayaa Maxamed waxa uu iiga sheekeeyay quruxda iyo ash-qaraarka ay Hargeysi yeelatay muddadii yarayd ee aan soo mooganaa.
Maxamaed iyo Siciid waxa ay Casariye ka cabnayeen siday ii sheegen mid ka mida Hotelada iyo Restaurantiyada aadka loogu raxaysto ee wakhtiyadan danbe Hargaysa laga yagleenay, kasoo ku yaala inta u dhaxaysa hudheelada Ambassador ย iyo ย Star.
Maxamed waxa uu aad iiga sheekeeyay carabkana uu ka dhigi waayay saxna uu ku ahaa Hudheelada ย iyo goobaha lagu raaxaysto ee dhismayaashoodu ay Hargaysa ka socdaan, isaga oo tilmaamo aad fiican iga siinaya isla markana aad moodo in uu gacanta i hayo, ayaa waxa uu hadba i dul joojiyaa dhismeyaal aad u qurxoon oo ddabaqyo ah kuwaas oo qaarkoodna gacanta lagu hayo qaarna ay dhammaadeen.
Runtii saaxiibkay markii uu horumarkaasi la taaban karo ee Hargeysa iiga sheekaynayey waan ku farxay waana wax lagu farxo oo lagu yididiisho, balse waxa markaliya maskaxdayda ku soo dhacday, saaxiibkay Maxamedna aanu isku si u wada aragnay in ay Harggeysi maanta ay u baahan tahay qurux ka gadisan midaasi uu saaxiibkay iiga sheekeeyay.
Saaxiibkay Maxamed Xiisow wax badan oo nolosha Aadanaha horumar iyo aasaas u ah Hargeysi way ka aradan tahay, kuwaasi oo kala ah, Biyaha, Laydhka, Waddooyinka, Caaafimadka iyo adeegyo kale oo badan.
Biyo laโaanta Hargeysa
Biyuhu waa aasaaska iyo jiritaanka nolosha baniโaadanka, waana shay la’aantii aanay nololi jirayn, biyo la’aani waa nolol la’aan, nolol la’aanina waa Biyo la’aan. Haddii aad aragto dhul lagu ooman yahay ha ka filin in uu horumar iyo qurux gaadho.
Haregaysa waa magaalo maalinba maalinta ka danbaysa ay dadkeedu sii badanayaan siina kordhayaan qiyaas ahaan dadka Hargaysa ku nool waxa lagu qiyaasaa maanta ku dhawaad laba milyan.
Qofkasta oo nooli waxa uu u baahan yahay saacad kasta biyo uu cabbo, wax ku karsado, waxna ku maydho, biyuhu waa aasaaska nolosha, Hargeysina waxa ay noqotay magaalo biyo ku filan sida loogu helaa ay adkaatay walaw dadaal badaniba uu jiro.
Qiimaha Laydhka oo qaali ah
Adduunka aynu maanta ku nool nahay waxa uu isku badalay wax loo yaqaano dunidii korontada, dunidan aynu maanta arkayno waxyaabaha ugu badan ee ay horumarka ku gaadheen waxa ka mid ah in ay heleen oo ay lasoo baxeen laydh ama koronto Jaban, taasi oo dadkii ka saacidaysa dhammaan noloshii oo dhan, iyaga oo kaga maarmaya waxbadan oo noloshooda cidhiidhi ku ahaa.
Koronto ama laydhka oo qiimahiisu jaban yahay waxa ay soo kordhisaa in dhammaan waddanku dhinacyo badan horumar uu ka gaadhi lahaa, haddii laydh jaban la heli lahaa waxa yaraan lahayd Jarista dhirta aynu dhuxusha ka dhigano, waxaa inoo suura gali lahayd in dhinacyo badan aynu horumar ka gaadhi lahayn.
Dhammaan Somaliland oo dhan waxa aan ogahay in laydhku uu yahay mid aad u qaali ah isla markana aanay goyn karayn dadka danyarta ahi, iyada oo aan la iska indha tiray sababta uu laydhku qaali u noqonayaa in ay tahay culayska dhanka shidaalka ka haysta shirkaddaha laydhka bixiya.
Caafimaadka Hargeysa
Hargeysa oo wakhtigan xaadirkan ah Caasimadii dalka, haddana dhakhtarka kaliya ee dawladdu gacanta ku haysaa waa cisbitaalkii uu dhisay Ingirisku 1958-kii, kaasi oo haba yaratee dhismahiisa waxba aan lagu soo kordhin marka laga reebo dhismaha aadka u kooban ee Maxamed Xashi Cilmi afafka dhakhtarka uu ka dhisay. Taasi waxa ay ina tusinaysaa in Hargeysa aad u liidato dhinaca caafimaadka.
Runtii waa wax aad loola yaabo caqliguna aanu qaadanayn in 1958-kii ilaa wakhtigan xaadirka in Hargeysa loo dhisi kari waayo dhakhtar dawladdu gacanta ku hayso oo dadka lagu daweeyo laguna dabiibo qiimo jaban. Hargeysa waxa caafimaadkeeda inta badan gacanta ku haya dhakhaatiir ay iska leeyihiin dad gaar ahi, kuwaaso inta badan ay dadku kaga cawdaan in ay ka qadaan lacag qaali ah.
Caafimaadka dhimirka
Cudurada dhimirku waxa ay ka mid yihiin xanuunada aan isleeyahay waxa ay u baahan yihiin in si aad ah looga hortago, waxa aad dareemaysaa in dhammaan dadka qaba xanuunka dhimirka ay ku dayacan yihiin dariiqyada iyo wadooyinka iyaga oo guri iyo gaboodba ay u yahay dibeddu. Daryeela’aanta ay qabaan dadka maskaxda ka Xanuusanaya waa wax laga xumaado.
Sixir bararka
Somalailand oo dhan waxa la soo gudboonaadey qiima dhac ku yimid lacagta shilinka taasoo saameyn dhaqaale ku yeelatey bulshada gaar ahaana kuwooda danyarta ah. Sababaha keenay in sixir bararku aad u sareeyo waxa kow ka ah, waa waddan aan habayaratee aan wax uu adduunka u iib-geeyaa aanu jirin marka laga reebo xoolaha nool ee aynu si aan habaysnayn ugu dhoofino wadamada Carabta .
Waxa aad arkaysaa meel walba oo ka mida Hargeysa iyo dhammaan dalka oo dhan, sida goobaha ganacsiga, sheyga ugu badan ee ay dadka wax ku iibsanayaan waxa uu noqday lacagta doollarka, taasi oo dhammaan dhabar jab ku noqotay lacagtii dalku uu lahaa.
Waddo xumada
Saaxiibkay Maxamed markii uu iga sheekaynayey quruxda Hargeysa gaar ahaan dhinaca bilicda hudheelada, ayaa waxa markaliya maskaxdayda ku hirdamay laba arrimood oo iska soo horjeeda, kuwaasi oo kala ah, guryo dhaadheer oo aad u qurux badan oo haba yaraatee aanay guryahaasi lahayn wax waddo ah oo ka qayb qaata quruxdooda .
Horumarka dal gaadho waxyaabaha ugu wayn ee laga sahamiyo waxa ka mid ah in dalkaasi ama magaladaasi ay leedahay wadooyin aad u qurux badan oo Indhaha dadka soo jiita, taasina Hargeysa maanta malaha cida kaliya ee laga sugayaana waa dawlada maanta dalka u talisa .
Iyada oo waddo xumadu caynkaas inagu ah ayaa haddana waxa aynu leenahay oo Illaahay inagu manaystay waxyaabihii wadada laga samayn lahaa sida cidii, dhagaxii, biyahii waxa kaliya ee aad dibedda uga bahaataa waa daamur, bal ka waran haddii maanta dhulka aynu ku nool nahay oo ahaan lahaa saxare aan waxba lahayn.
Waxbarashada iyo shaqo laโaanta
Heerka shaqo la’aanta dhallinyarada waxbaratay ayaa markasta sii kordhaysa, xilli sidoo kale ay sii kordhayso tirada dhallinyarada ka qalin jabinaysa jaamacaddaha iyo dhammaan goobaha waxbarashada ee dalka .
Sannadkasta waxa jaamacaddaha Somaliland ka baxa in ka badan kumanaan kun arday haddana sidaas oo ay tahay ma helaan marka ay waxbarashada dhamaystaan shaqooyin, taasina waxa ay niyad jab ku noqonaysaa dhallinyaradii iyo wax-soo-saarkii aqoonta .
Waxaa ila fiicnaan lahayd in ganacsato badan oo maanta waddanka joogta ay dhallinyaradaasi u abuuraan wax ka gadisan Hudheelada iyo goob lagu raaxaysto waayo haddii dhallinyaradii waddanku ay shaqo waayaan waxaad ogaataa in dalkuna aanu qurux yeelanaynin.
Guntii iyo gunaanadkii
Guntii iyo gabagabadii marka aan kasoo tago caqabadahaasi jira ee aan kor kusoo sheegay waxaa hubaal ah haddii ganacsatada dalku ay maalgalin xoog leh ku samayn lahayeen abuurista shirkado soo saaro kalluun iyo cuntooyin baddeed, kadibna iyaga oo qasacdo ku jira loo dhoofin laha waddamada caalamka dalku waxa uu noqon lahaa markaasi mid horumar wayn sameeya. Balse maanta kalluun keenii ayaa isaga oo nool badaheenii lag. Waan ka xumahay Maxamed Xiisow quruxda Hargeysa ee hoosta ka qaawan.
Waxa Qoray: Qareen Khadar Aar